Ka dib markii shaley Magaalada Muqdisho uu soo gaarey Cumar C/rashiid iyo inta badan Xubnaha Golihiisa Wasiirada oo waheliya , waxaa jirtey faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxeysay Barnaamijka wax qabad ee DKMG ah.
Cumar C/rashiid oo Saxaafada hadal kooban ku siiyay Gudaha Garoonka Muqdisho waxa uu sheegay inay barnaamijta dibu heshiisiinta iyo dibu dejinta ka shaqeyntooda xooga saarayaan.
Faah faahino taas la mid ah waxaa bixiyay C/raxmaan C/shakuur oo Wasiirka Qorsheynta DKMG ah ugu qaabilsan mar uu xaley Wareysiyo kala gooni gooni ah siiyey qaar ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ah ee Muqdisho.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in qorshaha DKMG ah 4 qodob aasaas u yihiin sida uu sheegay, mar uu ka warbixinayeyna waxa uu yiri:”Qorshaha Xukuumada 4 qodob ayaa aasaas u ah, midka gu horeeya waxa weeye, in la sii wado dibu heshiisiintii intii ka maqneyd ee wali banaanka ka taagan barnamijkii dibu heshiisiinta in lagu soo daro, amniga in la adkeeyo oo la sugo, oo la suuro geliyo Magaaladu inay amni noqoto, qodobka sadexaad, in Dadkii barakacey guryahooda inay ku soo noqdaan gargaarna la gaarsiiyo iyo midda afaraad oo ah in la dhiso Xukuumad iyo Maamul wanaagsan oo aan Musuqmaasuq iyo nin jacleysi midna aanan la heyn”.
Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho ayuu sidoo kale ka hadley oo uu sheegay inay aad uga xunyihiin, intii ku waxyeelowdeyna ka tacsiyadeynayaan.
Waxa uu sidoo kale ku baaqey in dadaalada kale duwan ee lagu doonayo in lagu dajiyo xaalada ay mudan yihiin in la tixgeliyo, gaar ahaan kuwa Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka mar uu arimahaas ka hadlayeyna waxa uu yiri:”Aad iyo aad ayaan u soo dhaweyneynaa oo u taageereynaa, Ilaaheyna haka abaal mariyo Culimada Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamka, iyo Odayaasha Dhaqanka oo iyagu waligood u taagnaa xornimada Wadanka iyo dibu heshiisiintiisa …. waxaan rajeynayaa in Dadkaas dadaaladooda dhegta loo dhigo”. Waxa uu sidoo kale ku baaqey iyada oo la kala aragti duwan in mar walba laga fogaado gacan kahadal in xal lagu raadiyo:” Hal qodob oo asaasi ah ayaan hoosta ka xariiqaya in la isku waafaqo, Dadku waa kala aragti duwaan karaan, laakiin gacan kahadal in wax lagu xaliyo inay xaaran tahey, Dadka dhiigooda in la daadiyo inaaney wanaagsaneyn, marka waxa ay ila tahey, hadii la is khilaafsan yahey waa la is khilaafi karaa, Bani’aadamku waa kala aragti duwaan karaa,…, laakiin qodonka in la isku waafaqo loo baahan yahey waxa waaye, waxaas oo dhan inay wada hadal ku yimaadaan oo Colaad iyo Dagaal lagu xalinin”.
Sidoo kale waxa uu sheegay diyaar inay u yihiin, DKMG ah inay ka qeyb geliyaan garabyada kale ee Muqaawamada ee hadda ka soo horjeeda, si buu yiri Dagaalada iyo Xasaradaha wali oogan looga gudbo.
Ma jiro wax war ah oo dhanka Xoogaga kale ee Muqaawamada ka so baxey oo ku aadan baaqyada kale duwan ee Dhanka DKMG ah ee isku dhafka ah ka soo baxaya.

Related posts: