Dr Cumar Imaan oo ka Hadley Qorshaha Xisbiga ee Xilligan

Published on February 28, 2009 by   ·   31 Comments   ·   print

Dr Cumar Imaan Abubakar, Gudoomiyaha Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed ayaa markiisi ugu horeysay ka Hadley Saxaafada gudaha wixii ka danbeeyay khudbadii uu jeediyay markii uu soo gaarey Magaalada Muqdisho.

Dr Cumar Imaan oo Wareysi siiyay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa ka Hadley arimo ay ka mid yihiin, dhameystirka Maamulka Xisbiga, Dagaaladii ugu danbeeyay ee Xisbogidu qeybta ka ahaa ee ka dhacey Muqdisho, Bayaankii Culimada iyo arimo kale oo Siyaasadeed.

Ugu horeyn waxa uu ka hadley Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in Xisbigooda xilligan aanu ujirin qorshe Dagaal oo meel isla dhigeen, basle waxa ay ku mashquulsan yihiin uu yahey dhameystirka Maamulka guud ee Xisbiga.

Dr Cumar oo ka hadlaya Dagaaladii ugu danbeeyay ee Xisbigoodu qeybta ka ahaa iyo sida wax ku bilowdeen waxa uu yiri:“Anaga Siyaasada aanu qaadaney waxa ay aheyd markaan nimid, in Dagaalka Cadowga horey loo sii wado waa taana horey u sheegay, laakiin Xilligan la joogo, maadaama Xisbigu dhismihiisii ku dhex jiro in weerar cusub aanu qaadin bay aheyd, laakiin waxaan ognahey hadii ay jirto ciidamo is ka soo horjeedo aan filan karno mar kasta inay wax yimaadaan ayna naga horeysay ayna naga danbeyn doonto, laakiin hadda siyaasadeenu ay tahey inaan weerar cusub gelinin, Umadaasnna dhib Maanta inta heysata aan loogu Siyaadinin, sida keliya ee ay ku imaan karto in aad loogaga fikiro, cadowgana in lala dagaalamo Dadka dhibkoodana la ilaaliyo oo dhib la soo gaarsiin, arintaas waa arinta Siyaasada Xisbigu ku shaqeynayo ay tahey”.

Dr Cumar Imaan waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay Bayaankii ugu danbeeyay ee Culimada Soomaaliyeed Shirkoodii Muqdisho ka soo saareen iyo dadaala kale ee dibu heshiisiineyd ee ay wadaan waxa uuna ka yiri:“Culimadaas waa Dad akhyaar ah oo aan ognahey dad Muhiim ah ku dhex jira, Xaleydan baa ugu danbeysay ilaa 4 saac iyo dheeraad baanu isla joogney, Qorshihii ay soo jeediyeen baanu anaguna Su’aal ka weydiineynay, Su’aalahaas inay jawaab ka keenaan, ka dibna Bayaankooda aanu Shuurada u bandhigno, Shuurada marka iyada ayaa Go’aan ka gaareyso Bayaanka Culimadu ay soo gaartey, sida ay uga jawaabi doontana mid aniga keligey ii taala maahan, waa mid Umadaas oo dhan iyo Shuurada Xisbigu leeyahey baa go’aan ka gaari doonta”.

Dhanka kale waxa uu ka Hadley Ciidamada AMISOM oo Dusha uga laaley dhamaan wixii dhibaatooyin ah ee ay geysteen intii ay socdeen Dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacey.

Ujeedka Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed loo aasaasay ayuu sidoo kale ka Hadley, waxa uuna sheegay inuu yahey sidii umada la isugu keeni lahaa inuu ka shaqeeyo una ilaalin lahaa isku xirnaanta iyo sharafta Umada iyo inaan la kala daadin, wixii dhibaatooyin ah ee lagu hayana uga dul qaadin lahaayeen, dhankoodana dhibaato uga imaan.

Ugu dabeytii, Dr Cumar mar uu ka waramayey Dhismaha Maamul ee Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed waxa uu sheegay inay dhisan yihiin oo keliya 4-ta Xubnood ee ugu sareeya inta dhimanna la dhameystiri doono, wixii ka horeeyay kadib ku dhawaaqida Jiritaanka Xisbiga in la casiley oo ayna jirin cid kale oo xil ku magaabaan, waxa uuna hadalkiisan jawaab u yahey, hadal dhawaan ka soo yeeray Yuusuf Indha-cade oo sheegay inuu iska casiley Xilkii uu Xisbiga ka hayey, sida uu hadalka u dhigay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh, Dr: Cumar Imaan oo lagu soo Dhaweeyay Muqdisho.
  2. C/raxmaan C/shakuur oo Qorshaha DKMG ah ka hadley.
  3. Dr Cumar Imaan oo Shir Jaraa’id qabtey
  4. Dr .Cumaan Imaan oo xaley marti u ahaa Kanaadka Al-Jazeera kana hadley Arimo Badan oo Soomaaliya ku Saabsan
  5. Cumar Xaashi oo beeniyay Ciidamo isku dhaf ah oo la sameynayo xilligan

Readers Comments (31)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh, Dr: Cumar Imaan oo lagu soo Dhaweeyay Muqdisho.
  2. C/raxmaan C/shakuur oo Qorshaha DKMG ah ka hadley.
  3. Dr Cumar Imaan oo Shir Jaraa’id qabtey
  4. Dr .Cumaan Imaan oo xaley marti u ahaa Kanaadka Al-Jazeera kana hadley Arimo Badan oo Soomaaliya ku Saabsan
  5. Cumar Xaashi oo beeniyay Ciidamo isku dhaf ah oo la sameynayo xilligan

Latest Headlines