Xarkadda Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay Maanta ka hadlay Dagaalka ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud waxayna Sheegeen in ay Guulo ka gaareen isla markaana ay Jabiyeen kooxda sheegta Ehlu Sunna oo ay ku tilmaameen Niman Murtadiin ah oo u shaqeeya Itoobiya.
Afahayeenka Xarakadda Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo Maanta Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Kooxda sheegta Ehlu Sunna ay Duulaanka ku soo qaadeen Aagaga ay Mujaahidiinta joogeen wuxuuna sheegay in kooxdaasi ay Weerarka ka soo qaadeen Degmada Guri ceel ee G/ Gal-gaduud.
Sheekh Mukhtaar oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Umadda Muslimiinta ah waxaan ugu Bishaareynaynaa iyo Mujaahidiintaba guud ahaan inay Jabeen Nimankii Murtadiinta ahaa ee Itoobiya u shaqeynayay ee Duulaanka ku soo qaaday Aagaga ay Mujaahidiinta joogeen iyaga oo ka soo duuley Meesha la dhaho Guri-ceel, waxayna markii danbe kala gaareen Meesha la yiraahdo Dac iyo Wabxo, Qolada Wabxo tagay iyagu Dagaal baa toos ugu Bilowday kuwa Dacna markay ka soo tageen bay kamiin ku dhaceen, Dagaal Culus oo Wakhti dheer socday baa Meeshaa ka dhacay ilaahayna Cadowgaas waa jabiyay ee Duulaanka ahaa, Mujaahidiintana ilaahay waa Xifdiyay, ilaahay Mujaahidiinta waxa uu siiyay Qaniimo, Hub fara badana way ka heleen wayna jabeen, wayna kala carareen, Nimankaana waa Niman Murtadiin ah Ninka u hadla oo Sheegta Ehlu Sunno inay yihiina Ehlu sunna ma aha waa niman Gaalada u shaqeynaya oo u adeegaya marka ilaahay inuu jabiyay baan Insha Allaahu umadda ugu Bishaareynaynaa,
Dhanka kale Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa xaqiijiyay in Dagaalkii Shalay iyo Doraad ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud ay ka qeyb galeen Xisbiga Islaamiga, Abuu mansuur oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“waxaan kaloon iyagana u Mahadcelinaynaa Walaalaha Mujaahidiinta Xisbul Islaam oo Runtii Walaalaha Xarakatu Shabaab Al-Mujaahidiin Dagaalka la galay Jazaakumullaahu Kheyr”.

Related posts: