Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa Maanta ka dhacey dibax baxyo kale duwan oo lagu taageerayo Sh Shariif Sh Axmed, kuwaas oo ahaa kuwo ayna cidna soo abaabulin basle dadkii isugu soo baxey si iskood ahaa kuwo isu soo abaabuley.
Degmooyinka ay dibax baxayaashani ka dhaceen waxaa ka mid ah degmooyinka shibix C/casiis, Boondheere, Kaaraan iyo yaaqshiid, waxa ayna isugu jireen dadkii halkaa isugu baxey qeybaha kale duwan ee bulshada, oo ay ku jireen ardey.
Waxa ay wateen isu soo baxyaaashu boodhadh ay ku qoran yihiin ereyo lagu taageeayo sh shariif, sida:- Noolow sh shariif, Noqo Dadkiisa iyo Dalkiisa Shareecada Islaamka ku maamula.
Waxa ay sidoo kale wateen boorar Sariwadiisu ku dhegsan yihiin waxaa sidoo kale wadooyinka wareegayey baabuur cod baahiyayaal lagu rakibay lagana sii deynayey erayo Sh Shariif lagu taageerayo.
Isu soo baxayaasha ayaa wadooyinka qaar ee degmooyinka ay isugu soo baxeen ahaa marba dhinac kuwo u qaadayo kuna hadaaqayey ereyo kale duwan oo taageerada Sh Shariif ku muujinayeen.
Dibax baxayaashayan ayaa qeyb ka ah, kuwo sidoo kale ka dhacey Goblada qaar ee dalka sida Gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan kuwaas oo dhamaantood lagu taageerayey Doorashada Sh Shariif.

Related posts: