Madaafiic dhowr ayaa lagu weerarey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho, oo uu Maanta uun soo gaarey Sh Shariif Sh Axmed, oo dhawaan Baarlamaanku KMG ah uu doortey.
Dhowr Madfac ayaa la sheegayaa inay ku dhaceen xarunta Villa Soomaaliya gudaheeda kuwaas oo aan la ogeyn inta uu leegyahey khasaaraha kale duwan ee ay geysteen.
Ma jirin wax jawaab ah oo ay soo sameeyeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan xarunta Madaxtooyada sidii horeyba looga bartey, waxaana arintan Saxaafada u sheegay C/laahi khaddar oo dhanka Warfaafinta ugu qaabilsan Xafiiska Sh Shariif.
Waxaa duqeyntan sheegtay inay geysteen Xoogaga Al-shabaab, ilaa dhowr iyo toban Madfac ayeyna sheegeen inay halkaa ku weerareen.

Related posts: