Waxaa Maalintii Sedexaad ka Socda Markazka Ibnu Baaz Xaafada Towfiiq Degmada Yaqshid ee Magaalada Muqdisho Dowro Sharci ah oo ay soo jeedinayaan Qeybo kamid ah Culimada Soomaaliyeed isla markaana looga hadlayey Mowduucyo kala duduwan.
Sidii Caadada aheydba waxaa maanta goobta laga soo jeediyey labo Darsi oo kala ahaa
جلب المصالح ودرءالمفا سد (1
{in Masaalixda la soo jiito Mafaasiddana laga gaashaanto} waxaana Soo jeediyey Sh. Axmed Imaam, Sheeekha ayaa ku dheeraaday Faahfaahinta uu kaga hadlayey mowduucaan oo ah miyad gaar ah lahaa.
Sheeka ayaa faahfaahin kadib waxa uu u qeybiyey Masaalixda iyo mafaasida
Masaalix Shaqsiyadeed iyo Masaalix Guud waxa uuna Sheekhu Sheegay in Masaalixda Guud ay ka Ajarbadan tahay mida gaarka ah Aduun iyo Aakhiraba
Sidoo kale Mafaasida ayaa sidoo kale loo qeybiyey Midgaar ah iyo Mid guud ,
Sheekha oo sii faahfaahinaya Mowduucaan ayaa sheegay hadii ay kulmaan laba Masaalix in la qaadanayo mida Faa’iidada badan sidoo kale hadii ay kulmeen labo Mafsada in la qaadanayo Midda Sharta yar.
Sidoo kale Sh.Axmed Imaam ayaa sheegay hadii ay kulmaan Masaalix iyo Mafaasid in ay haboontahay in laga hortago Mafsadada waxa uuna Cuskaday qaacidada ah:
اذاجتمعت المصالح والمفاسد فدرءالمفاسد أولى من جلب المصالح (2
Gabagabadii Darsiga koowaad ayey Su’aalo ku saabsan Mowduucan weydiiyeen Dadkii ka Soo qeybgalay Sh.Axmed Imaam su’aalahaas oo uu ka jawaabay Sheekhu.
Qeybtii labaad ee Dowrada ayaa Nasasho kadib waxaa looga hadlay Mowduuc luugu magacdaray:
القبلية واثرها فى المجتمع
{Qabyaaladda iyo raadka xun ee ay ku leedahay Bulshada} waxaana soo jeediyey Mowduucaan Sh.Max’ed Barow.
Sheekha ayaa Mowduucan si qoto dheer u qaadaa dhigay wuxuuna hadafka sharciga ah ee loo jideeyay Qabiilka ku sheegay in leysku aqoonsado oo qura wuxuuna uu sheekhu si cad u qeexay sida sharcigu u xarrimay in qabiilka loo adeegsado wax lagu fano la’iskuna dulmiyo isla markaana loo tacasubo.
Sheekha ayaa Sababta ummadda Soomaaliyeed ugu daateen dabinada Qabyaaladda waxaa uu ku macneeyay Jahli iyo dadka oo ka fogaaday Diinta.
Qabaliyada oo ah Cudur halis ah oo Soomaali badan galaaftay ayuu Sheekhu sheegay in dawadiisu tahay qodobadan soo socda:
1) In Alle loo noqdo.
2) In Xumaanta oo dhan laga noqdo.
3) In Diinta Islaamka laqaato oo lagu Dhaqmo.
4) In Cilmiga iyo Culimada lagu daweeyo Arinkan
Ugu dambeytii waxaa Su’aalo kadib jawi wanaagsan ku soo gaba gaboobay Dowradii maanta oo Xiiso gaar ah laheyd.

Related posts:
Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay muxadadaradka dìiniga ah ee lagu qabanayo dalka&dibada