Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa musharaxiinta isku soo sharaxay madaxtinimada DKMG ah ee isku dhafk ah laguna wado in lagu soo jagleelo jabuuti ayaa maanta khudbad oo ka horjeediyay xubnaha baarlamaanka waxa uu ku cadeeyay in uu tartankasi gabi ahaanba ka hadhay.
Maxamad Qanyare ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka tanaasulay musharaxnimadiisa , khudbada uu oo jeediyay ayaa ku saabsaneyd soo bandhigiisa waxqabadkiisa siyaasadeed ayaa isku rogtay in uu ku cadeeyo istaqaaladiisa.
Maxamed Qanyare is casilaadiisa ayaa qeyb ka noqoneysa tanaasul ay sameeeyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta isku soo taagay madaxtinimada DKMG ah ee ay sida wada jirta ka u so dhisanayaan ARS-ta Jabuuti iyo DKMG ah.
Warka ka soo baxay Maxamed Qanyare ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in xubno kale oo ka mid ah musharaxiinta ay ku dhawaaqi doonaan ka noqoshadoda musharaxnimo kadib markii sida ayay wararku tibaxayaan ay waayeen taagooro dhanka xunbaha codka dhiibanaya ah.

Related posts: