Sheekh Axmed Aabi Mataan uu maamulka gumeysiga u matala S/Galbeed ku xakumay 3 sano oo xabsi ah

Published on February 26, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Sheekh Axmed Aabi  Mataan oo ka mid ah Culimada aadka looga yaqaano Dhulka Soomaali Galbeed ayuu maamulka ka jira deegaanka ee la shaqeeya Gumeysiga Itoobiya waxa uu shalay  ku Xakumay xabsi gaaraya ilaa 3 Sano kadib markii sida ay wararku sheegayaan lagu soo eedeeyay in uu xiriir hoose la leeyahay Xoogaga Xornimo doonka ah ee ka jira gobolka.

 

Sheekh Axmed Aaabi  ayay Maxkamada Magaalada Jig jiga ku xakuntay Xabsi 3 sano ah waxayna wararku intaa ku darayana in Sheekha la rabay in mudo intaa ka badan lagu xakumo.

 

Warar kale ayaa sheegaya in amarka lagu soo xiray sheekha uu bixiyay ninka maamulka goblka jira uu biyay .

 

Nin Makhtaari ahaan loo keenay lana rabay in uu Sheekha ku cadeeyo waxyaabaha  laga soo eedeeyay ayaa Sheegay in waxa Sheekha laga eedeeyay uusan waxba ka ogayn warna uusan ka heyn taasoo keentay in mudada Xarigiisa hoos loo dhigo.

 

Arintan wax ay qeyb ka tahay Fara galin uu ay Xukuumada Itoobiya  ku wado Majliska Culimada Itoobiya waxaana sidoo kale ay Xukuumadu Fara galin toos ah ku sameysay howlaha Majliska waxayna xukuumada kala dirtay xubnihii Masjliska  kaasoo badalkiisa ay u dhiibtay kooxo suufiyo ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 30 Qof oo laga sii daayay xabsi ku yaal Dhulka S/galbeed
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Sheekh Deg Balanballe ka qafaashay
  3. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay qeybo ka mid ah Dhulka S/galbeed
  4. Max’ed Dheere oo loo gudbiyay Xabsi ku yaala Baydhabo
  5. Mujaahidiinta Jabhdda S/Galbeed oo Weeraray Ciidamada Gumeysiga

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 30 Qof oo laga sii daayay xabsi ku yaal Dhulka S/galbeed
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Sheekh Deg Balanballe ka qafaashay
  3. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay qeybo ka mid ah Dhulka S/galbeed
  4. Max’ed Dheere oo loo gudbiyay Xabsi ku yaala Baydhabo
  5. Mujaahidiinta Jabhdda S/Galbeed oo Weeraray Ciidamada Gumeysiga

Latest Headlines