Dowlada Masar ayaa sheegtay Doorashada Xilka Madaxweynaha ee loo doortey Sh Shariif, arintaas oo ka dhalatey ka dib markii la dhisay Baarlamaan isku dhaf ah oo ka kala yimid DKMG ah iyo ARS/garabka Jabuti.
Afhayeenka rasmiga ee wasaarada armiha dibada ee Dalka Masar Xasaam Zaki oo Maanta Saxaafada la Hadley ayaa sheegay wasiirka umuuraha dibada ee dalka Masar Axmed Abu-geyd inuu tahniyad u direy Shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku hadlaya afka dowlada iyo shacabka reer Masar, waxa uu sidoo kale sheegay inuu u rajeynayo inay dhameystirtaan qeybaha kale ee nabadeenta dalka ka dhiman si ay u gaaraan dowlad loo dhan yahey oo dib u dhiska dalka iyo nabadeentiisa ka shaqeysa.
Waxa kale oo uu intaa ku darey Axmed Abu-geyd inay dowladiisu diyaar ula tahey dowlada KMG ah ee la soo dhisi doono dhan walba inay kala qeyb qaadato si nabad gelyo buuxda dalka loogu soo dabaali lahaa, sidoo kalena kala shaqeyneyso dib u dejinta iyo dhisida ee dalka, wuxuuna u rajeeyay inay wada hadal ku dhameystaan khilaafaadka yar yar ee dhex yaala.
Dhanka kale Xazaam Saki ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dowlada cusub ee la soo dhisayo marxalada cusub ee tan xigta inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolka sidoo kale deris wanaag iyo wixii jira ee khilaafaad ah wada hadal isku dayaan inay ku dhameeyaan.
Waxa kale oo uu intaa ku darey shucuubta kale duwan ee mandiqada degta inay ka soo daashey dagaalo kale duwan oo aafeeyay hor markooda, loona baahan yahey inay ka faa’iideystaan kheyraadka kale duwan ee dhulkooda ceegaaga si dib u dhis guud oo dhan walba ah u sameeyaan.

Related posts: