Gelinkii danbe ee Maanta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka dhacey iska hor’imaad inta la ogsoon yahey ay ku dhaawacmeen ilaa 7 Qof oo isugu jira, Rayid iyo labadii dhinac ee dirirtu u dhaxeysay.
Iska hor’imaadkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamo kale taabcsan Xoogaga Al-shabaab ee halkaa ku sugan iyo Ciidamado ka socdey Xarakada Suufiya ee Ahlu-sunnah la baxdey.
Waxa uuna yimid iska hor’imaadku ka dib markii labada dhinac isku qabteen qabashada Xuska Mowliidka waxa ay ugu yeeraan Suufiyadu oo Sanad walba Xilligan oo kale ay qabtaan.
Wararka Madaxa banaan ee la helayo ayaa sheegaya inay labada dhinac isku dhaceen ka dib markii Xoogaga Al-shabaab ku amreen Xarkada Suufiyda inay joojiyaan howshii ay ku jireen ee Xuska oo Xilliga ka socotey Masjidka weyn ee Geed Awoowe ee Degmada Baardheere.
Iska hor’imaadka oo muddo kooban socdey ayaa markii danbe is taagey, waxaana ka dhashey khasaare u badan dhaawac labada dhinac ee diriirtu u dhaxeysay iyo mid Dadka Rayidka ahba soo gaarey.
Sidoo kale iska hor’imaadkan oo la isu adeegsadey Hubka yar yar noocyadiisa kale duwan, ayaa saameyn ku yeeshay isu socodkii Magaalada iyo dhaq dhaqaaqyadii kale duwanaa intaba.
Waxa uuna imaanaya isku dhacani iyada oo dhowr jeer oo hore Maamulka Al-shabaab ee halkaa ka jira uga digey Dadka Deegaanka inaan la qaban Karin Xuska iyo wax walba oo Amniga deegaanka wax u dhimi kara.
Labada dhinac oo Saxaafada siyaabo kale gooni gooni ah uga kala Hadley ayaa ka waramey sida wax u dhaceen, Xoogaga Al-shabaab ayaa sheegay in dhinaca kale ee ka soo horjeeda{Suufiyada} Dagaalka bilaabeen, halka Xarakada Suufiyada ee isku magacowda Ahlu-sunna sheegteen in iyaga xaruntooda lagu soo weerarey.
Xaalada oo ah hadda mid degan ka sokow waxaa jira, Dadaalo ay durba ku dhaqaaqeen Odayaasha iyo wax garadka kale ee Deegaanka oo ay ku doonayaan inay Xaalada ku dajiraan, si ayna halkaas uga dhicin Dagaalo kale oo keena khasaare hor leh.

Related posts: