Sh. Shariif oo ku guuleystay Madaxweyninimada DKMG ah & Nuxurka Khudbadiisa.

Published on January 31, 2009 by   ·   35 Comments   ·   print

Sh Sharif oo Madaxweyni Nimada u taagan

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guuleystay Markii ugu horeysay Doorashada Madaxweynaha DKMG ah Mudada 2-da sano ee soo socota.(Daawo Sawirada)

Sheekh Shariif ayaa ku soo baxayWareegii 2-aad ee Doorashada Madaxweynaha oo bilaabatay 01:00 Saqdhexe xiliga Dalka Djibouti oo ay isugu soo hareen isaga oo helay 293 Xubnood iyo Maslax Maxamed Siyaad Barre oo helay126 Xubnood.

04:33 Saqdii dhexe xiliga lagu dhawaaqey in Sheekh Shariif uu helay 293 waxaa qeybo badan oo ka mid ah Degmooyinka Muqdisho laga maqlay Rasaas iyo Madaafiic u muuqatay mid loogu Dabaal dagaydo Guusha Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

2 warqadood ayuu sheegay Aadan Madoobe in ay Halowday oo aan loo isticmaalin sidii loogu talo galay.

Dhismaha Xukuumada Cusub

Sheekh Shariif oo Guushiisa ka dib Kalimad gaaban ka hor jeediyay Baarlamaanka isku dhafka ah ayaa ugu horeyba sheegay in uu sida ugu Dhakhsaha badan u soo Magacaabayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadiisa isla markaana uu soo magacaabayo Ra’isul Wasaare Tayo Awoodna u leh in uu qabato waxa laga doonayo.

Xoogaga Muqaawamada

Sheekh Shariif ayaa sheegay in uu Dadaal u gali doono daminta Colaada ka jirta Soomaaliya, wuxuuna ugu Baaqey xoogaga Muqaawamada ee ka soo horjeeda Heshiiska iyo Natiijada ka soo baxday inay ku soo biiraan, wuxuuna yiri”Waxaan rabaa inaan idinkugu Bishaareeyo sidoo kale Colaada ka jirta Dalka Soomaaliya inaan Dadaal ugali doono insha allaah, Dhamaan Walaalaheena ka soo horjeeda ee Hubka sida ee ka soo horjeeda Proceskan waxaan leenahay ku soo biira waa Walaalihiina Gacmaha ayaan idiin taagaynaa ku soo dhawaada”.

Dowladaha Dariska

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qaabka uu ula dhaqmayo Dowladaha Dariska ah waxaana uu yiri”Sidaas oo kale Dowladaha Dariska na la ah waxaan leenahay waxaan diyaar u nahay Bariga Afrika oo aamin ah oo daris ah oo ay u dhaxeyso iskaashi iyo wax wada qabsi iyo is-ixtiraam”.

Beesha Caalamka

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka hadlay Beesha Caalamka iyo siday ula dhaqmeyso Shacabka Soomaaliya waxaana uu yiri”sidaas oo kale Caalamka waxaan rabaa inaan u sheego Somaliya Meel Caalamka looga Duulo ma aha, waxaa Degan Dad Masaakiin ah oo Dhibaateysan oo Nabad Naftooda u raadinaya”.

Fahamka Diinta

Sheekh Shariif ayaa si kulul uga hadlay Fahamka Diinta islaamka waxaana uu yiri”waxaan ku dadaali doonaan Insha Allaah, Fahamka Qaldan ama Tarjumaada Qaldan ee Islaamka laga bixiyay in si sax ah ay u dhacdo Insha Allaah”.

Mustaqbalka Dowlada

“insha allaahu Dowladan waxay hor-seedi doontaa Nabad waarta oo ka dhacda Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isku dhafka Baarlamaanka

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa Balan qaaday in Baarlamaanka ay isku darsadeen Isbahaysigooda iyo DKMG ah aan lagu sameyn wax kala sooc ah isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yir”Waxaan idiin balan qaadayaa insha allaah, Maadaama Baarlamaankii la mideeyay in Sida loo mideeyay ay ahaadaan oo wax kala sooc la yiraahdo aysan ka dhex dhicin Baarlamaanka Dhexdiisa Cid la arkana la siiyo Ahmiyada iyo Xuquuqda ay leedahay Insha Allaah”.

La Dagaalanka Musuq-Maasuqa

“Waxaan dhici doonin Insha Allaah Awood Maroorsi, waxaan Dhici doonin insha allaah Musuq-maasuq, Waxaan dhici doonin insha allaah in laga gaabiyo Mas’uuliyada Dusheena Saaran”.ayuu yiri Sheekh Shariif.

Rajada Sh. Shariif

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale u rajeeyay Umadda Soomaaliyeed Nabad iyo Midnimo”ugu Danbeyntii ilaahay SW waxaan ka baryayaa Umadda Soomaaliyeed in uu Nabad u keeno Midnimadoodiina soo celiyo, Barwaaqo iyo horumarna gaarsiiyo, Dhibaatadeena Insha Allaah tii soo gabo gabowdo oo soo gabo gabeysa Dowladaan ilaahay ka dhigo, Dowlada soo socotana aad ku dooratiin Insha Allaah Dalka Dhexdiisa”.

Hanbalyada Maslax Siyaad Barre

Maslax Maxamed Siyaad Barre ayaa u hanbalyeeyay Guusha Sheekh Shariif waxaana uu yiri “”Madaxweynaha Sheekh Shariif Waan u hanbalyaynayaa sida uu ku guulaystay waadna mahadsantihiin”

Xaflada Caleema Saarka

Gudiga Doorashada ayaa sheegay in Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ay ka dhici doonto Barito oo Sabti ah Taariikhdu markay tahay 31-/01/2009 Hotel Kempsink ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Milatariga Dalka Djibouti ayaa diyaariynaya isla Caawaba Taandho weyn oo la sheegay in loogu talo galay in lagu qabto Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha halkaasi ka soo baxaya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa hor yaala Caqabado fara badan oo dhanka Siyaasada iyo Amaanka la xiriira.

Fadhiga Baarlamaanka

Fadhiga Baarlamaanka

Midig:- Nuur Cadde, Sh Shariif, Azhari

Midig:- Nuur Cadde, Sh Shariif, Azhari

Musharaxiinta

Musharaxiinta

Sh Shariif oo Booskii C/laahi Yuusuf Taagan

Sh Shariif

Codbixiyayaasha

Codbixiyayaasha

Qaar ka mid ah Musharaxiinta

Qaar ka mid ah Musharaxiinta

Gudoonka Baarlamaanka KMG ah

Gudoonka Baarlamaanka KMG ah

Sh Shariif iyo Azhari

Sh Shariif iyo Azhari

Goob Joogayaal

Goob Joogayaal

Sanaadiiqdii Codbixinta

Sanaadiiqdii Codbixinta

Wakiilada Sh Shariif & Maslax Siyaad

Wakiilada Sh Shariif & Maslax Siyaad

Maslax Siyaad

Maslax Siyaad

Axmed Walda C/lle

Axmed Walda C/lle

Xubnaha Baarlamaanka

Xubnaha Baarlamaanka



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh Shariif oo yimid Muqdisho
  2. Sh.Shariif oo goordhaw ka soo dagaya Garoonka Muqdisho
  3. Sh. Shariif oo Yimid Muqdisho isaga oo Amaankiisa aad loo adkeynayo.
  4. Sh.Shariif oo isku soo sharaxay Madaxweynanimada DKMG ah
  5. Sh. Shariif oo u dhoofay Djibouti & Cumar Xaashi oo ku haray Baladweyne

Readers Comments (35)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Shariif oo yimid Muqdisho
  2. Sh.Shariif oo goordhaw ka soo dagaya Garoonka Muqdisho
  3. Sh. Shariif oo Yimid Muqdisho isaga oo Amaankiisa aad loo adkeynayo.
  4. Sh.Shariif oo isku soo sharaxay Madaxweynanimada DKMG ah
  5. Sh. Shariif oo u dhoofay Djibouti & Cumar Xaashi oo ku haray Baladweyne

Latest Headlines