Al-Shabaab oo soo saaray Qodobo ay ku sugayaan Amaanka Balad-Xaawo

Published on February 28, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Xoogaga Xarakada Al-Shabaab ee ku sugan Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Digniintii ugu Adkayd ee ay ku sugayaan kulana wareegayaan Amaanka Degmada isla markaana ay uga hortagyaan Dhaqamada laga soo min guuriyay Reer galbeed waxa ay u jeediyeen Bulshada ku dhaqan Degmadaasi.

Sarkaal u hadlay Xoogagaasi oo lagu Magacaabo ”Abuu Xamsa” ayaa u sheegay Idaacadaha ku yaala degmada Balad-xaawo 4 qodob oo uu sheegay in ay ku sugayaan Amaanka Degmada kuwaas oo dhaqan galintooda ay ka Bilaabanaysay Xalay 08:00 fiidnimo.

Al-Shabaab ayaa ka digay in aan la Baneysan laguna xad-gudubin Dadka sharafkooda, waxay digniin culus u jeediyeen Cidii Qori Sharci daro ah ku dhex wadata Magaalada, iyaga oo sidoo kale sheegay in ay Talaabo adag ka qaadayaan wax alle wixii xumaan faafis ah ee ay ugu horeeyaan Shaneemooyinka iyo Istudiyaasha Heesaha iyo Filimada anshaxa xun lagu gado.

Abuu Xamsa oo qodobadaasi u akhrinaya Saxaafadana waxa uu yiri“1-in laga bilaabo Caawa 08:00 Amaanka Degmada Balad-xaawo Gabi ahaanba ay la wareegeen Ururka Al-Shabaab, 2- wax alle wixii horar ku ah Bulshada Horukaceeda ama horu markeeda Baneystayna ku xad, gudubka Dadka Cirdigiisa iyo Sharaftiisa in laga bilaabo Caawa 08:00 aanu Dhiigooda Baneysanayno, wax alle wixii Qori Magaaladaasi ku dhex wata uu….(Fahmi waynay kalimada halkaasi ku jirta), wax alle wixii xumaan Dadka ku dhex haya, wax alla wixii furasho Bulshada ku dhex hayo, wax alle wixii qori xaataa uu isagu leeyahay xaataa waa tii Dhiigooda noo Banaanyihiin, waxaan Bulshada u sheegaynaa Reer Balad-xaawo Cid alle cidii qori ku dhex wadata Magaalada ee si sharci daro ah ugu dhex wadato, Fadlan Bi ixsaanikum Hubkiina Xaraysta, anaga Xoolihiina ooma socono, laakiin waxaan u soconaa Xoolaha Dadka lagu isbaareysanayo, dadka lagu xad-gudbaayo, Islaamka Martida ah lagu dulminayo ayaan u soconaa”.

Wuxuu intaa ku daray “Qodobka xiga hadaan u gudbo Insha Allaahu Tacaalaa, Bulshada Balad-xaawo waxaan u sheegaynaa in wax alle wixii xumaan faafis ah ee ay ugu horeeyaan Shaneemooyinka ee ay ugu horeeyaan Istudiyaasha in Tilaabo ku haboon aanu ka qaadayno iyadana”.

Ugu Danbeyntii Abuu Xamsa ayaa ka codsaday Bulshada Degmada Balad-xaawo in Qodobadaasi si wacan u tix galiyaa wuxuuna yiri“Waxaan Mar labaad iyo Saddexaadba ka codsanaynaa Bulshada Degmada Balad-xaawo in Qodobadaasi si wacan u tix galiyaan, haddii ay u tix galin waayaana inay koleey Talaabadooda la kulmi doonaan Insha Allaahu Tacaalaa”.

Arintan ayay dadka qaar u arkaan haddii si xikmadaysan loo fuliyo ay talaabo hor dhac ah u noqon karto Sugida Amaanka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qaraxyo khasaare Gesytay oo ka dhacay Balad-Xaawo
  2. Ciidamada Gumeysiga oo isaga guuray Buurdhuubo & Dab qabsaday Balad-xaawo
  3. Magaalada Balad-Xaawo oo lala Wareegay
  4. Qarax Bam oo dadka ku dhaawacmeen oo ka dhacey Buulo Xaawo
  5. Qarax Sarkaal ku dhintay oo ka dhacay Xaawo Cabdi

Readers Comments (1)

  1. xasaan says:

    waa arin aan soo dhawynayo qab sashada b/xaawo ee ururka alashabaab




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qaraxyo khasaare Gesytay oo ka dhacay Balad-Xaawo
  2. Ciidamada Gumeysiga oo isaga guuray Buurdhuubo & Dab qabsaday Balad-xaawo
  3. Magaalada Balad-Xaawo oo lala Wareegay
  4. Qarax Bam oo dadka ku dhaawacmeen oo ka dhacey Buulo Xaawo
  5. Qarax Sarkaal ku dhintay oo ka dhacay Xaawo Cabdi

Latest Headlines