Majliska Culimada Muslimiinta Itoobiya oo la kala diray

Published on February 26, 2009 by   ·   9 Comments   ·   print

Xukuumada Itoobiya ayaa kala dirtay dhamaan Xubnhii iyo maamulkii Majliska Culimada Muslimiinta Itoobiya ,waxayna arintasi timid kadib markii Xukuumada Itoobiya ay faro galin ku sameysay habdhismeedka Majliska iyo sidoo kale howlihiisaba, waxayna Xukuumada Itoobiya  magacowday gole cusub ee hoos tagi doona badalina doona Majsliskii la kala diray.

 

Kala dirsta Golaha Masjilka Culimada ayaa yimid sida ay wararku sheegayaan kadib arin ka dhalay gadood ay Muslimiintu ka sameeyeen tira koob ay Xukuumada sameysay Taasoo ka dhigtay tirada Muslimiinta guud ahaantood in 34 % ay ka yihiin  dadka ku dhaqan Itoobiya halka Kistankana ay ku sheegtay 64% taasoo keentay in Xukuumadu ay cadaadis badan saarto golaha kadib markii ay sanadihii la soo dhaafay dad badan si xowli ah u soo galeen diinta islaamka.

 

Wararka ayaa sheegaya in Hey’adaha kistanka ah ama Kaniisahada qeysaskoodu ay dacwo u gudbiyeen xukuumada iyagoo ku codsanaya in  is hor tag lagu sameeyo howlaha uu wado majliska  Muslimiinta, waxayna sidoo kale Xukuumada u gudbiyeen in ay fara galin ku sameyso howlaha wacyi galinta ah ee uu goluhu ku wado dadka kirstanka ah ee uu u soo dumayo Diinta Islaamka.

 

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay ee 2008 ay ilaa 17 Qeys oo ka tirsaa Kaniisadaha ay soo islaameen, tirada dadka soo islaamayna ay 3 jibaar ka badneyd sanadihii la soo dhaafay walow aan qiyaas laga heyn tirada dadka soo islaamay.

 

Dhinaca kale waxaa sidoo kale la kala diray Masliska Culimada Gobolka Soomaalida waxaana lagu badal dad ka mid ah Dariiqada Suufiyada waxayna bilaabeen in ay iimaamyada Masaajida ugu hanjabaan in ay xirayaan hadii kitaabo ama baraarujin aysan ogayn laga bilaabo Masaajida.

 

 Fara galinta ay Xukuumada Itoobiya ku sameysay Majliska Culimada iyo kala dirsta Xubnihiisa ayaa qeyb ka mid ah caburin ay Xukuumada Itoobiya ku hayso dadka Muslimka  ah , waxanaa sidoo kale jira Cadaadisyo kala duwan ee Itoobiya ugu imaanaya wadamada reer Galbeedka kuwaas oo ku cadaadinaya in ay xakameyso dhaq dhaqaaqa dadka Muslimka ah.

 

Isku soo wada duuboo waxaa jira cadaadisyo badan ee ay Xukuumada Itoobiya ku hayso Dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gudaha Itoobiya waxanaa Cadaadisyadaas laga xusi karaa is hortaag uu Maamulka jaamacada Magaalada Makala ku sameeyeen in ay ardayda Muslimiinta ah  ay salaada tukadaan taasoo keentay in arydaydu ay gadood xoogan ka sameeyaan falka uu sameeyay maamulka Jaamacadu keentayna in ciidamada Booliska iyo kuwa milatry-ga ahba loo soo diro jaamacada si ay uga hortagaan mudaaharaadka ay ardaydu sameynayso , waxana sidoo kale jira dhibaatooyin isku jira dil , dhac iyo handaadado lagu hayo dadka Muslimka ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Abuu Mansuur oo ka hadlay Wafdiga Culimada Muslimiinta & Go’aankii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed
  2. Maxay ka wada hadleen Wafdiga Culimada Muslimiinta & Sh. Shariif
  3. Itoobiya oo shaacisay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya dhamaadka Bishan
  4. Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo xalay ka baxay Deegaanka kala Bayr
  5. Wafdigii Culimada Muslimiinta ka socdey oo Shir Jaraa’id qabtey.

Readers Comments (9)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Abuu Mansuur oo ka hadlay Wafdiga Culimada Muslimiinta & Go’aankii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed
  2. Maxay ka wada hadleen Wafdiga Culimada Muslimiinta & Sh. Shariif
  3. Itoobiya oo shaacisay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya dhamaadka Bishan
  4. Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo xalay ka baxay Deegaanka kala Bayr
  5. Wafdigii Culimada Muslimiinta ka socdey oo Shir Jaraa’id qabtey.

Latest Headlines