Sidee Ayaad ula Dhaqmi Ninkaada Qaarabadiisa?

Waxaa dhab ah in uu yahay Mawduucaan mid ay dayeceen Hooyooyinka Soomaaliyeed,oo aysan ku tarbiyayn Hooyadu Gabadheeda inta ay guursan,waayo furitaanka faraha badan ee bulshadeena haysta waxa ugu muhimsan waa arintaan,wuxuuna ka yimaadaa qaraabada Ninka in uu Xaaskiisii furo gaar ahaan Hooyada Ninka iyo Gabdhaha la dhashay.

Sidaa daraadeed waxaa igu kalifay in aan qoro maqaalkaan ,waqti aan dheerayn ayaan waxaan waraystay Gabar aan Macrifo ahayn ,oo ahayd Qof wanaagsan Diin iyo Akhlaaq leh ,kana dhalatay Qoys wanaagsan ,markaasaa waxaa la ii sheegay in Gabadhii la furay ,sababtuna ay tahay ,in Ninkii Gabadha qabay culays lagu saaray in uu Gabadha furo ,kaas oo oga yimid dhanka Hooyadii iyo Gabdho la dhashay ,ayagoo ku andocoonaya Gabadhaan aad ayay kuu jeceshahay ,sidaas ayay Gabadhii ku wayday gurigeedii oo la furay.

Bal hadaba fiiri Walaashayda Soomaaliyeedeey sida fudud ee Gabadhaas ay ku noqotay Garoob aan guri lahayn ,ayadoo aan waxba galabsan ,Arimaha noocaan oo kalana way badanyihiin maalin kasatana way dhacaan,oo waxaa la gaaray heer ay Gabdhaha dhahaan waxaan doonayaa Nin Hooyadii ay dhimatay ,ama aysan Gabdho la dhalan .

Hadaba waxaan isku dayayaa in aan talooyin iyo xal ku aadan arinkaas uga hadlo Maqaalakaan,waana sidaan:-

 Maxaa laga rabaa Hooyadu in ay Gabadheeda ku abaabisu inta aysan Guursan.
 Sida ay Gabadhu kula dhaqmi lahayd Qaraabada Ninkeeda.
 Dardaaran.

1-Maxaa laga rabaa Hooyadu in ay Gabadheeda ku abaabisu inta aysan Guursan.(abaabiso yanci ku barbaariso).

Runtii waxaa lawada ogsoonyahay in Gabar waliba ay dhashay Hooyo,Gabadhu waxay noqotaa sida ay hadba ka aragta Hooyadeed. Sidaa daraadeed waxay ku talinayaan Dadka wax ka qora Arimaha Qoyska Hooyada Gabadha dhashay arimahaan;-

A. a-In Hooyadu ku dadaasho in ay soo saarto Gabar diyaar u ah in ay Reer dhaqdo.
B. In ay Hooyadu kula taliso Gabadheeda in ay tahay Hooyada Ninkeeda Hooyadeed oo kale ,Walaalaha Ninkana Walaalaheed oo kale ,Aabaha Ninkana Aabaheed oo kale.
C. In ay u sheegto in ay la timaado dhaqan Naag Marwo ah ,oo ay noqoto mid feejigan ,una diyaarsan Hooyo guri.
D. In aysan dabakicin Gabadheeda hadii la Guursada Hooyada oo aysan arimaha Gurigeeda fara gashan.
E. in aysan Hooyadu raacraacin ceebaha Sodohda Gabadheeda ,si aysan ficilo meeshaas uuga imaan.
F. In ay Hooyooyinka Soomaaliyeed iska daayaan dhaqanka xun ee ay barteen oo ah ,in Gabadheeda markay Uur yeelataba ay rabaan in agtooda ay ku dhasho,waxay qayb wayn ka tahay arimaha guriga Gabadheeda dumiya.
G. in ay Ilaah ka cabsadaan Hooyooyinka Soomaaliyeed oo ay Gabdhahooda iibsan oo aysan ku gorgortamin.
H. In ay Hooyooyinka aysan badsan Guriga Gabadheeda ,si aysan sabab ugu noqon in uu burburo gurigaas.
I. In ay Hooyooyinka Soomaaliyeed ku sabraan dhibaatada ugu imaanaysa Reerka qaba Gabadheeda ,sida Wararka xun(ayada ayaa laga qabila’yahay Gabadheeda). (Sodohdaa xoolo rabta) waxaas oo dhan in aysan dhag jalaq usiin ayadoo rabta in ay dhaqanta Gabadheeda .
J. ugu danbayntii waxaan kula talinyaaa Hooyooyinka Soomaaliyeed in Ilaahey ka cabsadaan ,oo ay iska dhaafaan duminta Guryaha,waayo waxaa jira Habra ka dhigtay dhaqan in ay Guryaha dadyawga tagaan maalintii ,oo ay ka sheekeeyaan arintaasna waxay keentay bur bur Guryo badan. Markaan sidaas leeyahay ma wada xumo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee waxaan la hadlayaa nisbada yar ee xun ama dhaqankaas leh,ee ha iga raali ahaadeeno Hooyooyinka ,ma ihi xumaan raadis ee waxaan ahay xaldoon.

