Xaabsade oo aaday Dhinac Itoobiya.

Published on January 31, 2009 by   ·   9 Comments   ·   print

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxa uu ka mid ahaa mas`uuliyiintii dowladda KMG oo dhawaan laga farmaroojistay magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar u ahaan jirtay Baarlamaanka.

Xaabsade oo maalahani ku sugnaa Qeybo ka mid ah Gobolka Bakool gaar ahaana Degmada Xudur ayaa xalay waxa uu u ambabaxay dhanka xadka K/Soomaaliya ay la wadaagto Itoobiya.

Ma jirin cid mas`uuliyiin kale oo la socoto, bacdamaa mas`uuliyiintii kale ee Gobolka qaar kood ay ku sugan yihiin gaar ahaan Degmada Xudur halkaasi oo aroorsi ciidan ka wadaan.

Lama garanayo sababta uu Xaabsade ugu ambabaxay Dalka Itoobiya, balse wararka qaar ayaa sheegayain uu ku wajahanyahay Degmada Deelow halkaasi oo ay ku sugan yihiin Xubno ay ka midka yihiin Barre Aadan Shire Barre Hiiraale, Maxamuud Sayid Aadan, Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere iyo C/Fataax Maxamed Ibraahim Geesey.

Dadka ku dhaqan Degmada Xudur ayaa waxa ay ku waramayaan in Xaabsade ay la socdeen tiro ciidamadiisa oo watay in ka badan 15 oo gawaarida gaashaan ee Dagaalka ah.

Ugu dambeytnii, lama garanayo in arimo abaabul oo Ciidan oo ka doontay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo in kale.

Wixii warar ah ee ku soo kordha Dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Xaabsade & Xubno kale oo gacanta lagu dhigay & Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegay Baydhabo
  2. Xaabsade oo lagu eedeeyay Xoogaga Al-shabaab Baydhabo inuu ku wareejiyay
  3. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ka baxey gudaha Deg. Baardheere.
  4. Maxamed Dheere oo u Gacan galey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  5. Ciidanka gumeysiga Itoobiya oo galabta isaga guurey degmada Balcad.

Readers Comments (9)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xaabsade & Xubno kale oo gacanta lagu dhigay & Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegay Baydhabo
  2. Xaabsade oo lagu eedeeyay Xoogaga Al-shabaab Baydhabo inuu ku wareejiyay
  3. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ka baxey gudaha Deg. Baardheere.
  4. Maxamed Dheere oo u Gacan galey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
  5. Ciidanka gumeysiga Itoobiya oo galabta isaga guurey degmada Balcad.

Latest Headlines