Suleymaan Colaad oo ka Hadley Duqeyntii AMISOM

Published on February 27, 2009 by   ·   15 Comments   ·   print

Xubinkii ugu horeeyay oo ka mid ah Dowlada cusub ee KMG ayaa ka Hadley, duqeyntii Dadka badan ee rayidka waxyeelada xoogan ka soo gaartey ee ay geysteen Ciidamada AMISOM eek u sugan Magaalada Muqdisho.

Suleymaan Colaad oo DKMG ah ugu qaabilsan Wasiirka Dhalinyarta iyo Isboortiga ayaa sheegay inay ka xunyihiin Duqeyntii Ciidamada AMISOM geysteen ee dhibaatada xoogan ka soo gaartey Dadka rayidka.

Mar uu arintaa ka hadlayeyna waxa uu yiri:“AMSIOM, Dad Soomaaliyeed amaba qoysas Soomaaliyeed, Madaafiic ay tureen inay ku dhacdey waanu maqalney, waana ka xunahey Dad Soomaaliyeed oo hadda barakacii dib uga soo laabanayey inay hadana dib u barakacaan waan ka xunahey, waxana rajeyneyna arintaa inay bataatanbaa is taagto”.

Waxa uu sidoo kale ka Hadley ka saarida Ciidamada AMISOM ee Dalka oo uu sheegay inay arintaa DKMG ah ka shaqeyneyso waxa uuna yiri:“AMISOM hadii ay tahey wadanka inay ka baxdana, hade Dalka waa laga saari doona oo dhawaan baa laga saari doona oo Xukuumada iyo Dowlada ayaa ka saari doonta, marka airntaa waa in laga wada hadlaa”.

Suleymaan Colaad ayaa sidoo ka sheegay inay tahey wax walba in wada hadal lagu dhameeyo oo Miis dushiis la isugu yimaado, si wixi jira wada hadal loogu dhameeyo, sida u hadalka u dhigay.

Waa Mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan Dowlada isku dhafka ee cusub oo cambaareeya Duqeyntii Ciidamada AMISOM ka geysteen Qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay ka dhasheen dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed oo Dadka rayidka ah soo gaarey.

Suleymaan Colaad ayaa ka mid ahaa Xubnii shaley soo gaarey Magaalada Muqdisho ee la socdey Wafidga Cumar C/rashiid.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. AMISOM oo Wakhtiga Bixitaankooda ka hadley
  2. Suleymaan colaad rooble “Majirto ciduu isbahaysiga dib-u-xoreynta u dirsaday shirka ka socda dalka yugandha, horuuna u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirkaa”
  3. Axmed Diriye oo Ka Hadley Duqeyntii Guriceel
  4. Nabi Suleymaan oo hal habeen boqol xaas isu maray (Qisadii 7aad)
  5. Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo Dagaalada Muqdisho ka Hadley.

Readers Comments (15)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. AMISOM oo Wakhtiga Bixitaankooda ka hadley
  2. Suleymaan colaad rooble “Majirto ciduu isbahaysiga dib-u-xoreynta u dirsaday shirka ka socda dalka yugandha, horuuna u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirkaa”
  3. Axmed Diriye oo Ka Hadley Duqeyntii Guriceel
  4. Nabi Suleymaan oo hal habeen boqol xaas isu maray (Qisadii 7aad)
  5. Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo Dagaalada Muqdisho ka Hadley.

Latest Headlines