2- Sida ay Gabadhu kula dhaqmi lahayd Qaraabada Ninkeeda.

Hadaba waxaan isku dayayaa in aan halkaan ku soo koobo qodobo lagama maarmaan u ah la dhaqanka Gabadha Reerka Ninkeeda.

A. Ugu horayntii isku day in aad ku dayato Rasuulkii SCW iyo Hooyooyinkii Mu’miniinta Ilaahey haka raali noqdee.
B. Noqo mid aadaab leh oo waji furfuran.
C. Noqo mid dagan oo iska ilaali in aad noqoto qof fudud.
D. Is celi oo noqo mid aan xanaaqbadnayn waayo dabaacadda wanaagsan waxay qayb ka tahay ,la dhaqanka Bulshada.
E. kula hadal Hooyada iyo Aabaha Ninka hadal macaan sida (Hoooyo, Aabo).
F. Aad u soo dhawee haday Gurigaada yimaadaan oo aad u sharaf.
G. Xaaladooda ka warqab haday kula daganayn oo booqo had iya jeer.
H. Haday kugu qayliyaan ka aamus oo Jawaab ha siin.
I. Had iyo jeer u gee hadiyad iyo waxyaalo ka farxiya.
J. Aad ha ula sheekaysan waayo waxaa laga yabaa in xumaan ka timaado.
K. Arinta Gurigaada ha uga sheekayn qaraabada Ninkaada.
L. Hadii aad adiga iyo Ninkaada iskhilaaftaan ,ha u dacwoon Hooyadii ,hana u sheegin xumaantiisa ,waayo waa Wiilkeedii.
M. Sidoo kale Dumaashiyadaa soo dhawee ,oo hadal macaana kula hadal .
N. Hala ficiltamin Gabdhaha la dhashay ninkaada,haday waxkaste ku yiraahdaaan ku sabar.
O. Ha u sheegin waxkaste oo ay qaraabada ku dhahdo ninkaada.
P. Ku dadaal in aad u shaqaysa Sodohdaa oo aad ku dadaasho ,sida Gurigeeda in aad dharka u dhaqdo.
Q. Sidoo kale isku day in aad u riixriixdo ,oo aad u cilaamiso ,siiso dharka ugu qurxan(waayo way jecelyihiin Hoooyooyinka arinkaas).
R. ha noqon xiisooleey ,intaad wanaag barto hadana haka daysan.
S. Si kasto oo ay u xumaadaan Qoyska ninkaada ,ha tusin xumaan ,wanaaji,oo sabar.
T. Hadii ay ku waraystaan qaraabada Ninka xaaladiina noolaleed u sheeg khayr iyo wanaag.
U. Hadii ay yimaadaan Ninka Qaraabadiisa ayaga oo raba Ninka haka qarin ee soo dhawee oo fariisi kadib soo kici Ninka(waayo Naaga ayaa dhaha ma joogo ninka asaga oo jooga tasna ma wacna).
V. Kala qayb qaada Qaarabada Ninka Farxadaha iyo Murugahaba.
W. Ku xisaabtan Ninkaada macaanka badan waxaa dhashay Hooyo oo ku soo rafaaday korintiisa,waana khalad in la nacaa Sodahda ama Sodoga ,waayo xaqooda lama gudi kara.
X. Ha noqon mid Warka u kala qaado Reerkiina iyo Reerka Ninkaada .
Y. Hadii ay ku xumeeyaan cidda oo ay ku fogeeyaan u dulqaado,hadii ay kaa gardaranyihiin Ilaahi ayaa kuu kaalmaynayo ,Sabraa Sad Leh .kuna xisaabtan in ay yihiin Caruurtaada cidoodii ,waanaga iyo Khayrka oo dhana aduu kuu danbaynayaa ,sida ay Nussusta noo sheegaty.

