Gudigii Culimada Muslimiinta oo Dib Muqdisho uga dhoofey.

Published on February 26, 2009 by   ·   14 Comments   ·   print

Gudigii ka socdey Culimada Muslimiinta Caalamka ee ka kala koobnaa لحملة العالمية لمقاومة العدوان iyo الاتحاد العالمي لعلماء المسلمين oo Muddo 6 Cisho ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Saaka dib uga dhoofey Garoonka Muqdisho.

Wafdigan ayaa kulamo kale duwan la qaatey dhamaan garabyada Xoogaga Muqaawamada, sidoo kale Wafdigu waxa uu dhowr kulan la yeeshay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo aad uga wareysteen Xaalada dhabta ah ee Dalka ka jirta.

Dhamaan qeybaha kale duwan ee ay la kulmeen ayay kala hadleen, barnaamijkii ay u socdeen oo ahaa heshiisiinta Walaalaha ay khilaafaadku dhex yaaliin.

Saaka ka hor intii ayna ka duulin Garoonka waxa ay kulan la qaateen Gudi ka socdey Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo Gudoomiyaha Hay’ada Sh Bashiir iyo Sh Maxamed Umal ay ka mid yihiin.

Sidoo kale shalay ayey kulan la qaateen Sh Shariif Sh Axmed, kulankaas oo qeyb ka ahaa kulmadii horey ula yeesheen.

Ma jiro wax war ah ama bayaan qoran oo wafdigan ka soo saareen dhamaan kulamadii kale duwanaa ee ay qaateen intii ay ku suganaayeen Magaalada Muqdisho, basle waxa ay sheegeen inay dib u soo noqon doonaan mar walba oo loo baahdo.

Socdaalkooda ayaa qeyb ka ahaa, dadaalada kale duwan ee lagu bixinayo sidii maaro loogu heli lahaa xaalada Cakiran ee Soomaaliya oo Dal iyo dadba saameyn weyn ay ku yeesheen Dagaaladii kale duwanaa ee soo marey, wixii ka danbeeyay dhicitaanka Dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wafdi ka socda Culimada Muslimiinta Caalamka oo M/disho soo gaarey.
  2. Wafdigii Culimada Muslimiinta ka socdey oo Shir Jaraa’id qabtey.
  3. Abuu Mansuur oo ka hadlay Wafdiga Culimada Muslimiinta & Go’aankii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed
  4. Sh Shariif oo Muqdisho dib uga dhoofey
  5. Kulan u furmey Wafdigii Culimada Muslimiinta ka socdey & Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed.

Readers Comments (14)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wafdi ka socda Culimada Muslimiinta Caalamka oo M/disho soo gaarey.
  2. Wafdigii Culimada Muslimiinta ka socdey oo Shir Jaraa’id qabtey.
  3. Abuu Mansuur oo ka hadlay Wafdiga Culimada Muslimiinta & Go’aankii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed
  4. Sh Shariif oo Muqdisho dib uga dhoofey
  5. Kulan u furmey Wafdigii Culimada Muslimiinta ka socdey & Xisbiga Islaamiga Soomaaliyeed.

Latest Headlines