Sh Bashiir:“ waxaanu u sheegnay in Caalamka Islaamka ka codsadaan in Soomaaliya loo soo gurmado oo lala soo gaaro gar gaar deg deg ah”.

Published on March 17, 2009 by   ·   17 Comments   ·   print

Shabakada Somalimirror, waxa ay halkan idinku soo gudbineysaa Wareysi kooban oo aanu la yeelaney Dr, Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, waxa uuna Wareysigu dhacey wax yar ka dib markii uu Galabta Magaalada Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtey kaas oo uga hadlayey Safarkoodii dhawaan Wafdi ka socda Hay’ada ku tageen Dalka Qadar, gaar ahaan Caasimada Dalkaas ee Doha.

 

Wareysiga Sheekha oo sidoo kale tanaawulaya Barnaamijkii uu uga Hadley Shirkiisa Jaraa’id ayaa u dhacey Sidatan ee ka bogosho wacan, Inshaa Allah.

 

Somalimirror:- Sheekh ugu horeyn waxaad warbixin naga siisaa safarkii aad ku tagteen Dalka Qadar iyo Cidda aad la kulanteen?

 

Sh Bashiir:- aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa Shabakada Somalimirror, Safarkaan u baxney waxaa uu ahaa Marti qaad ay noo soo direen, Markaska Al-jazeera, qeybtiisa Daraasaadka oo arinka Soomaaliyeed looga arinsanayey oo Nadwo lagu qabanayey oo ku saabsan arintaas, Nadwadaas qeyb fiican ayaanu ka qaadaney, arimo badan oo Soomaaliya ku saabsan ayaanu ku soo bandhigney, dadkii ka soo qeyb galeyna aad iyo aad ayey ugu qanceen, arintideenana waa soo dhaweeyeen.

 

 Somalimirror:- Intii aad Dalka Qadar ku sugneydeen ayaad la kulanteen?

 

Sh Bashiir:- Waxaan kulamo fiican la yeelaney, Hay’adaha Culimada Meesha jooga, gaar ahaan Hay’ada Culimada Muslimiinta iyo Culimadii hadda ka hor meeshan imaaneysay ee arinka Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan isku dayayey waxaan kaloo la kulaney Hay’ado kheyri oo aan is laheyn Arinka Soomaaliyeed dhankiisa bani’aadanimada wax ha ka qabteen oo Dadka Soomaaliyeed u fidiyaan wax qaban iyo Kaalmo gar gaar ah oo ku saabsan Xagga Bani’aadanimada.

 

Somalimirror:- Dowlada yaad kala kulanteen?

 

Sh Bashiir:- Waxaan la kulaney Dabcan Dadkii hade anaga noo yeerey ee Markaska Al-jazeera ee Daraasaadka, Markaskaa Dadkii Madaxda ka ahaa waanu la kulaney laakiin Dad kale oo magaca Dowlada aanu kula kulaney ma ay jiraan.

 

Somalimirror:- Barnaamijkii Musaalaxada ee aad wadeen, hay’ada Culimada Muslimiinta maxaad iska tiraahdeen?

 

Sh Bashiir:- Culimada waxaanu u sheegnay inaan anaga lafteenu Hay’ada Culimo inaanu nahey oo aad iyo aad isugu howley inaan Musaalaxada wax ka qabano waana la socodsiiney meesha wax noo marayaan iyo waxa noo dhiman, waxaan kaloo u sheegnay kaalinta iyaga ku aadan Umada Soomaaliyeed guud ahaan wax u qabtaan gaar ahaan Arinka Musaalaxada hada jira wixii kaga aadan ay nagu taakuleeyaan, sida Hay’ada Aqoonsigeeda  iyo Shaqadeeda ka warqabaan in Caalamka Islaamka ka codsadaan in Soomaaliya loo soo gurmado oo lala soo gaaro gar gaar deg deg ah, arimo noocaas ah ayaan kala hadalney.

 

Somalimirror:-Waxaa nagu Maqaalo ah wafdi ka socda hay’adaas Soomaaliya inay dib ugu soo noqonayaan ee maxaa ka jira?

 

Sh Bashiir:- Hay’adaas maahan ee waxa weeyaan Culimadii berigii dhaweyto imaanayey qaar ka mid ah ayaa yiri inaan nimaadno ayaa laga yaabaa mar dhow,  oo arinkii Musaalaxada ee aanu ku jirney, Anaguna aanu ku jirney, mar labaad ku soo noqdaan oo tilaabooyin kale isku dayaan oo arinka wax kaga qabanayaan inay yimaadaan oo anaga wada tashano oo is taakuleyno waanu ka wada hadalney, Imaatinka waa noo sheegeen, laakiin wakhtiga uu yahey iyo inta ay ku imaanayaan noma aysan cadeynin.

 

Somalimirror:- Soo noqoshadiina ka dib maxaa idiin qorshe ah oo aad damacsantihiin inay ka qabataan Soomaaliya?

 

Sh Bashiir:- Waxaan dooneynaa inaanu ka qabano, Tilaabooyinkii noo socdey ayaanu rabnaa inaanu meeshii ka sii wadno ee dhex dhexaadinta aheyd oo danihii Umada in la ilaaliyo aheyd in Diinta Inshaa Allah ku dhaqankeeda lagu dadaalo oo Go’aamadii loo baahnaa waxna waa soo fuleen waxna waanu sugeynaa inay soo fulaan oo tilaabooyinka keenaya isku kalsoonida abuuri kara Dadkana isu soo dhaweynaya inaanu  ku dadaalno ayaa qorshaheena ka mid ah.

 

Somalimirror:- Waxaan ognahey in Hay’ada dhawaan la dhisey, Dhismaheeduna qabyo ahaa, halkee marayaa dhismaheedu?

 

Sh Bashiir:- Runtii Dhismaha Hay’ada wali sidii loo baahnaa uma dhmeysirmin Inshaa Allah, hadda markaan soo noqoney ayaan is arki doonaa ragii Culimada ahaa  waana Dhameystiri doonaa wixii noo dhiman Hadii Alle yiraahdo.

 

Somalimirror:- Gobolada Dhexe waxaa ka socda Dagaalo u dhaxeeya Ahlu Sunnah iyo Al-shabaab, hadda uu ku biirey Xisbiga Islaamiga ah, Aragtidiinu maxey tahey? Maxaadse ku baaqeysaan?

 

Sh Bashiir:- Anagu waxaanu soo jeedineynaa wax kasta in si tartiib ah loo xaliyo, arinka Bilowgiisiina horaan uga hadalney wax kasta oo Dagaal keeni kara in la joojiyo oo Dadku waxa ay isku heystaan si tartiib ah u xaliyaan khilaafaadkana iyada oo Shareecada loo noqonayo la xaliyo iyada oo Dadka Deegaanka degan la gala tashanayo la xaliyo arinka noocaas ah baanu soo jeedineynaa waana aragtidii markii hore anagu aanu qabney weeye.

 

Somalimirror:- Talaabada ku aadan Dagaaladaas ee aad qaadeysaan maxay tahey, mise laga yaabaa Goobta Dagaalka inaad tagtaan si aad wax u xalisaan?

 

Sh Bashiir:- Runtii horey baanu isugu daynay inaanu la kulano, dad yow fara badan oo aanu is leenahey wax bay ka qaban karaanna Inshaa Allah waanu la xariireynaa in arinkaas is taago oo dhiiga la joojiyo oo wixii dhibaayo jira tartiib loo xaliyo oo Shareecada loo noqdo arinka noocaas ah anagu wadadaas meel kasta oo aanu joogno ayaanu Dadka ku adkeyneynaa khilaaf kasta oo jira waa la xalin karaa, dhibta kasta oo jira waa la joojin karaa, marka runtii in Culimada loo soo noqdo oo waxa meesha ka jira tartiib loo xaliyo iyada oo Diinta laga amba qaadayo ayaan soo jeedineynaa, anaguna wixii dhex dhexaadin iyo wixii ka hadlid ah iyo wixii qaboojin ah waanu ka hadleynaa haddii Alle yiraahdo.

 

Somalimirror:- Shukran Sheekh, Allena hakaa ajarsiiyo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh Bashiir “Waxaan kaloo soo jeedinay in Caalamka Muslimiinta iyo Caalamka Carabtu inay tixgelin gaar ah siiyaan Arinka Soomaaliyeed”.
  2. Wafdiga Culimada Muslimiinta“Waxaa lala shirayaa Kooxaha kala duwan oo dhan ilaa la gaaro Xal”.
  3. Ururka Islaamka oo Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM
  4. Dr.Sh. Bashiir “Anagu kuma xirayno Mowqifkayaga Shakhsiyaad, balse waxaan Fiirinaynaa Mabaadii uu la imaan doono”
  5. Ban Ki-moun oo beesha caalamka ka codsaday in ay dib u eegaan siyaasadahooda ku wajahan Soomaaliya

Readers Comments (17)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh Bashiir “Waxaan kaloo soo jeedinay in Caalamka Muslimiinta iyo Caalamka Carabtu inay tixgelin gaar ah siiyaan Arinka Soomaaliyeed”.
  2. Wafdiga Culimada Muslimiinta“Waxaa lala shirayaa Kooxaha kala duwan oo dhan ilaa la gaaro Xal”.
  3. Ururka Islaamka oo Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM
  4. Dr.Sh. Bashiir “Anagu kuma xirayno Mowqifkayaga Shakhsiyaad, balse waxaan Fiirinaynaa Mabaadii uu la imaan doono”
  5. Ban Ki-moun oo beesha caalamka ka codsaday in ay dib u eegaan siyaasadahooda ku wajahan Soomaaliya

Latest Headlines