Dowro Diini ah oo M/Muqdisho ka Bilaabatey(Q.2 aad)

Published on March 23, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print
Sheekh Axmed Yare

Sheekh Axmed Yare

Dowradii ka Bilaabatey Xaafada Towfiiq ee Magaalada Muqdisho oo halkeedii ka sii socota ayaa gashey Maalinteedii labaad, sidii caadada aheydna waxaa Maanta baxey laba Darsi oo ay kala bixiyeen Sh C/casiis Amxed Xersi iyo Sh Axmed yare. (Daawo Sawirrada)

Darsigii koowaad oo uu qaatey Sh C/casiis Axmed Xersi waxa uu ku saabsanaa Duulaanka Xaga Maskaxeed ee Gaaladu ku hayaan Dadka Muslimiinta, Sheekhuna arintaas Darsigiisii Maanta si faahfaahsan ayuu uga Hadley oo ugu bidhaamiyay Ardeydii uu darsiga siinayey, waxa uuna sheegay in Barnaamijkan uu bar barsocdo mar walba Duulaanka Caskariga ah .

Si Mowduuca ardeydu si wanaagsan ugu fahmaan waxa uu hor dhac ahaan uga soo sheegeeyay amaba ugu Hadley Sheekhu Dagaaladii Jihaadka ah ee Muslimiintu la soo galeen Gaaladii ay is hayeen Xilliyadii hore, waxa uu sidoo kale ka soo Hadley Dagaaladii Macatab u durirka ahaa ee Gaaladu ku hayeen Muslimiinta Xiliyadii dhexe oo gaarayey ilaa 7 Xalmo.

Hordhacaas yar ka dib waxa uu sheekhu guda galey Darsigiisa oo si xeel dheer ugu qaado dhigey Moqduucan balaaran ee uu ka hadlayey(Duulaanka Maskaxda) oo uu sheegay Ujeedka ugu weyn ee Gaaladu ka laheyd inuu yahey Dadka Muslimiinta in Diintooda Islaamka laga saaro.

Waxa uu sidoo kale Sheekhu ka Hadley Xiliyadii Gaaladu Barnaamijkan bilaabeen oo aheyd ka hor iyo ka dib Xiliyadii Gumeystaha, arintaas oo dhibaato weyn u keentay Dadkii Muslimiinta oo ay ka mid ah tahey dibu dhaca weyn ee ilaa iyo Maanta heysta.

Si barnaamijka Duulaan Maskaxeedku si fiican ugu hirgalo gaalada waxa uu sheegay Sheekhu inay u diyaariyeen cid fulisa, oo ah labo qolo oo kale ah(المستشرقين والمستبشرين) shaqooyinka ugu muhiimsan ee ay qabanayaana ay tahey ugu horeyn sidii dadka Diintooda uga Shaki gelin lahaayeen, isku dirka Dadka Walaalaha ah, Umuuraha Dadka Muslimiinta inay soo jaasuusaan iyo inay bixiyaan yaboohyo been ah., sidoo kale howshooda waxa ka mid ah ayuu sheegay sheekhu inay tahey sidii Ceebaha Dadka Muslimiinta u sheeg sheegi lahaayeen.

Ujeedooyinka kale ee ugu waaweyn ee Barnaamijkan ugu talo galeen gaaladu ayuu ku sheegay Sheekhu sidii dhulalka iyo Dadka Muslmiinta u qabsan lahaayeen, una buun buunin lahaayeen hormarka xaga aduunka ay ka gaareen uba ceebeyn lahaayeen dibu dhaca Muslimiinta.

Duulaan Maskaxeedka waxa uu sheegay Sheekhu inay gaaladu u doorteen inuu yahey mid Takaaliif badan uga baxeynin, faa’iidooyinka ay ka helayaanna ay tahey mid aad u badan, ugu danbeytiina waxa uu sheekhu ka waramey in khiyaamooyinkii gaaladu isu bedeleen Xilligan inay ka hadlaan oo buun buuniyaan Mideynta Aduunka amaba waxa ay u bixiyeen Carro Edageyn,

Darsiga labaad ee Maanta oo uu galey Sh Axmed Yare, waxa uu bixiyey Darsi Ciwaankiisu ahaa, Gaaleysiinta(التكفير) oo si faahfaahsan uga Hadley, sidoo kalena uu sheegay inuu isla dersigan ka bixin doono Cashar labaad.

Darsiga Gaaleysiinta ee uu ka waramayey sheekhu ayuu sheegay inuu ku yimid Shareecada oo xadgudub iyo ka gaabin lagu sameeyay wixii la is farey, arintaas oo uu sheegay inay saameyn ku yeelaneyso Nolaha wanaagsan ee qofka Aduunka iyo Aakhiroba, waxa uu sidoo kale sheegay in Xukunkaas uu labada qof Midkood uun qaadanayo, kan ku dhawaaqey iyo kan lagu yiri mid uun ee meel cidlo ah aanu dhaceynin.

Macnaha gaaleysiinta mar uu ka waramayeyna sheekhu waxa uu ku sheegay in qofku si bareer ah u diido, jiritaanka Ilaahey, Rumeynta Rasuulka CSW iyo Shareecada uu ku soo dajiyay ee la armey inuu Dadka gaarsiiyo.

Waxa uu sidoo kale ka waramey in Imaanku leeyahey Asuul iyo Furuuc, labadaas qeyboodna mar walba loo eegayo Raadka uu qofkan ku yeelanayo Diinta Islaamka.

Waxa uu sidoo kale Muxaadara Sheekhu ku faahfahiyey qeybaha Kufriga iyo saameynta xaga Diinta ee mid walba Qofkii ku dhaca uu ku yeelanayo.

Ugu danbeytii waxa uu sheegay sheekhu inuu darsi kale isla cinwaankan ku faahfaahin doono.

Muxaadarooyinka iyo Dowrada ayaa halkeeda ka sii socota maalinba maalinta ka danbeysana Ardeydu way soo kordhayaan, sida ay ku warameen howlwadeenada Markaska Ibnu-baaz oo qabanaya Nadwadan.

Xalqada Nadwada

Xalqada Nadwada

Ardayda

Ardayda

Sheekh C/casiis

Sheekh C/casiis

Kasoo Qayb galayaasha

Kasoo Qayb galayaasha

Kasoo Qayb galayaasha

Kasoo Qayb galayaasha

Kasoo qayb galayaasha

Kasoo qayb galayaasha

Sheekh Axmed Yare

Sheekh Axmed Yare

Kasoo Qayb galayaasha

Kasoo Qayb galayaasha



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dowro Diini ah oo M/Muqdisho ka Bilaabatey(Q.1aad)
  2. Nadwo Diini ah oo Xaley Burco ka Bilaabatey.
  3. Nadwo Diini ah oo Caawa lagu Qabtey Masjidka Aba-hureyra ee Muqdisho
  4. Kolonyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ah oo Taangiyo ku jiraan oo Muqdisho ka baxdey.
  5. Labo sano ka dib oo Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho si weyn la isugu tegay

Readers Comments (1)

  1. AbuXudayfah says:

    manshaa alalah somaliya alle nimcad waa siiyay lakin alle ha inaga dhigu kuwii ka shukriya




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dowro Diini ah oo M/Muqdisho ka Bilaabatey(Q.1aad)
  2. Nadwo Diini ah oo Xaley Burco ka Bilaabatey.
  3. Nadwo Diini ah oo Caawa lagu Qabtey Masjidka Aba-hureyra ee Muqdisho
  4. Kolonyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ah oo Taangiyo ku jiraan oo Muqdisho ka baxdey.
  5. Labo sano ka dib oo Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho si weyn la isugu tegay

Latest Headlines