Golaha Wasiirada DKMG ah ayaa kulankoodii ugu horeeyay Maanta ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay soo gaareen, waxaana kulankooda shir gudoominayey Cumar C/rashiid.
Kulankooda oo sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow ahaa mid deg deg ah ayaa yimid ka dib kulan uu Cumar C/rashiid la qaatey gudi ka socdey Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo kala Hadley Xaalada Dalka, dibu heshiisiinta iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Qodobada lagu wado inay kulankooda uga wada hadlaan sida ay sheegayaan wararka la helayo waxaa ka mid ah sidii Golaha wasaaraduhu howlahooda shaqo u bilaaban lahaayeen.
Kulankooda ayaa sidoo lagu wadaa inay ku dejiyaan qorshada 100 maalmood ee ugu soo horeeya howlaha Golaha Wasiirada iyo Dajinta Miisaaniyada Xukuumada ku howl geli laheyd.
Waxa sidoo kale lagu wadaa inay kulankooda warbixino uga dhageystaan Gudiga Amaanka ee dhawaan uu Sh Sharif magacaabey.
Kulanka wasiirada waxaa Saxaafada uga warbixiyey xubin ka mid ah howlwadeena Xafiiska Cumar C/rashiid oo lagu magacaabo C/salaam Yuusuf Guuleed oo yiri:“Maanta waxaa qabsoomey kulankii ugu horeeyay ee Wasiirada,…, shirkaan Maanta aad arkeysaan waxa uu calaamad u yahey Dowladu inay dooneyso holaheedii inay gasho, Amaankii sidii loo sugi lahaa, Dadka sidii loo soo celin lahaa, xaalada dhabta ah ee wadanka sidii loo waajihi lahaa”.
Waxa uu sidoo kale intaa ku darey in kulankoodani kow yahey sidii Dowladu howlheeda u gudan laheyd oo arinta Amaanku ugu horeyso iyo dibu heshiisiinta.
Waxaa kulanka Maanta fadhiyay 31 Xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirada ee DKMG ah ee dhawaan uu soo magacaabey Cumar C/rashiid.

Related posts: