Dadaalo lagu kala qaadayo Ciidamada Deg. Hodan isku hor fadhiya oo socda.

Published on March 2, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

Maalmihii ugu danbeeyeyba waxaa jirey Dadaalo kale duwan oo loogu kala dabqaadayey dhinacyadii dhawaan Dagaaladu ku dhex mareen qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Waxaana dadaaladaas qeyb ka ahaa Odayaasha Dhaqanka Hawiye, wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxeyna waxa ay ku sheegeen in arimuhu meel fiican u marayaan oo rajo wanaagsan ay qabaan.

Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Golaha Odayaasha Dhaqanka Hawiye ayaa sheegay inay dhinacyadii kale duwanaa ee ay la kulmeen, Dagaaladuna dhawaan dhex mareen ka ogolaadeen in Ciidamada la kala qaado, sidii Adeegyadii kale duwanaa ee Bulshada ee halkaa ka jirey dib u soo noqdaan, mar uu arintaa ka hadlayeyna waxa uu yiri:“Dagaaladii dhacey qolooyinkii uu dhex marey baanu dadaal badan ka sameynay, qolaha xisbul Islaam ayaan ku hormarney waxa ayna naga aqbaleen ciidanka in la kala qaado oo qeybtooda ay soo qaadaan oo rugihii horeetomarkii ay nabada aheyd ay joogeen ay yimaadaan, intaasey naga balan qaadeen, laakiin dhinacii kaleetana ayagana in la qaado ayaa loo baahdey, Ciidamadaas Dowladu waxay joogeen meel bari horeeto dagaal ayguna ku yimaadeen bay joogeen, dadkuna aanu imaan oo umadu dhib ku qabto oo meel ciidan fadhiyo cid imaan karto iyo cid soo deki karto midna jirto, Dadkiina wuu ka maqnaa, Goobaha waxbarashada; Jaamacadihii, Iskuulaadkii, Isbitaaladii adeegyadii Dowlada meelihii ugu badneyd bay aheyd, taasna anagu fakar ahaan waxaan u soo jeediney in Ciidamada laga qaado ayagana waxaan uga tagney, Wasiirka amniga Cumar Xaashi Aadan iyo Wasiirka Arimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar,…, ayaguna waan isku laabaneynaa bay yiraahdeen waxaan rajeyneynaa in meeshaas laga qaado Ciidanka” waxa kale oo uu intaa ku darey inay rajo wanaagsan qabaan, dhinayadii ay la kulmeen si fiican u soo dhaweeyeen.

Sidoo kale waxaa isla arimahan Warbaahinta uga waramayey oo ka Hadley Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee Golaha Dhaqanka Hawiye C/laahi Dheere oo sheegay in dhinacyadii dirirtu u dhaxeysay ee ay u kala dab qaadayeen ka ogolaadeen in Ciidamada la kala qaado, sida uu hadalka u dhigay waxa uuna yiri :“labaduba waxa ay diyaar u yihiin in Ciidamada la kala qaado, cid diidan oo hor taagan ma leh, laakiin waxa ay sheeganayaan arimo farsamo”

Waxaase laga war dhowrayaa sida arimahan ku soo dhamaadaan iyo qaabka labada dhinacba u soo dhaweeyaan dadaalada kale duwan ee Odayaashu ku howlanyihiin. Waxaana la ogsoon yahey Dagaaladani inay geysteen khasaarooyin badan oo Naf iyo Maalba leh.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Golaha Dhaqanka Hawiye & Xisbiga oo isku afgartay in Ciidanka la kala qaado
  2. Taangiyada Ciidamada Uganda oo isku fidiyay Degmada Hodan
  3. Edeymo Kala Duwan oo Loo Jeediyey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
  4. Dadaalo Nabad gelyada wax looga qabanayo oo ka socda Deg. Caabud-waaq
  5. Dagaalo ka kala Dhacay Hodan, Hawl-wadaad & Yaaqshiid

Readers Comments (6)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Golaha Dhaqanka Hawiye & Xisbiga oo isku afgartay in Ciidanka la kala qaado
  2. Taangiyada Ciidamada Uganda oo isku fidiyay Degmada Hodan
  3. Edeymo Kala Duwan oo Loo Jeediyey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
  4. Dadaalo Nabad gelyada wax looga qabanayo oo ka socda Deg. Caabud-waaq
  5. Dagaalo ka kala Dhacay Hodan, Hawl-wadaad & Yaaqshiid

Latest Headlines