Xaad oo ka Jawaabey hadal Sh Shariif, Shirkii Jaraa’id ee Maanta ku soo qaadey.

Published on February 28, 2009 by   ·   25 Comments   ·   print

Ka dib Shir Jaraa’id oo Sh Shariid Maanta ku qabtey Xarunta Maaxtooyana kuna sheegay in Odayaasha Dhaqanka Hawiye ku wargeilyeen in ogolaansho xabad joojin ka heleen Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed oo qeyb ka ahaa Dagaaladii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho ka dhacey, waxaa arintaa ka jawaabey oo ka Hadley Maxamed xasan Xaad.

Xaad ayaa sheegay, inaaney jirin wax xabad joojin ah oo dhinaca Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed ka soo saxiixeen ama ogolaansho dhab ah oo ku aadan xabad joojin, basle ay jireen oo qura balamo iyo u kala dabqaadid.

Waxa kale oo uu sheegay Xaad in arintu sida uu u sheegay Sh Shariif inaaney aheyn basle ay jiraan oo kaliya kulamo u kala dabqaadid ah oo labada dhinac la yeesheen, sidoo kalena ay jiraan kulamo kale oo ay ku balan san yihiin inay yeeshaan, si arinta halkeedii looga sii wado.

Xaad ayaa sidoo kale sheegay in isla Galabta balan la leeyihiin Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed, hadii ay jirto buuna raaciyay go’aan xabad jojineed oo horey isula gaarney laga maarmi lahaa kulanka Galabta oo lagu balan san yahey in arinta halkeedii laga sii wado.

Xaad waxa kale oo uu sheegay inay jiraan codsiyo si dhab ah ugu jeediyeen garabyada kale duwan ee ay la kulmeen oo uga codsadeen in Xabada la joojiyo oo wixii jira wada hadal lagu dhameeyo iyaguna arintaa dhex dhexaad ka noqdaan, wuxuuna sheegay inay qabaan rajooyin wanaagsan sida uu sheegay.

Hadalkiisan ayaa ku soo aadaya xilli uu Maanta Sh Shariif ka dhawaajiyay inay dhankooda soo dhaweynayaan dadaala kale duwan ee Odayaashu wadaan kuna doonayaan inay xaalada ku dajiyaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Shariif oo Sheegay in uu Wada hadal Dadban la wado Dr. Cumar Iimaan, Xasan Daahir & Xarkada Al-Shabaab
  2. Xaad oo ka hadlay Ciidamada AMISOM “Nabad ilaalin lama dhihi karo Cadow ayaan u aragnaa”
  3. Xaad oo ka Hadley Dagaalada Muqdisho.
  4. Xaad oo ka hadlay Shirka Culimada, AMISOM iyo Xoogaga wali Dagaalka wada
  5. Xaad oo si kulul uga hadlay xasuuqa Dayniile

Readers Comments (25)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Shariif oo Sheegay in uu Wada hadal Dadban la wado Dr. Cumar Iimaan, Xasan Daahir & Xarkada Al-Shabaab
  2. Xaad oo ka hadlay Ciidamada AMISOM “Nabad ilaalin lama dhihi karo Cadow ayaan u aragnaa”
  3. Xaad oo ka Hadley Dagaalada Muqdisho.
  4. Xaad oo ka hadlay Shirka Culimada, AMISOM iyo Xoogaga wali Dagaalka wada
  5. Xaad oo si kulul uga hadlay xasuuqa Dayniile

Latest Headlines