Iska hor’imaad Xaley ka dhacey Deg. Yaaqshiid.

Published on March 2, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Xaley fiidkii agagaarka Hotel Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid waxaa ka dhacay iska hor’imaad dhex marey labo Ciidan, mana jiro wax khasaare ah oo Dadka Rayidka ka soo gaarey. Sidoo kale lama soo sheegin khasaare labada ciidan ee uu dhaxeeyay kala gaarey.

Iska hor’imaadkan oo socdey Muddo kooban ayaa sida aanu wararka ku heleyno waxa uu u dhaxeeyay labo ciidan oo midkood uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo C/laahi Macalin Mukhtaar oo ka tirsanaa Ciidamadii MMIS ee DKMG ah ku biirey, halka kuwa kalena lagu magacaabo Barta Yaaqshiid; waana Ciidamo iskood u madax banaan oo cidna aan hoos tegin, balse iyaguna ka tirsanaan jirey MMIS.

Waxa uuna yimid iska hor’imaadkan ka dib markii ciidamada la baxey Barta Yaaqshiid weerar ku qaadeen Hotel Ramadaan oo xilliga uu ku sugnaa C/laahi Macalin Mukhtaar iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka DKMG ah.

Iska hor’imaadkan oo si kedis ah ku bilwdey ayaa mar qura laga warhelay daryanka Gantaalada garabka laga rido iyo rasaasta yar yar noocyadeeda kale duwan.

Wararka ku dhow dhow dhinacyadan iska hor’imaadku dhex marey Xaley, ayaa sheegaya inay isku hayaan uuna ka dhashey khilaafkan keenay iney is weeraraan, Qoryo horey u kala qaateen iyo Rag ay iska xireen.

Xaalada ayaa Saaka ah mid degan, sidoo kale mid ka mid ah labada ciidan ee dirirtu dhex martey ayaa goobta laga qaadey, ka dib Dadaalo Nabadeed oo ay isku howleen qaar ka mid ah Odayaasha Deegaanka.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Iska hor’imaad ka dhacey xaafada SYL ee Deg. Yaaqshiid
  2. Iska hor’imaad Xaley ka dhacey agagaarka Kala-beyrka.
  3. Iska Hor’imaadyo Ka Dhacey Degmada Yaaqshiid
  4. Iska hor’imaad Xaley Baydhabo ka dhacey.
  5. Iska hor’imaad ka dhacey Xaafada Towfiiq ee Deg. Yaaqshiid

Readers Comments (4)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Iska hor’imaad ka dhacey xaafada SYL ee Deg. Yaaqshiid
  2. Iska hor’imaad Xaley ka dhacey agagaarka Kala-beyrka.
  3. Iska Hor’imaadyo Ka Dhacey Degmada Yaaqshiid
  4. Iska hor’imaad Xaley Baydhabo ka dhacey.
  5. Iska hor’imaad ka dhacey Xaafada Towfiiq ee Deg. Yaaqshiid

Latest Headlines