Saaka 06:00am ee Xilliga Muqdisho dagaalo ayaa ka dhacey qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxa ayna yimaadeen dagaaladani ka dib markii weeraro lala beegsadey fariisimo Ciidamada AMISOM ee Burundi iyo kuwa DKMG ah leeyihiin.
Fariisimada la weerarey waxaa ka mid ah xarunta Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad iyo Xarunta Isbitaalkii hore ee Digfeer oo fariisimo ay ku kala leeyihiin Ciidamada Burundi oo qeyb ka ah kuwa AMISOM iyo ciidamdo ka tirsan kuwa DKMG ah.
Khasaare kale duwan oo isugu jira dhimaasho iyo dhaawac ayaa dagaalkani ka soo gaarey dadka rayidka ah, inta la ogsoon yaheyna waxaa ku dhintey 3 qof 3 kalena dhaawacyo ayaa soo gaarey, kuwaas oo qarkood isku qoysas yihiin.
Dagaalkan oo socdey muddo ku dhow Nus Saac la isuna adeegsadey hub kale duwan, ayaan la ogeyn khasaaraha soo kala gaarey labadii dhinac ee uu u dhaxeeyay, waxa uuna qeyb ka yahey Dagaaladii horeyba sidan oo kale xoogaga kale duwan ee Muqaawamadu ula beegsadan jireen.
Waxa uuna ku soo aadaya xilli shaley Galab, weerar Madaafiic ah lala beegsadey Xarunta Madaxtooyada oo isla shaley uun uu halkaa soo gaarey Sh Shariif Sh Axmed.

Related posts: