Saraakiil Itoobiyaan ah oo la kulmey Xubnihii laga saaray Baydhabo iyo Xudur.

Published on February 26, 2009 by   ·   22 Comments   ·   print

Gudaha Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool oo ku taala Xadka ay wadaagaan gobolka Bakool iyo Dhulka S/galbeed ayaa maanta waxaa kulan Albaada u xiran halkaasi ku yeeshay Saraakiil Itoobiyaan ah iyo xubnihii laga eryay Xudur iyo Baydhabo.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa uu ahaa mid ay uga wada hadlayeen xaaladda guud ee gobolka Bakool iyo sidii dib loo qabsan lahaa degmada Xudur ee gobolka Bakool oo iminka Xoogaga Al-Shabaabka ay Maamulaan.

Wariyaha Somalimirror ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa sheegay in ay xubnahaasi ay dalbadeen waa kuwa DKMG ahe in ciidamo ay u soo diraan saanad iyo hubna siiyaan.

Hadaba lama saadaalin karo in Saraakiisha Itoobiyaanka ahi ogolaadeen caawimaadaasi iyo in kale.

Waxaana wararka ay sheegayaan in Saraakiisha Itoobiyaanka ah markii ay kulan kooda ay dhameysteen ay dib ugu noqdeen gudaha Dhulka S/galbeed oo ay markii hore ay ka yimaadeen.

Waxaa laga cabsi qabaa in Xoogaga Al-Shabaab iyo xubnahaasi ay kaalmeynayso itoobiya ku dagaalamaan isla Degmada Ceel-barde.

Waxaana wali jira dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo abaabulo oo degmada Ceelbarde ay ka wadaan Xubnaha DKMG taabansan maamulada Bay iyo Bakool kaad oo aan la ogeyn halka uu ku wajahanyahay.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Maleeshiyaad ay soo Tababareen Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu wareejiyay Xubnihii Baydhabo laga saaray.
  2. Xubnihii dhawaan laga saaray Baydhabo oo Qorshaynaya Duulaan ay ku soo qaadaan Baydhabo
  3. Odayaasha G/Bakool oo bilaabay inay la hadlaan Xubnihii Baydhabo laga saaray.
  4. Darawaliin ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan ciidamada Taabacsan Xubnihii Baydhabo lagala wareegay
  5. Degmada Xudur ee G/Bakool oo lala wareegay.

Readers Comments (22)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maleeshiyaad ay soo Tababareen Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu wareejiyay Xubnihii Baydhabo laga saaray.
  2. Xubnihii dhawaan laga saaray Baydhabo oo Qorshaynaya Duulaan ay ku soo qaadaan Baydhabo
  3. Odayaasha G/Bakool oo bilaabay inay la hadlaan Xubnihii Baydhabo laga saaray.
  4. Darawaliin ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan ciidamada Taabacsan Xubnihii Baydhabo lagala wareegay
  5. Degmada Xudur ee G/Bakool oo lala wareegay.

Latest Headlines