Burcad lagu soo qabtay Howl-gal laga fuliyay G/Sh.Hoose.

Published on March 10, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

2 Burcad ah ayaa lagu soo qabtay Howl-gal ay Maamulka Midowga Gobolka Shabeelada Dhexe ka sameeyeen Deegaanka Xawaadleey oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Burcada ayaa la sheegayaa in ay Falal dhac ah ka wadeen wadooyinka soo gala Deegaanka Xawaadleey, waxaana uu sheegay Maamulka MMIS ee Gobolka Shabeelada Dhexe in ay ku xireen Saldhiga Xawaadleey soona taagi doonaan Maxkamad.

Deegaanka Xawaadleey ayaa hadda waxaa laga sameeyay Maamul Islaami ah oo Hoos taga Maamulka Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeelada Hoose ka dib markii ay Halkaasi ka dhaceen Dagaalo Beeleed soo noq noqday oo salka ku hayay Maamulka Deegaankaasi.

Inta badan Isbaarooyinkii lagu dhibaateyn jiray Shacabka iyo Safareyda ayaa laga qaaday Gobolada ay ka arimiyaan Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed taas oo saameyn weyn ku yeelatay isku socodka dadweynaha iyo ganacsiga intaba.

Ma aha markii ugu horeysay oo uu Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe Howl-gal lagu sifaynayo Isbaarooyinka laguna soo qab-qabanayo Burcadda dhibaateynaysa Shacabka iyo Safareyda uu ka fuliyo Deegaanada Hoos yimaada Gobolka Shabeelada Dhexe.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Howl-gal Burcad sifayn ah oo laga fuliyay inta u dhaxeysa Balcad & Afgoye
  2. 50 Jawaan oo Maandooriya ah oo laga qabtay G/Sh.Hoose
  3. MMIS oo Hawlo Burcad sifayn ah ka fuliyay G/Sh.hoose
  4. 2 qof oo Xaley lagu diley Deegaanada loo qaxey ee G.Sh/Hoose
  5. 10 qof oo lagu qabtay Mahadaay

Readers Comments (1)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Howl-gal Burcad sifayn ah oo laga fuliyay inta u dhaxeysa Balcad & Afgoye
  2. 50 Jawaan oo Maandooriya ah oo laga qabtay G/Sh.Hoose
  3. MMIS oo Hawlo Burcad sifayn ah ka fuliyay G/Sh.hoose
  4. 2 qof oo Xaley lagu diley Deegaanada loo qaxey ee G.Sh/Hoose
  5. 10 qof oo lagu qabtay Mahadaay

Latest Headlines