Golaha Dhaqanka Hawiye oo la kulmey Cumar C/rashiid

Published on March 2, 2009 by   ·   18 Comments   ·   print

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta markii ugu horeysay kulan kula qaatay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho.

Qodobada ay ka wada hadleen:-
1- Ku dhaqanka Shareecadda Islaamka
2- Dib u Heshiisiinta
3- Saarida Ciidamada Shisheeye
4- Iyo in aysan Dowladu Dagaal galin haddii ay rabto inay hanato wadanka

kulankan waxaa uga qeyb galay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye xubno ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golahaasi Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye afaheeynka Golahaasi.

Kulankaasi ka dib waxaa Warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad waxaana uu ka warbixiyay wixii ay labadooda dhinac ka wada hadleen wuxuuna yiri“Waxaa Ra’isul Wasaaraha u Bandhignay in Wadanka Maanta ay xal u noqon karto oo kaliya Shareecadda Islaamka in lagu dhaqo Ciidamada Shisheeye oo aan is leenahay Waxtar badan uma yeelan karaan wadanka inta ay joogaan lagana saaro, Dib u Heshiisiinta in lagu xeel dheeraado, wax dagaalo ah in aysan jirin Wadanka Gudihiisa Dowladu haday rabto in ay hanato wadanka, arimahas oo dhan ayaan u jeedinay intii aan ka wada hadanayna wuu naga aqbalay waana noo Hanbalyeeyay, anagana waxaan ku tir tirsiinay inay muhiim tahay Dib u heshiisiinta Shareecadda Islaamka, iyo Ciidamada Shisheeye in wadanka laga saaro intuba xal noqon karaan”.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo eedeeyay Ciidamada AMISOM
  2. Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Ciidamad AMISOM la kulmey.
  3. Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo Canbaareyn ka soo saaray xasuuqii shaley
  4. Maxaa ka soo baxay kulankii Xisbiga Islaamiga & Odayaasha Dhaqanka Hawiye?
  5. Gollaha dhaqanka & midnimada Hawiye oo soo dhaweeyay hadalkii Nuur-Cadde

Readers Comments (18)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo eedeeyay Ciidamada AMISOM
  2. Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Ciidamad AMISOM la kulmey.
  3. Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye oo Canbaareyn ka soo saaray xasuuqii shaley
  4. Maxaa ka soo baxay kulankii Xisbiga Islaamiga & Odayaasha Dhaqanka Hawiye?
  5. Gollaha dhaqanka & midnimada Hawiye oo soo dhaweeyay hadalkii Nuur-Cadde

Latest Headlines