Sh. Shariif oo Goordhaw la dhaarinayo

Published on January 31, 2009 by   ·   5 Comments   ·   print

Wixii ka bilowda 09:00Am ee xilliga dalka Djibouti waxaa loo madlan yahey dhaarinta Sh Shariif Sha Axmed oo xaley Baarlamaanka isku dhafka ah u doortey Madaxweynaha DKMG ah.

Xafkada lagu dhaarinayo Sh Shariif ayaa sida lagu wado waxa ay ka dhaceysa Hotelka uu Magaalada ka degan yahey ee Hotel Kempinski.

Waxaa lagu wadaa Xaflada inay ka soo qeyb galaan qaar ka mid ah Dowladaha Caalamka ugu waaweyn, sidoo kale waxaa ka soo qeyb gelaya Urur Goboleedyo kale duwan.

Waxaa la filayaa halkaas in laga jeediyo Khudbado kale oo ku aadan u doorashada Sh Shariif Madaxweynaha DKMG ah ee isku dhafka.

Ka dib dhaarintiisa waxaa lagu wadaa inuu u dhoofo dhanka Dalka Itoobiya oo uga qeyb gelayo shir Ururka Midowga Afkrika halkaas uga furmaya, waxa ayna noqoneysa inta la ogsoon yahey markiisii ugu horeysay oo uu Addis Ababa tago ugana qeyb galo Shir Goboleed Caalami ah.

Si Ninkii ku soo baxa Xilka Madaxweynaha ee DKMG ah uga qeyb galo shirka Ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa, ayaa ka mid ahaa Sababaha keenay in Doorashada la dadajiyo.

Shirka Ururka Midowga Afrika Umuuraha looga hadlayo waxaa ka mid ah kuwa Somaaliya oo aan la ogeyn waxa ay uga duwanaan doonaan Shirarkii hore.

Waxaa sidoo kale aan la ogeyn Sh Shariif Barnaamijka u qorsheysan inuu hor dhigo Madaxda Midowga Afrika ee uu kala qeyb galo Shirka Addis Ababa.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay indhaha ku hayaan talaabooyinka ugu horeeya ee Sh Shariif qaado, inay ka duwanaan doonaan Madaxdi isaga ugu horeysay DKMG ah iyo in kale, sidoo kale waxa uu ku soo kordhiyo Saxaada Siyaasadeed ee Soomaaliya ee jaha wareerka badani ka buuxo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh.Shariif oo goordhaw ka soo dagaya Garoonka Muqdisho
  2. Xubnaha ARS-ta Garabka Djibouti oo la dhaarinayo.
  3. Sh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo oo Nairobi gaarey
  4. Wiil dhalinyaro ah oo Goordhaw lagu toogtay Baydhabo
  5. Shirka Djibouti oo goordhaw Furmaya

Readers Comments (5)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh.Shariif oo goordhaw ka soo dagaya Garoonka Muqdisho
  2. Xubnaha ARS-ta Garabka Djibouti oo la dhaarinayo.
  3. Sh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo oo Nairobi gaarey
  4. Wiil dhalinyaro ah oo Goordhaw lagu toogtay Baydhabo
  5. Shirka Djibouti oo goordhaw Furmaya

Latest Headlines