Hadaba maxaad samayn haduu Ninkaada kugu canaanto Reerkoodo hortiisa(Aabihiis ,Hooyadiis,Walaalihiis.Ugu horayn waxaa Haboon in uu jiro heshiis hore ee dhexmara Gabadha iyo Ninkeeda inta aysan is guursan,kuna aadan sida ay u dhaqmayaan hadii ay isguursadaan ,laakin arinkaas anaga ma samayno. Haday dhacdo canaantaas waxaan kula talinayaa Gabadha arimahaan:-

1-In ay ka kacdo meeshaas ay fadhido, 2-U Dhoola cadee oo haku qaylin(Waxaa la yiraahdaa Dhoolacadayn Xanaaq waxaa ku jiro Ishaaro)waana sida laga soo gaaray Saxaabadii.
3-Ka codso in uu qaylada kaa daayo si tartiib ah,oo uu u dibdhigo gurigooda,waayo arinkaas waa dhaqan wanaagsan oo kuu horseedayo ,in la isku waaro.
4-U sheeg in aysan haboonayn in waalidka hortooda lagu qayliyo
5-Haday isku dhacaan ninkaada iyo cidooda hala safan asaga ee u nasteexee.

3-Dardaaran.

Waxaan kula dardaarmayaa Gabdhaha Soomaliyeed ,ee raba in ay guursadaan iyo kuwa reeaha lehba arimahaan ,si loo badbaadiyo gurayaha dumaya maalin kasta,aana u helno Qoys dagan :-

A. Naftayda iyo natiinaba waxaan u dardaarmayaa cabsida Ilaahay.
B. Ku dayda Gabdhihii Taarikhda lahaa iyo Hooyooyiinkii Mu’miniinta sida Caa’isho Ilaahi haka raali ahaadee,ee haku dayana Gabdhaha Reergalbeedka ee ka lumay wadadii Saxda ahayd.
C. Ugaada in aad qaadeen Mas’uuliyad way oo Ilaahey indinku xisaabin doono ,ee hadayicina Mas’uuliyadaas.
D. Markaad Reer yeelanaysaan Maskaxdiina ku haya in uusan jirin Nin aad Qaraabo lahayn,ee u diyaargarooba la dhaqanka Qaraabada ,iyo Nolasha cusub.

Ugu danbayntii Walaashayda Soomaaliyedeey is miisaan ,iskana fiiri la dhaqanka ,Reerka aad u dhaxday,noqo mid la mahdiyo ee ha noqon mid aan la mahdin.

F.G:- Waxaan dhamaan Idinka raali galinayaa wixii khalad ah ee ku soo arooray Maqaalkaan iyo Erayo aan wanaagsanayn.

N.b:- Wixii Dhaliil ah iigu soo dira cinwaankayga mahadsanidiin.

W/Q:- Hussein Buulle Ahmed.
Email:- Xusen2000@hotmail.com

Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. Hoyadey dambigedii hore&kedii dambaba hadaayo waxey aheed hooyo baariyad ah carurteda aad ujecel waxanse rabaa in aan abaaro wanaageda runtii qaraabada aabahey iyo qarabadedaba iska daaye marti nuucey rabto ha,ahaatee waxey samey jirtay dhamaan raashinkii oodhan ayey urogi jiray waa martidan lagu tashane markey yiraahdan caruurtawax ma,urebtay waxey oran jirtay haa ader ama haa abti waxbana manoo reebin martida markey dirto dabaded aye wax noo samey jiray waligeedna inta marti timid gurigena kaba bixin marti qaad la,aan alaha ka abaal mariyo wanagedana haka ajararsiiyo aamiin waxan gabdhaha walalahaa kula talinaya iney wanajiyan martida ha,ahaato dhinaca zowjkeda ha,ahaato dhinaceda ha,ahaato marti iska socoto ha,ahaato dariskeda taana waa talo walaalkaga

    Cariif | Jun 26, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo