You need flash player
Maqaalkaan waxaan kaga hadlayaa alle idankiis tilmaamaha laga doonayo haweenayda u hanqaltaagaysa inay noqoto mid suuban. Midda kale waa tilmaamo tusayo in haweenaydii ku sifoowda ay gaartay darajada sawjo saalixad ah :-
1. tilmaanta ugu horaysa ee haweenayda saalixada ah laga rabo waa inay ku sifowdo saaxibatu diin oo ku toosan diinta Alle; maxaa yeelay waa fariinta ay farayso diinta islaamku. Wuxuu Nabigu (scw) ku booriyay ninka inuu doorto haweenay diin leh, wuxuuna sheegay in haweenayda la guursanayo lagu doorto afar arimood oo kala ah (B) maalkeeda (T)nasabkeeda (J) quruxdeeda (X) iyo diinteeda . Wuxuuse Nabigu adkeeyay inaad doorato oo aad ku guulaysato mida diinta leh.
2. tilmaanta labaad waa mid akhlaaq wanaagsan:
waa inay ahaataa haweenayda saalixada ah mid akhlaaq wanaagsan, oo dabci dagan ama dabeecad wanaagsan, hadal wanaagsan, dhaqankeeduna uu toosanyahay. Intaa waxaa dheer waa inaysan ahaanin mid cuqdadleey ah ama ka aaargoosato ruuxii ay wax dhexmaraan. Waxaa liibaanay oo aflaxay ninkii guursada haweenay akhlaaq badan, islaamkuna wuxuu aad u booriyay akhlaaqda wanaagsan. Usaama ibnu Shariik wuxuu Nabigeena (scw) ka wariyay inuu yiri (adoomada Ilaahay waxaa loogu jecelyahay Alle agtiisa kuwa ugu akhlaaqda wanaagsan ) maqaalkaana kuma soo koobi karno adilada ku soo aroortay ee Qur,aanka ama axaadiista ah ee ka hadlaysa akhlaaqda wanaagsan. Guud ahaan akhlaaqda wanaagsan ee u dhaxaysa lamaanaha is qabaa waxay ka soo burqanaysaa ninka oo ah ruuxa la doonayo in lagu daydo. Mida kale haweenayda saalixada ah ee wanaagsan waa mid mar walba ay ka soo burqanayso kalgacalada jacaylka ee lamaanaha isqaba, waana mida mar walba ku qaabisha lamaanaheeda dhoolacadayn, taasina waa furaha liibaanta lamaanaha noolasha wadaagaya. Waxaa ka mid ah qaababka lagu garto haweenayda akhlaaqda wanaagsan sida ay ula dhaqanto ninkeeda, sida:
· inay u dulqaadato waxyaaba dhibaya nafteeda ee ay kala kulanto lamaanaheeda
· inaysan ku farxin haday aragto ninkeeda oo murugaysan ama aysan murugoonin marka uu faraxsanyahay
· inaysan ku qawlin hadalwanaagsan mooyee wax kale iyadoo ku dhaqmaysa aayadda Qur,aanka ah ee Alle uu ku yiri ( وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْناً) maadaama uu yahay lamaanaheeda ruuxa ay ugu jeceshahay dunida.
· inaysan khaladka uu ka galo lamaanaheeda aysan ugu badalin khalad kale balse ay wanaag ugu badashao
· inay nafteeda xakamayn karto .
· inay tahay mid u degdegto mar walbo raalli galintiisa;
maxaa yeelay Nabigu (scw) wuxuu yir: haweenka ahlu jannaha waa kuwo usoo laabasho badan raggooda, kuna dadaalo mar walba raalligalinta raggooda
3- tilmaanta sadaxaad waa inay ahaato haweenayda saalixada ah mid ku dadaasho barashada iyo tixgalinta cilmiga shareecada islaamka sababtuna waa arimaha soo socdo :-
· baahida aan u qabno barashada diinta islaamka kama yaro baahida aan u qabno cuntada ama raashinka aan cuno ee ay ku xirantahay noolasheena
· ka saarida haweenayda muslimada ah beerta jahliga
· waxaa aad ugu faafay dunida madaahibta baadilka ah ee ay fidinayaan ururada ka hortaga fiditaanka islaamka
· waxay oranaysaa qaacidada fiqiga ah ee culimada islaamku ay aad u kaashadaan: shayga uusan waajibku dhamaystirmaynin in isaga lala yimaado mooyee isna waa waajib.
