Guriga Umadda Djibouti waxaa si rasmi ah uga bilowday Codaynta Madaxweynaha ay sida wada jirka ah u dhisanayaan Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Djibouti iyo DKMG ah.
Xasan Abshir Faarax oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday 06:55 Makhribnimo xiliga DJibouti in uu ka haray u tar-tanka Xilkaasi.
11 Musharax oo kaliya ayaa illaa iyo hadda isku soo haray waxaana horey uga haray Musharaxiin ay ka mid yihiin:- Cali Maxamed Geedi, Maxamed Qanyare Afrax iyo Xasan Abshir Faarax.
Axmed Waldu Cabdda ayaa kalimad uu u jeedinayay Baarlamaanka waxa uu shaaciyay in Dowlada halkaasi lagu soo dhisayo laga rabo in ay ku shaqeyso Caasimada Muqdisho.
Xubnaha Baarlamaanka qaarkood oo aan ka qeyb galin Dhaarintii hore ayaa 06:40 makhribnimo la dhaariyay.
Afahayeen u hadlay Ururada Bulshada Rayidka oo kalimad la siiyay intii ay socotay Codeynta ayaa sheegay in aysan iyagu ka qeyb galin Codeynta Doorashada maadaama aysan wali ku soo darsan 75-tii xubnood ee loo qoondeeyay in ay ku soo darsadaan Baarlamaanka waxayna ku shegeen in arimo farsamo owgeed ula dib dhaceen.
Hoolka ay Doorashadu ka socoto waxaa goob joog ah Q.M, Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, IGAD, Dowlada Djibouti, iyo Diblomaansiyiin kale.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka ee Goobta fadhida ay gaarayaan 420-xubnood.
wixii ku soo kordha Codeyntani dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

Related posts: