Cumar C/rashiid oo Muqdisho soo gaarey.

Published on February 26, 2009 by   ·   40 Comments   ·   print

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo dhawaan uu Sheekh Shariif u Magacaabay Ra’isul wasaaraha DKMG ah ayaa markii ugu horeysay ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.(Daawo Sawirada)

Cumar ayaa la sheegayaa in ay la socdaan Wafdi gaaraya 45 xubnood oo isugu jira Wasiiro ka mid ah Xukuumadiisa iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada DKMG ah.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Cumar C/rashiid xubno ka tirsan DKMG ah oo isugu jira Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumada oo uu ka mid yahey C/raxmaan Janaqow., sidoo kale waxaa ka mid ah dadkii soo dhaweeyay Xubno ka mid ah Maamulka Gobolka Banaadir.

Ka dib muddo kooban oo uu ku nastey qolka nasashada ee Garoonka, waxa uu la Hadley Saxaafada, waxa uuna uga warbixiyay qorshaha DKMG ah waxa uuna yiri:“Sidaad ogsoon tihiin shirkii Djibouti waxaa ka dhalatey Dowlad uu Madaxweyne ka yahey Shariif Sh Axmed, haatanna waxaa ila socda Golihii wasiirada badankooda, Dowladaas waxaa loogu talo galey 2 sano gudahood wadanka inay ku gaarsiiso Doorasho xor ah, hadafkeeda ugu weyn waxa weeye dibu heshiisiinta, in amniga la sugo in umadii qaxdey dib loo soo dajiyo guryahoodii iyo in haykalkii dowlad nimo la dhiso, waxaa naga go’an inaan karaamadii iyo qaranimadii soo celino”.

Sidoo kale baaq ayuu u direy Bulshada oo ugu baaqey inay nabada ka shaqeeyaan, hadii in muddo ah dhibaatooyin badan lagu soo jirey.

Waxaa Garoonka looga galbiyay oo lagu qaadey gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, kuwaas oo si gaar ah amaankiisa u sugayey, sidoo kale waxaa la socdey oo Diyaarada kala soo degay Ilaalo gaar ah oo la socotey oo Djibouti ka soo raacdey.

Si rasmiga ah looma oga halka la dajiyay basle wararka qaar ee aanu heleyno ayaa sheegaya in Madaxtooyada loo galbiyey.

Ciidamada AMISOM oo ku qalabaysan Hubka noocyadiisa kala duwan iyo kuwa DKMG ah ayaa si weyn u adkeeyay Amaanka wafdigaasi ka dib markii ay ka soo dageen Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.

CUmar C/rashiid oo Diyaaradii Sidey ka soo degaya

CUmar C/rashiid oo Diyaaradii Sidey ka soo degaya

Qaar ka mid ah Ilaalada Cumar C/rashiid oo Diyaarada ka soo degaya

Qaar ka mid ah Ilaalada Cumar C/rashiid oo Diyaarada ka soo degaya

Qaar ka ah Ilaalada oo Diyaarada ka soo degaya

Qaar ka ah Ilaalada oo Diyaarada ka soo degaya

Cumar C/rashiid oo Salaamaya qaar ka mid soo dhaweeyaasha

Cumar C/rashiid oo Salaamaya qaar ka mid soo dhaweeyaasha

Cumar C/rashiid & Wafdigiisa oo Qeybta Nasashada sii gelaya

Cumar C/rashiid & Wafdigiisa oo Qeybta Nasashada sii gelaya

Sh Maxamuud Garweyne & Janqow oo Sawirka Muuqda

Sh Maxamuud Garweyne & Janqow oo Sawirka Muuqda

Cumar C/rashiid oo Saxaafada Garoonka kula hadlaya

Cumar C/rashiid oo Saxaafada Garoonka kula hadlaya

Cumar C/rashiid oo Gaari AMISOM sii gelaya

Cumar C/rashiid oo Gaari AMISOM sii gelaya

Xubin ka mid ah Wafdiga Yimid

Xubin ka mid ah Wafdiga Yimid

Xubin ka mid ah Wafdiga Yimid

Xubin ka mid ah Wafdiga Yimid

Xubin ka mid ah Wafdiga Yimid

Xubno C/raxmaan C/shakuur & Janaqow ka mid yihin oo Sawirka a dhex muuqda

Xubno C/raxmaan C/shakuur & Janaqow ka mid yihin oo Sawirka a dhex muuqda

Muuqaalka Garoonka

Muuqaalka Garoonka

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Baarlamaanka DKMG oo Ansixiyay Cumar C/rashiid kadiba Dhaariyay
  2. Xukuumada Cumar C/rashiid oo la filayo in lagu dhawaaqo
  3. Sh Shariif oo Cumar C/rashiid; Ra’isul Wasaare u Magacaabey
  4. Puntland oo soo dhaweysay magacaabista Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
  5. Cumar C/rashiid oo Shaaciyay in uu la hadlayo Xoogaga Muqaawamada

Readers Comments (40)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Baarlamaanka DKMG oo Ansixiyay Cumar C/rashiid kadiba Dhaariyay
  2. Xukuumada Cumar C/rashiid oo la filayo in lagu dhawaaqo
  3. Sh Shariif oo Cumar C/rashiid; Ra’isul Wasaare u Magacaabey
  4. Puntland oo soo dhaweysay magacaabista Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
  5. Cumar C/rashiid oo Shaaciyay in uu la hadlayo Xoogaga Muqaawamada

Latest Headlines