Sh.Shariif oo lagu wado inuu ka dhoofo Kenya.

Published on March 10, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdigii uu hogaaminayey ee maalmahaanba Socdaalka ku joogay Magaalada Neyrobi ee Xarunta Dalaka Kenya ayaa la filayaa maanta in ay Dalka Kenya ka amababaxaan kadib markii ay dhameysteen booqasho ay halkaa ku joogeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdiga Sh. Sharriif ay ku sii jeedaan Magaalada Kamabaala ee Xarunta Dalka Ugandha wuxuuna uga sii gudbi doona Dalka Buruundi.

Intii ay joogeen Dalka Kenya Sh.Shariif iyo wafdigiisa waxay kulamo Dhowr ah la yeesheen Xubno ka tirsan Dowlada Kenya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki iyo Jaaliyada soomaalida ee Ku dhaqan Dalka Kenya.

Kulanka Sh.Shariif Mwai Kibaki ayaa la sheegayaa in ay kaga wada hadaleen arimo dhowr ah ay kamid tahay Xiriirka labada Dal waxaana la sheegay in ay gudiyo labada dhinac kakooban u saareen gudidaas oo ka kooban Wasiirada wasaaradaha Arimaha Dibada iyo Wasaarada Arimaha Gudaha u qabilsan labada dhinac.

U qaabilsan DKM Wasiirka Gaashaandhiga Prof. Gandi ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay labada dhinaca ka wada hadleen waxaana uu yiri “sidii looga shaqeyn lahaa Daris wanaaga wadanka looga shaqeyn lahaa iyo wixii habdhis ahaan ah Wadanka sidii ay Kenya ay uga qeyb qaadan laheyd iyo Dowladaha Caalamka sidii looga caawini lahaa Dowlada Soomaaliya sidii ay wax ugu abaabulilahaayeen ay ku xasiliyaan Wadanka.”

“gudi ayaa la bixiyey oo ay kamid yihiin Wasiirada Arimaha gudaha iyo kuwa Arimaha Dibada u qaabilsan labada Dal inay fadhiistaan oo ay aad u falanqeeyaan wax alle iyo wixii loo baahan yahay.” Ayuu sii raaciyay Gaandi.

Socdaalka Sheekh Shariif waxaa ku wehliya Xubno ay ka mid yihiin, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdalla Boos Axmed, Cumar Xaashi Aaadan, iyo Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan iyo saraakiil kale oo dhowr ah.

Booqashada Sh.Shariif iyo wafdiga oo hor kacayo ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Kenya Tan iyo intii lagu soo dhisay Dalka Djabuuti DKM.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Shariif oo lagu wado inuu u dhoofo Dalal Afrikaan ah
  2. Sh. Shariif oo lagu wado inuu ka soo dago Muqdisho
  3. Sh Shariif oo lagu wado Galabta inuu R’isul Wasaarihiisa soo Magacaabo
  4. Dibadbax lagu taageerayo Sh.Shariif oo lagu wado in ka dhaco Baladweyne
  5. Sh. Shariif oo la kulmey Jaaliyada Soomaalida Kenya

Readers Comments (3)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Shariif oo lagu wado inuu u dhoofo Dalal Afrikaan ah
  2. Sh. Shariif oo lagu wado inuu ka soo dago Muqdisho
  3. Sh Shariif oo lagu wado Galabta inuu R’isul Wasaarihiisa soo Magacaabo
  4. Dibadbax lagu taageerayo Sh.Shariif oo lagu wado in ka dhaco Baladweyne
  5. Sh. Shariif oo la kulmey Jaaliyada Soomaalida Kenya

Latest Headlines