Doorashada Sh Shariif oo G/Hiiraan laga soo dhaweeyay

Published on January 31, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne waxaa Maanta ka dhacdey dibad baxyo balaaran kuwaas oo ka dhacdey Xarunta Gobolka, waxaana soo abaabuley Maamulka halkaa ka arimiya ee hoos taga MMIS.

Waxaana goobta uu isa soo baxu ka dhacey isugu yimid qeybaha kale duwan ee bulshada halkaas ku dhaqan oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ee MMIS.

Madaxada Maamulka Gobolka Hiiraan ee MMIS oo goobta isu soo baxu ka dhacey ka Hadley ayaa sheegay inay si aad ah u taageersan yihiin Doorashada Sh Shariif iyo xilka Madaxweyne ee loo doortey.

Waxa kale uu sheegay inay la shaqeyn doonaan, ayna soo dhaweynayaan Barnaamijka Dibu heshiisiineyd iyo Nabadeed ee uu wado Sh Shariif, dhankoodana ay kala qeyb qaadan doonaan hirgelintiisa.

Sidoo kale waxaa goobta isu soo baxa ka dhacay ka Hadley Xaaji Maxamuud Xooshow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, waxa uu sidoo kale sheegay inay taagersan yihiin ayna soo dhaweynayaan lana shaqeyn doonaan.

Qeybihii kale duwanaa ee ka Hadley goobta isu soo baxu ka dhacey, waxa ay ugu baaqeen Dadkii Rayidka ahaa ee halkaa isugu soo baxey inay taageeri u muujiyaan lana shaqeeyaan Sh Shariif maadaama uu sheegay Dowlada uu hogaanimanayo inuu ku dhaqayo kuna hagayo Shareecada Islaamka.

Sidoo kale isu soo baxyo balaaran ayaa ka dhacey qaar ka mid ah Degmooyinka kale ee Gobolka hiiraan sida Buulo, Jalalaqsi iyo jawiil, kuwaas oo dhamaantood lagu soo dhaweynayey Doorashada Sh Shariif iyo Dowlada uu hogaaminayo.

Ujeedka Nuxurka isu soo baxyadaas ka dhacey Degmooyinka qaar ee Gobolka Hiiraan ayaa ahaa taageerida Sh Shariif iyo Barnaamijka dibu heshiisiineyd ee uu hor kacayo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. G/Hiiraan oo laga soo Dhaweeyay Bixitaanka Itoobiya
  2. Xukun Tacsiir ah oo lagu fuliyay Ragii horey u afduubey Gudoomihii Waxbarashada ee G/Hiiraan
  3. Sh Shariif oo Ol-olihiisa Doorashada Bilaabey
  4. Gobolka Sh/Dhexe oo Sh Shariif laga taageeray.
  5. Doorashada Sh Shariif & Aragtiyada Dadka Reer Baydhabo.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. G/Hiiraan oo laga soo Dhaweeyay Bixitaanka Itoobiya
  2. Xukun Tacsiir ah oo lagu fuliyay Ragii horey u afduubey Gudoomihii Waxbarashada ee G/Hiiraan
  3. Sh Shariif oo Ol-olihiisa Doorashada Bilaabey
  4. Gobolka Sh/Dhexe oo Sh Shariif laga taageeray.
  5. Doorashada Sh Shariif & Aragtiyada Dadka Reer Baydhabo.

Latest Headlines