Wareegii koowaad ee Doorashada Madaxweynanimada

Published on January 31, 2009 by   ·   12 Comments   ·   print

Wareegii koowaad ee Doorashada Madaxweynaha oo bilaabatay 01:00 Makhribnimo xiliga Dalka Djibouti ayaa soo gabo gaboowday 11:50 Waxaana codeeyay 425 xubnood.

Wareega koowaad waxaa ku soo baxay Musharaxiinta kala ah:-
1- Sheekh Shariif Sheekh Axmed Wuxuu helay 215 – cod
2- Maslax Maxamed Siyaad Wuxuu helay 60-Cod.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) oo helay 59- Cod ayaa sheegay in uu ka haray u tartanka Doorashada Madaxweynanimada, sidoo kale Cali khaliiif Galaydh oo isna helay 31-Cod ayaa ka haray wuxuuna yiri “Waxaan Jecelahay inaan ka tanaasulo inaan u gudbo Doorka 2-aad”.

Sidoo kale C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guul-wade) oo helay 10-Cod, iyo Maxamed Cuthmaan Aadan oo helay 25 –Cod ayaa iyaguna shaaciyay in ay ka hareen u tartanka Musharaxnimada Doorashada.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in haddii ay isku soo haraan 2-Musharax si toos ah loo gudbayo Wareega 3-aad sida uu qabo axdi hoosaadka Baarlamaanka DKMG ah iyada oo laga gudbayo Wareega Labaad.

Waxaa ku haray wareega Koowaad iyaga oo aan Tanaasulin:-
1- Cali Xaashi Dhoore Wuxuu helay 2- Cod
2- Yuusuf Cumar Al-Azhari Wuxuu helay 2- Cod
3- Muuse Macallin Yuusuf Wuxuu helay 4- Cod
4- Axmed Cawad Casharo Wuxuu helay 5- Cod
5- Axmed Xaashi Muxumed Wuxuu helay 9- Cod

Wakiilada Musharaxiinta u kormeeraya Tirirnta Codadka ayaa kala ah:-
1- Sheekh Shariif waxa u wakiil ah – Axmed Macalin Fiqi
2- Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde – Max’ed Cumar Waayeel
3- Cali Khaliif Galayr – C/qaadir M. Cadow
4- Cali Xaashi Dhoore – Max’ed Yuusuf Xaashi
5- Axmed Xaashi – Abuukar Guure
6- Max C/raxmaan Xasan -
7- Axmed Cawad Xasharo – Cabdi Sheegoow Urur Khaliif.
8- Maslax Maxamed Siyaad – C/wali Sheekh Axmed
9- Maxamed aadan Edsan – C/raxmaan Maxamed Warsame
10- Yuusuf Al-Azhari – Gaashaanle Sarre Sayid.
11- Muuse Macallin Yuusuf – Saciid.

Santuuqyada Codeynta oo ah 5 waxaa furay Aadan Madoobe, waxaana isla goobta lagu jeex jeexay Dhowr warqadood oo ka soo haray waraaqihii loogu talo galay.in lagu codeeyo.

3 waraaq ayuu sheegay Aadan Madoobe in ay Halowday oo aan loo isticmaalin sidii loogu talo galay

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Waraaqaha lagu codaynayay Wareega 1-aad oo ah Cagaar aan mar danbe lagu codaynayay isla markaana Waraaqaha Wareegaha 2-aad ay Noqon doonaan kuwo ka midab duwan.

Xasan Abshir Faarax oo u waramay TV-ga RTD ee Dalka Djibouti ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan la doonay Soomaaliya Wax Dowlad ah balse ay u ogolyihiin oo kaliya Gar-gaar bani’aadamnimo.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegay in uu la shaqeynayo Madaxweynaha Cusub ee lagu Wado in caawa lagu doorto Dalka Djibouti.

Dhanka kale Milatariga Dalka Djibouti ayaa diyaariynaya isla Caawaba Taandho weyn oo la sheegay in loogu talo galay in lagu qabto Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha halkaasi ka soo baxaya.

Gudiga Doorashada ayaa sheegay in Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ay ka dhici doonto Hotel Kempsink.Maalinta Bari ah.

Ka dib Mudo 15 Daqiiqo ah oo Bareeg ah oo la siiyay Xubnaha Baarlamaan waxaa 01:30Am ee xilliga Dalka Jabuti, bilaabatey Doorashada Wareegeedii 3-aad taas oo si toos ah uga socota holka codbixintu ka socoto, waxaana codbixinta bilaabey Gudoonka sare ee Baarlamaanka DKMG ah, oo kala ah, Aadan Madoobe, Proff Dalxa iyo Cismaan Boqore, sidoo kale waxaa iyaga ku xigsadey Labo Xildhibaan oo kale ah Xasan Maxamed Nuur(Shaati-gaduud) oo xanuun ku soo boodey iyo Xasan Maxamed Idiris oo Shaati-gaduud Wehelinayey.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh.Shariif oo isku soo sharaxay Madaxweynanimada DKMG ah
  2. Adan Madoobe “waxaan soo magacaabi doonaa guddi u howlagala Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya”
  3. Nuur Cadde“waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo inaan Musharax u ahay jagada Madaxweynanimada ee loo tar-tamayo”.
  4. Aadan Madoobe oo Magacaabey,Gudiga Doorashada Madaxweynaha.
  5. Nuur Cade“Iscasilaadaas oo uu xilkii Madaxweynanimada iska casilay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed waan soo dhaweynaynaa”

Readers Comments (12)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh.Shariif oo isku soo sharaxay Madaxweynanimada DKMG ah
  2. Adan Madoobe “waxaan soo magacaabi doonaa guddi u howlagala Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya”
  3. Nuur Cadde“waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo inaan Musharax u ahay jagada Madaxweynanimada ee loo tar-tamayo”.
  4. Aadan Madoobe oo Magacaabey,Gudiga Doorashada Madaxweynaha.
  5. Nuur Cade“Iscasilaadaas oo uu xilkii Madaxweynanimada iska casilay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed waan soo dhaweynaynaa”

Latest Headlines