
Dowro Diini ah tii ugu horeeyay oo ka dhacda Magaalada Muqdisho in muddo ah ayaa Maanta ka bilaabatey Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiis, waxaana Nadwadan iska kaashadey qabashadeeda; Hay’ada kheyriga ah ee Manhal iyo Markazka Ibnu-baaz. Daawo Sawirrada: Nadwadan waxa ay socon toontaa sida lagu wado 10 Beri, waxaana casharo kale duwan oo Diini ah ka bixin doona qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.
Nadwan waxaa ka faa’iideysan Doona Ardey badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Banaadir.
Nadwada oo si toos ah u bilaabatey Maanta oo Axad, waxaa bixi doona Maalin walba oo Ardeydu qaadaneysaa labo xiiso oo kale duwan ayna kala gelayaan labo Macalin, xiisad walibana waxa ay soconeynaa Saacad iyo badh.
Xiisadii koowaad ee Maanta waxaa galey Sh Axmed Yare, waxa uuna si xeel dheer uga Hadley oo Darsigiisu ku saabsanaa ku Xadgudubka Diinta amaba
(الغلوّ في الدّين) waxa uuna si faahfaahsan uga Hadley Xaqiiqada Quluwiga, Qeybihiisa, Asbaabta keenta iyo Daaweyntiisa.
الغلوّ في الدّين
Ugu horeyn waxa uu ka Hadley waxa uu yahey Quluwigu amaba Diinta oo lagu xadgudbayo amaba sida ay tahey si aan aheyn in qofku u qaato oo ugu dhaqmo, waxa uuna sheegay Sheekhu in Quluwigu yahey ka gaabin wixii la is farey ama in lagu daro wax aan la isfarin oo Diinta aan qeyb ka aheyn iyada oo qofku is leeyahey kheryka badso, labadaas arimoodba waxa uu sheegay Sheekhu in Quluwigu ka dhasho, sida la iska rabaana ay tahey in ku dhaqanka Shareecada Islaamka sida ay tahey loo wada qaato iyada oo aan waxna lagu dareyn waxna laga reebeynin.
Qeybihiisa
Sheekhu waxa uu sheegay in Quluwigu uu u qeybsamo labo Nooc, mid Qofka Caqiidadiisa saameyn ku yeesha iyo mid Acmaasha Saameyn ku yeesha, waxa uuna tusaale u soo qaatey sidii ku dhacdey Firaqdii amaba Jamaacaadkii ka weecday wadadii toosneyd ee ay qaadeen Nabi Muxamaed (NNKH) iyo Saxaabadiisa iyo sidoo kale Ahlu Salafka.
Asbaabta keenta Quluwiga.
Sh Axmed Yare waxa uu Darsigii Maanta si faahfaahsan intiisa badan uga Hadley Asbaabta keenta Quluwigu oo uu ku soo koobey 5 Sababood kuwaas oo kala ahaa:-
Ø Sida qofku inuu ku kaaftoomo macnaha sare ee Ayaadka oo qura.
Ø Qofku inuu ku kaaftoomo Ayaadka Qur’aanka isaga oo aan u celin Fasirka Axaadiista.
Ø Inuu Qofku ku ekaado Axkaamta Muuqata ee Ayaadka isaga oo aan u celin Fasirka Axaadiista, amaba cagsigeeda.
Ø Inuu qofku ku ekaado oo qura Ayaadka iyo Axaadiista isaga oo aan la kaashan Ijmaaca Umada.
Asbaabta keenta Quluwigu markii uu Sheekhu ka Hadley waxa uu daba dhigey oo uu ka sii Hadley Muuqaalada danbe ee soo baxa markii Diinta lagu xadgubo waxaana ka mid ah:-
Daawyntiisa
Sh Axmed Yare waxa uu sidoo kale Muxaadaradii Maanta uga Hadley Daaweynta Quluwiga waxa uuna ku sheegay arimahan:-
v Diinta oo si wanaagsan loo barto.
v Xaqqa oo mar walba la raaco.
v iyo Dadka Ahlu Cilmiga ah oo ishkaal gala loola noqdo.
Darsigii Labaad ee Nadwada waxaa galey Sh C/casiis Xasan faarax waxa uuna uga Hadley Muxaadaradiisa:-
Waxa uuna sheegay Sheekhu in Ilaahey iyo Rasuulkiisa CSW oo la raaco ay ka dhalan karto Nolol wanaagsan oo dadku ku noolaadaan, maadaama ay Shareecada Islaamka ku dhaqmayaan. Waxa uu sidoo kale sheegay Sheekhu inta qofku Daacada Ilaahey iyo rasuuskiisa u jiro inuu Imaankiisuna leegyahey.
Qodobkan ayuuna si xeel dheer faahfaahino uga bixiyay oo uga Hadley, waxa uuna sheegay Dadka Xaqqa Matelaya inay yihiin Muslimiinta kuwo kale ee Cagsiga ku ah ee Baadilka ama baadida ma telaya ay yihiin Dadka aan Muslimiinta aheyn, mar walbana labadaas dhinac uu loolan ka dhaxeeyo, sida taariikhda ku xusan, Dagaalkaasina aanu aheyn mid dhamaanaya ee uu soconayo ilaa Qiyaamuhu ka kaco.
Dagaalkaas joogta ah ayuu sheekhu sheegay in Guusha Maalinba dhinac u dhaceyso, balse cidda ku danbeyneysa ee Aakhiro iyo Aduunba lIibaanta lehi ay tahey Muslimiinta. Arintaas oo uu sheegay inay ku jirto Xikmad Ilaahey uu ka leeyahey.
Sidoo kale in aduunku inuu ahaado mid maalinba cidi gacanta ku heyso si legdanka Dagaal ee ka jira aanu u ahaan mid dhamaada, waxa uu sidoo kale sheekhu sheegay Dagaalada dhaca dadka qaarkood uu ilaahey ku siinayo Shahaado iyo sidoo kale Imaanka Dadka in lagu muujiyo.
Sheekh C/casiis waxa uu sidoo kale sheegay in Ilaahey legdanka ka dhaxeeya Gaalada iyo Muslimiinta uga gol leeyahey sidii jiritaanka Dadka u ilaalin lahaa gaar ahaan Muslimiinta, gaaladana loogu baabi’in lahaa oo laga dhigo in la dilo, qaar jizyo laga qaado iyo kuwo soo islaama.
Qodobkan oo sidoo kale Muxaadaradiisa uga ahdley ayuu sheegay qofka Muslimka si kasta oo culeysyo u soo wajahaan amaba looga adkaado inaanu is dhigan oo niyada gashan inuu jabey amaba laga adkaadey, waxa uuna sheegay in arintaa gundhig u tahey inta uu leegyahey Imaanka uu qofkaasi leeyahey.
Balse dhinaca kale waxa uu sheegay Xilliga qofka Muslimka ah uu jabey ay tahey marka uu aduunyada iska raaco dhimashadana uu naco amaba iska ilaawo, waxa uuna sheegay si arintaa looga baxo in Ilahey loo noqdo Ducadana la badiy
o.
ugu danbenytii Sheekhu waxa uu Muxaadaradiisa uga Hadley kuna soo qaatey Khilaafka iyo dhibaatada uu Muslimiinta ku reebo, waxa uuna sheegay Dhibaatooyinka guud ee Muslimiinta heysta inuu isagu saldhig u yahey, waxa looga bixi karaana ay tahey Safka Dadka Muslimiinta oo la mideeyo, Jihaadka ilaahey oo laga run Sheego, Dhibaatooyinkii la soo marey iyo kuwa taaganba in loo dhug yeesho oo aan lagu dagmin, Koox iyo nin jacleysiga gaarka ah in laga gudbo oo midniada uma laga shaqeeyo.

Related posts:
ka faaiideso
masha allah