4- tilmaanta afraadi waa inay haweenayda saalixada ah ay aad u barataa maqaamka iyo meesha uu ka joogo zawjkeeda, taasina waa sababta ugu wayn ee ay ku gaaraan lamaanaha is qabo liibaanta aduunka, arintaana waxaa ku soo aroortay axaadiis badan oo ka sugnaatay Nabigeena (scw), waxaana ka mid ah inuu ku yiri haweenay: ku dadaal tixgalinta ninkaaaga waayo (waa jannadaada ama naartaada). Waxaa kale oo ka mid ah inuu yiri: (hadaan ruux amrayo inuu ruux kale u sujuudo haweenayda ayaan fari lahaa inay u sujuudo ninkeeda xaqa uu ku leeyahay waynankiisa awgi) iyo axaadiis kale oo aanan soo koobi Karin. Haweenaydii Alle uu waafajiyaa inay gudato xuquuqda iyo ixtiraamka ninkeeda iyada oo aysan ka ahayn gudashada xuquuqda ninkeeda oo kaliya balse Alle ugu dhawaanayso waa mida liibaantay.
Haddaba iyada oo ay sidaa tahay waxa laga rabo haweenayda saalixada ah, ayaa waxaa wax lala yaabo ah in inta badan khilaafka ka dhexdhasho labada is qabo uu ka bilowdo arrinta gogasha/. Inta badana waxay xujo ka dhigtaan haweenka raggooda u diido xuquuqda gogosha waxayaabo kala duwan, sida: inay ku mashquushay shaqada guriga, inaysan hadda u baahnayn , inay hurdo ka soo kacday ama ay hurdoonayso iyo asbaab kale oo badan, asbaabtaas oo aan marna gar ahayn marka la fiiriyo xaqa uu ku leeyahay ninkeeda.
Waxaa muhiim ah in la xuso oo la sheego xaqa iyadoonan laga xishoonaynin, arrintaana waa wax aad loola yaabo, lagana fajaco; maxaa yeelay Alle wuxuu u sharciyeeyay guurka in lagu dhawrsado, haweenayduna ay adeecdo ninkeeda markasta oo uu ka dalbado inuu u galmoodo, waa haduusan jirin cudurdaar sharci ah .
5-tilmaanta shanaad : waa mid ku dadaasha raali galinta ninkeeda, dareenkeeduna uu aad u sarreeyo, aadna u waji furan oo u qalbi fiyoow. Haweenayda saalixada ah waa mida awoodeeda oo dhan isugu gayso raali galinta ninkeeda, waa mida ku dhexnool dareenka iyo waxa uu ku fikirayo ninkeeda ee noqotay maskaxdiisa, waxay aad u barataa oo ay ku dadaashaa ereyada jacaylka ee ay isku jeclaysiinayso ninkeeda, mar walbana wuxuu ka maqlaa hadal wanaagsan oo qalbigiisa soo jiito. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa qiso aad u cajiib badan: haweenay saalixad ah oo lagu magacaabi jiray Sucdaa ayaa maalin u soo gashay ninkeeda oo aad u murugaysan, oo la dhihi jiray Dhalxa bin Cubaydilaahi, waxayna ka baqday oo ay mooday inay ka gaabisay xaq kiisa ama inay ku xadgudubtay xaqkiisa ah, ka dibna waxay waydiisay ma xaqkaaga ah ayaan ka gaabiyay, wuxuuse ugu jawaabay maya balse adaa ugu wanaagbadan haweenay la xaasaysto, maxaa dhacay ayay waydiisay wuxuuse ugu jawaabay aduun iyo maal ayaa igu soo batay oo aan la murugoonayaa, waxayse ugu jawaabtay is dhaafi oo ku sadaqayso masaakiinta iyo dadka fuqarada ah. Walaaleey aad ugu fiirso haweenaydaas marka koowaad waxay aad ugu dhabbagashay dareenka iyo murugada ninkeeda, ka dibna way ka farxisay, mida xigtana waxay diyaar u ahayd hadday wax khalad ah ka gashay inay ka noqoto oo ay ka raali galiso mida, sadaxaadna waxay ku farax galisay ninkeeda inuu ka takhaluso aduunyada oo sadaqo iyo khayr uu la baxo, ugu danbayntiina waxaa wax lagu farxa ah jawaabta uu siiiyay zawjkaa saalaxa ah haweenaydiisa adaa ah mida ugu wanaagsan ee xaas laga dhigto.
6- tilmaanta lixaad haweenayda saalixada ah waa mid deeqsiyad ah oo naf hurid badan, bal waliba ka hor Marisa nafteeda nafta ninkeeda, raali ahaanshihiisa ayay wax walba ka hormarisaa. Haweenayda saalixada ah ma tiraahdo aniga, balse nafteeda way inkirtaa oo waxbo kama soo qaado iyadoo raadinaysa raali galinta ninkeeda iyo nuurka nafteeda .
Asbaabta ugu badan ee keenta khilaafka lagana yaabo ugu danbayntii inay ku dhamaato nolosha guurku kala tag waxaa ugu wayn inay haweenaydo ku caasiso ninkeeda, oo ay warkiisa maqli waydo, sidoo kale waxaa lagu gaaraa liibaanta guurka inay haweenayda adeecdo ninkeeda
7- tilmaanta todobaad haweenayda saalixada ah waa mid noolasheedu ay dhex dhexaad tahay, oo aanan xadgudub (israaf) aqoonin, maalka iyo xoolahana aanan baatulin, waa mid amaano badan, maalka iyo guriga ninkeedana u xifdiso
8-tilmaanta sideedaad haweenayda saalixada ah ma ahan mid u hanqaltaagto aduunka sida dumarka kale ee lagu imtixaanay hunguriga aduunyada, ma ahan mid uu fikirkeedu yahay mar kasta waxay cunto iyo waxay xirato, balse aduunka agteeda qiimo kama laha
9- tilmaanta sagaalaad haweenayda saalixada ah waa mida ku dadaasha quruxdeeda, nadaafadeeda iyo carfoonaanteeda. Arrimaha ay raggu inta badan ka caroodaan ama ka calool xumoodaan waxaa ka mid ah inay arkaan xaaskiisa oo aanan qabin dhar nadiif ah ama aanan soo carfaynin
10- tilmaanta tobnaad haweenayda saalixada ah waa mida mar walba uga mahad celiso ninkeeda wanaaga uu u galo, nabiguna (scw) wuxuu yiri: Alle ma fiiriyo maalinta qiyaamo haweenayda aanan ku shukrinin ninkeeda
11-tilmaanta kow iyo tobnaad haweenayda saalixada ah waa mida u baarinima samaysa ehelka ninkeeda sida waalidkiisa walaalihii iyo wixii kale oo la mid ah
12- tilmaanta labo iyo tobnaad haweenayda saalixada ah waa mid caqli iyo xikmad badan oo aanan ninkeeda cidna uga dacwoon xitaa labadii dhashay Alle ha ka dhigee
13.haweenayda saalixada ah waa mid ku sugan mar walba gurigeeda, mana ka baxdo inay hawl muhiim ah leedahay mooyee
14- haweenayda saalixada ah waa mida ku dadaasho inay awlaadeeda ku tarbiyayso tarbiyada islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan, una horseedo arrinkaa, una ah ku dayashada wanaagsan
15- haweenayda saalixada ah waa mid aad uga faa,iidaysato waqtigeeda oo iska ilaaliso waxa aanan macnaha ugu fadhinin noolasheeda
16- haweenayda saalixada ah waa mida aad ugu dadaasho cibaadada Alle, mar walbana Alle xusto
17- haweenayda saalixada ah waa mida mar walba xasuusnaato geerida ee aanan hilmaansanayn qabriga iyo nolasha danbe ee aakhirada, una diyaargarawdo
18- haweenayda saalixada ah waa mida ku sabirto haday ibtilo ama dhib gaaro ee Alle ku xirmato, oo samir iyo ajir raadsi Alle ka dalbato, amuurahana Alle u tala saarato
19-haweenayda saalixada ah waa mid daaciyad ah oo diinta dadka iyo dumarka ugu yeerto, oo xaqa dadka farto, xumaantana ka reebto
waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkayga Alle haka dhigo dumarkeena zawjoowin saalix ah
Waxaa Diyaariyay: – Abu Cabdiraxman C/lahi Maxamed Nuux.
No related posts.
Aammiin ilaahay hanaga dhigo kuwo saalixaad ah qaatana waxkastoo wanaaga oo loo sheego.
xaqa alle hana fahamsiiyo hana nugu sugo asaa awoodee dumarkuna aad haugu dadaaleen iney kusifoobaan tilmaamahaas
Name (required)
Email Address (required)
Website (optional)
Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.
Aammiin ilaahay hanaga dhigo kuwo saalixaad ah qaatana waxkastoo wanaaga oo loo sheego.
xaqa alle hana fahamsiiyo hana nugu sugo asaa awoodee dumarkuna aad haugu dadaaleen iney kusifoobaan tilmaamahaas