Kuwait oo u Hanbalyeysay Sh Shariif.

Published on February 1, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Dowlada Kuwait ayaa u Hanbalyaysan Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku guulaysiga uu ku guuleystay Madaxweynanimada DKMG ah, ka dib markii ay dalka jabuti ku doorteen aarlamaanka isku dhafka ah ee dhanka DKMG ah iyo ARS/garabka Jabuti.

Wakaalada Wararka ee Dalka Kuwait ayaa qortey in Amiirka Dalkaasi Boqor Sheekh Sabaax al-axmed uu warqad tahniyad ah u direy Sh Shariif Sh Axmed isaga oo ugu tahniyadeynaya Xilka Madaxweynaha ee loo dortey, sidoo kalena u rajeeyay inuu ka soo baxo howsha loo igmadey.

Waxa sidoo kale tahniyad la direy Boqorka Kuwait, Ra’isul Wasaarahiisa oo sidoo kale inuu xilka loo doortey ka soo baxo u rajeeyay, waxa ayna kula taliyeen inuu ka shaqeeyo sidii nabad waarta Dalka Soomaaliya ugu soo dabaali lahaa.

Hanbalyadan ayaa la mid ah kuwo badan oo sidan oo kale loogu soo dirayey Sh Shariif ka dib markii Xilka Madaxweynaha ee DKMG ah loo doortey, kuwaas oo uga kala imaanayey Madax kale duwan oo ka mid ah Beesha Caalamka.

Sh Shariif, in kastoo Xafladii lagu dhaarinayey uuna ka soo qeyb gelin hal Madaxweyne oo ka socda Dowladaha Caalamka hadana ka dib doorashdiisa waxa muuqata inuu helayo taageero kale duwan oo loo jeedinayo taas oo aan la ogeyn inta ay gaarsiisan tahey, basle waxaa la dhowr rayaa inta ay leekaato taageeraaasi sidoo kale inay noqo mid sii jirta iyo mid inay noqoto mid ku eeaata hadal uun.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (4)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines