Howl galadii Amaanka G/Banaadir lagu sugayey oo la sii xoojiyay.

Published on March 16, 2009 by   ·   22 Comments   ·   print

Sh C/Qaadir Cali Cali Cumar oo Wasaarada Arimaha Gudaha u qaabilsan DKM oo kawar bixinayey Howlgalo isdaba joog ah oo ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamku ay Maalmahaan kula Wareegayeen Degmooyin iyo qeybo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa Sheegay in ay Ciidamadooda geeyeen Goobo badan oo ay ka soo cawdeen Dadka Raiyidka ah oo ay dhibaatooyin ku hayeen Ciidamo kale oo ay leedahay DKM. Xilli uu u waramayey Idaacada Hornafrik ee Muqdisho.

Sh. C/Qaadir mar wax laga weydiiyey in ay howshan Amaan sugida ah kula jiraan Ciidamadii hore ee DKM ah iyo in kale waxa uu ku jawaabay “howlaha si wada jir ah ayaa loo qabanayaa Ciidamada nafsadooda kuwo laga Cabanayo wey jiraan meelihii laga cabanayo in Dadka laga Cabanayo la xaliyo lagana wareejiyo kuwa kale lageeyo si wada jir ah ayaana Howsha loo qabanayaa Dadkuna hada qaabkii Dowlada ayey ku Shaqeynayaan ama Maxkamadaha asal markii hore ha ahaan ama kuwii hore ha ahaadeen Si wadajir ah in loo shaqeeyo in Dadka Shacbka ahna wax loo qabto Ciddii dhibeysana laga qabta nooceydootaba ha ahaatee”.

Mar wax laga wey diiyey Sh C/qaadir Cali Cumar Darees la’aanta Ciidamadooda in ay dhibaato keeni karto waxa uu yiri:”Sida aad ogsoon tihiinba arintan hada wey Cusubeyd Dowladuan wey ku mashquulsan tahay Arimahaasna waa la gaari doonaa diyaarna waa loo yahay weyna dhawdahay Insha Allah muhiimaduna waxa weeyaan in la shaqeeyo oo howl laqabto howshiina waa lahayaa waxyaabaha dhimana waa la dhameystiri doonaa Insha Allah”

Sidoo kale Sh C/Qaadir Cali Cumar mar wax laga wey diiyey in ay ka howl gali doonaan goobaha laga Qaxay ee Dagaalada ku xirmay Si ay Dadku dib ugu soo laabtaan Waxa uu ku jawaabay:”Runtii aad iyo aad ayaan u jecelnahay in magaalada lagu soo laabto waxa aanan rajeyneynaa in Xilli dhaw lagu soo laaban Doodo marka Shaqadu wey socotaa Insha Allahu Tacaalaa meelkasto oo magaalada kamid ah in nabadeeda lasugo waa la qorsheynayaa diyaarna waa loo yahay”.

Dhanka kale taliyaha Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Dhanka Amaanka ugu qaabilsan Gobolka Banaadir C/laahi Xasan Cabdi (Wadaad) ayaa Sheegay mar uu ka hadlayey Xaflad ka dhacdey Degmada Boondheere in ay Ciidamada Maxkamaduhu Soo qab qabteen oo ay Gacanta ku soo dhigeen labo Nin oo Burcad ah oo dhibaateynayey Dadka Shacabka ah meel u dhow Deegaanka Siisii ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sidoo kale Carabka ku dhuftay C/laahi Wadaad in ay Ciidamadoodu yihiin Ciidamo Dowladeed oo ay ku howlgalayaan magaca DKM ah.

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa maalmahaanba waday howlo ay kula wareegayaan Degmooyin iyo Fariisimo ay horey u Daganaayeen Ciidamada DKM ah waxaana kamid ah goobihii ugu Dambeeyey ee ay la wareegeen Degmooyinka Kaaraan , Boondheere Waabari iyo waliba Wadada Maka Al-Mukaramaha, Isgoyska KM4, wada aada Garoonka Diyaaradaha iyo goobo kale waxaana Xusid mudan in ay isla joogaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM goobaha qaar sida KM4, Villa Somalia iyo Wadada Maka Al-Mukaramah ee Magaalada Muqdisho.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Howl-galo Amni sugid ah oo ka Bilowdey qaar ka mid ah Deg. G/Banaadir
  2. Burcad lagu soo qabtay Howl-gal laga fuliyay G/Sh.Hoose.
  3. Howl galo Amniga lagu adkeynayo oo G/Bakool ka dhacey
  4. Weerar lagu qaaday saldhiga Ciidamada Amaanka ee degmada Guriceel
  5. Howlgalo Amaanka lagu sugayo oo qeyb ka mid ah G/Bay ka dhacey

Readers Comments (22)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Howl-galo Amni sugid ah oo ka Bilowdey qaar ka mid ah Deg. G/Banaadir
  2. Burcad lagu soo qabtay Howl-gal laga fuliyay G/Sh.Hoose.
  3. Howl galo Amniga lagu adkeynayo oo G/Bakool ka dhacey
  4. Weerar lagu qaaday saldhiga Ciidamada Amaanka ee degmada Guriceel
  5. Howlgalo Amaanka lagu sugayo oo qeyb ka mid ah G/Bay ka dhacey

Latest Headlines