Madasha Shirka Dibouti waxaa si xoog ah uga socda Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha iyo waliba Ololaha ay wadaan Musharaxiinta u taagan jagadaasi kuwaas oo ay ugu Cad cad yihiin Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Djibouti Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Wariye ku sugan Djibouti ayaa sheegay in ay si wayn u socdaan kala jiidashada Xubnaha Baarlamaanka waxayno ilo wareedyo lagu kalsoonyahay sheegayaan in ay arintaasi ku lug leeyihiin Beesha Caalamka oo iyagu wata sida la sheegayo xubno ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha.
Isla ilahaasi ayaa sheegay in Dowlada Djibouti ay Ciidamo badan oo kala duwan isla markaana hubaysan ay ku daadisay Madasha Doorashada kuwaas oo si weyn u sugaya Amaanka waxayna ciidamadaasi Baaritaano xoogani ku hayaan Dadka ku sugan goobtaasi iyada oo ay mararka qaar culaysyo saarayaan Dadka wata kaarka ka qeyb galayaasha.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isagu sheegay in haddii la doorto uu dalka ku dhaqayo Shareecadda islaamka halka Nuur Cadana uu sheegay in haddii la doorto uu ka shaqeynayo sidii uu u hor marin lahaa dalka halka Cali Khaliiif Galayr oo isaguna ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad uu sheegay in Talaabada koobaad ee uu qaadayo ay noqonayso Nabad Galyada.
Dhanka kale waxa loogu yeero Ururada Bulshada Rayidka ayaa maanta olole xoogan u galay in 75-ta xubnood e la siiyay lagu daro Baarlamaanka si ay uga qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha balse ilo ku dhadhaw Ururadaasi ayaa sheegay in la isku afgartay in aysan Doorashadani ka qeyb gali Karin.
Isku soo duuboo Madaxweynaha ku soo baxa Doorashadani oo ay ka dhimantahay saacado kooban ayaa waxa hor yaala arimo ay ka midyihiin:- Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed oo intooda badan ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan, Dowladaha Dariska iyo Ciidamada AMISOM oo ah Ciidamada Shisheeye ee ku haray Gudaha Soomaaliya.

Related posts: