Sh Shariif Sh Axmed oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Xarunta Villa Soomaaliya ayaa ka Hadley arimo dhow ah oo uu ku jiro Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho iyo xabad joojin ay ku baaqeen Odayaasha dhaqanka Hawiye oo Maanta kulan ay wada yeesheen.(Daawo Sawirada)
Mar uu ka hadlayey Dagaaladii dhawaan ka dhacey qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayuu sheegay in dhankooda aad uga xunyihiin, Dadkii Rayidka ahaa ee ku waxyeeloobeyna u tacsiyadeynayaan. Dib danbena uga tigtoonaanayaan inay soo noqdaan Dagaalo danbe oo Xilligan loo baahneyn inay Dagaalo danbe sii socdaan, sida uu hadalka u dhigay.
Duqeynta aan kala soocda laheyn ee Ciidamada AMISOM mar uu ka hadlayey ayuu sheegay inay arintaa kale hadleen Saraakiisha hogaamisa Ciidamada una sheegeen inaaney duqeyn Goobaha Dadka Rayidka ah degan yihiin waxa uuna yir mar uu arintooda ka hadleyay:” Ciidamada AMISOM Waxaad ogtihiin inaan anagu keenin oo horteen u joogeen, qaabka ay ku yimaadeen aad uga warheysiin, waxaad kaloo la socotiin, inaaney ku imaan colaad iyo dagaal, waxay u joogeen waxa ay aheyd inay Dadka Soomaaliyeed caawiyaan, nabad gelyadana qeyb fiican ka qaataan, hadana hadii Soomaalidu u aragto in laga maarmi karo, waxa ay diyaar u yihiin wakhtiga ugu dhakhsiyaha badan in loo mahad celiyo oo dadkoodii ku laabtaan diyaar ayey u yihiin, sidaas oo kale Saraakiisha Ciidamada AMISOM u gala hadalney marka dagaalada lagu soo qaado, Jawaabka nooca ay bixinayaan ineysa noqon jawaab dhibaata gaarsiisa Shacabka Soomaaliyeed ineysan noqonin, runtii iyaguna aad iyo aad ayey u soo dhaweeyeen”.
Kulan uu Maanta la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Hawiye ayuu sidoo kale soo hadal qaadey waxa uuna sheegay inay kala hadleen xabad joojin la dhex dhigo iyaga iyo Xoogaga kale ee Muqaawaamada ee dirirtu dhex martey, wuxuuna Sh Shariif ka sheegay Shirka Jaraa’id inay arintaa dhankooda aad u soo dhaweynayaan oo ka aqbaleen Odayaasha dhex dhexaadinta wada, mar uu arintaa ka hadlayeyna waxa uu yiri:“Dhinaceena waxaan adkeyneynaa, xabad inaaney xal aheyn loona baahan yahey in la joojiyo, Odayaashii Dhaqanka Hawiye oo na soo gaarey waxa ay inoo sheegeen iney la gaareen xabad joojin anaguna dhinaceena waan soo dhaweyneynaa, horeyna ugumanaan talo gelin inaan dagaal sameyno hadana waan soo dhaweyneynaa waana sii adkeyneynaa”.
Shirka Jaraa’id waxa uu sidoo kale Sh Shariif uga Hadley u soo guuritaanka DKMG ah ee Magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay si rasmi ah ugu soo guureen kana howl bilaabayaan, xilli khataro badan ay jiraan, gaar ahaan arimaha amaanka.
Shirka Jaraa’id, waxa uu sidoo kale ku soo hadal qaadey Xaalada bani’aadanimo ee ka jirta, isaga oo baaq u direy Beesha Caalamka uga codsanayo inay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan la soo gaaraan gaar gaar deg deg ah oo sida uu sheegay ku jira xaalad adag.
Sidoo kale dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba cidii wax tari kasta dadka dhibaateysan ayuu ugu baaqey inay dhankooda gacan u fidiyaan.
Dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ayuu dhankooda si guud ugu baaqey inay taageeraan barnaamijka dibu heshiisiinta iyo xasilinta Dalka. Waxa uuna carabka ku adkeeyay in ujeedka DKMG ah uu yahey wada hadal iyo dibu heshiisiin.
Ugu danbeys waxa uu Sh Shariif ka sheegay Shirka Jaraa’id inay aad u soo dhaweynayaan Bayaankii dhawaan ka soo baxey Shirkii Culimada Soomaaliyeed ugu soo dhamaadey Magaalada Muqdisho, wixii iyaga ka khuseeyana ay fulinayaan.

Related posts: