Hay’ada Arimaha Qaxootiyada ugu qaabilsan Qaramada Midoobey(UNHCR) ayaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee gudaha Dalka ku qaxey ka soo saartey Warbixintii ugu danbeysay, waxa ayna warbixinteeda ka soo saartey Xarunta Hay’ada ee Ganeva.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in 40,000 oo ka mid ah Dadkii gudaha Dalka ku Barakacay Xilligan qorsheynayaan amaba bilaabeen,6-dii Isbuuc ee ugu danbeysay inay dib ugu noqdaan Magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka soo qaxeen xilli ay ka jiraan Dagaalo dib uga soo cusboonaadey oo sabayey dhimasho iyo dhaawac.
Inta badan Dadkan waxa ay dib uga soo noqonayaan oo markii hore u qaxeen Gobolada, Hiiraan, Mudug, Gal-gaduud iyo labada Shabeele oo Xilliyadii ugu danbeeyay ay ka dilaaceen Dagaalo iyo Abaaro xun oo ku dhuftey Dad iyo Duunyaba.waxaana sidaa Warfidiyeenka ugu sheegay Geneva, Afhayeen u Hadley UNHRC oo lagu magacaabo Ron Redmond.
Inta badan dadkan dib u soo noqonaya ayaa u badan Qoysas dhameytirsan oo soo wada guuraya, halka ay jiraan kuwo Qoysaskoodii ka soo tegay, basle dib ugu soo noqonaya sidii marka hore ugu soo sahamin lahaayeen Nolasha meesha ka jirta sida ay tahey.
Degmooyinka Gobolka Banaadir ee sida xoogan dib loogu soo noqonayo waxaa ka mid ah; Hodan, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Heliwaa oo ah Halka burburka ugu xoogan ka soo gaarey Dagaaladii iyo Duqeymihii xooganaa ee ka jirey mudada labada sano aheyd Magaalada Muqdisho.“Qaxootiyadu waxa ay dib ugu soo noqdeen Guryahoodii oo dumey iyo Nolashii aasaasiga aheyd oo meesha aan ka jirin” waxaa sidaa yiri Ron Redmond.
Dadkan dib uga soo noqonaya Qaxootigii hore waxa ay la kowsadeen xilli Muqdisho dib uga bilowdeen Dagaalo cusub oo geystey khasaare kale duwan oo Rayidka soo gaarey iyo barakac.
“Waxaan ku guda jirnaa Qiimeynta Dadkii ugu danbeeyay ee Barakacey”, waxa kale oo uu intaa ku darey Ron Redmond:“ UNHCR ma dhiiri gelineyso Xilligan in Dadkii horey Muqdisho uga qaxey dib ugu soo noqdaan, Xaalada Amaan iyo Nololeed oo aan aheyd mid la isku haleyn karo”.
UNHCR ayaa sheegtey in helida adeegyada nolasha Bani’aadanimo ay ku yartahey Muqdisho, iyada oo ay joogaan tiro yar oo ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah sababo amni daro. Hay’adu waxa ay sidoo kale sheegtey inay diyaar u tahey Kaalmeynta barakacayaasha doonaya inay soo laabtaan wakhtiga dhow. Iyada oo laga rajo qabo inay wanaagsanaato Xaalada Amaan ee wadanka.
Tirada dadka ku barakacey gudaha dalka Markey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya xooga ku soo galeen ayay lagu sheegaa 1.3 Milyan oo qof, halka sanadkii tegay oo keliya ay 100 kun u Barakaceen Wadamada Dariska ah sida; Djibuoti, Yemen, Kenya iyo Itoobiya.

Related posts: