Abaarraha 01:28pm ee xiliga Djibouti ayaa si rasmi ah Sh Sharif Sh Axmed loogu dhaariyay Hotelka Kempinksi ee Dalka Jabuti inuu noqdo Madaxweynaha DKMG ah.
Sh Shariif waxaa dhaariyaya Gudoonka sare ee Baarlamaanka DKMG ah Aadan Madoobe, ka dib dhaarintiisana waxaa goobti Xafladu ka socotey ka bilowdey Sawaxan kale duwan oo Dhaarintiisa ka qeyb galayaashii Xafaladu ku soo dhaweynayeen.
Intaas ka dib waxaa la gudoonsiiyay Calanka Soomaaliya, waxa uuna kor u qaadey isaga oo farxad weyni ka muuqato.
Dhaarin iyo calan siin ka dib waxa uu goobtii ka bilaabey khudbadii ugu horeysay ee uu jeediyo ka dib markii xilka Madaxweynaha Dowlada isku dhafka ah loo dhaariyay, khudbadiisa ayaa ah mid socota.
Barnaamijyada kale duwan ee uu khudbada ka jeediyo iyo sidoo kale wixii kale ee ku soo kordha wararkan ku saabsan Xaflada Caleema saarka Sh shariif sh axmed kala soco warark danbe ee Shabakasa Somalimirror.com

Related posts: