Tan iyo markii dhawaan qeybo ka mid ah gobolka Bakool ay ku hardameen Maleeshiyaadka ay soo Hubaysay Itoobiya iyo xoogaga Al-shabaab ayaa gobolkaasi waxaa ka bilowday Barakac xoogan oo Dadka Deegaanadaasi ay sameenayaan.
Goobaha sida aadka ah barakaca uga socdo waxaa ka mid ah Degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde oo gobolka Bakool ka tirsan isla markaasina ah goobaha xiisadaha dagaal ka taagan.
Wararka ka imaanaya degmada Xudur ayaa intaa ku daraya in inta badan qoysaskii deganaa halkaasi ay ka Barakaceen guryahoodii shalayto qaarna saakay ay bilaabeen inay faarujiyaan guryahooda.
Waxaana sababta ay tahay ay dadka u barakacayaan Xiisadaha ka jira gobolka Bakool qeybo ka mid ah gaar ahaana degmada Ceelbarde iyo degmada Xudur.
Qoysaska Barakacay oo u badan Haweyn iyo Caruur ayay waxay cabsi iyo Walaac xoogan ay ka muujiyeen amaba ay ka cabsi qabaan in Maleeshiyaadka ay soo hubaysay itoobiya weerar halkaasi ka qaadaan iyaga doonayo inay dib u qabsadaan Xudur iyo Baydhabo.
Waxaana jira is aruursi iyo abaabulo ciidan oo xoogan oo iminka ka soconaya degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool iyo degmada Ceelbarde.
Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Xubnihii DKMG ah ee Bay iyo Bakool dagaalka looga saaray maalinkii aynu soo dhaafnay degmada Xudur iminka ay doonayaan in weerar ay ku soo qaadaan degmadii laga qabsaday ka dib markii hub iyo saanad ay ka heleen dowladda Itoobiya.
Hadaba ayadoo Barakaca ka jira gobolka Bakool oo sii xoogeysanaya ayaan la ogaan Karin mustaqbalka sida ay noqon doono xaaladdaha goobaha ay ku kala sugan yihiin Maleeshiyaadka ay soo Hubaysay itooiya iyo Xoogaga Xarakada Al-Shabaab.

Related posts: