Gudiga Culimada & Musaalaxada oo Baaq u Jeediyay Xoogaga Muqaawamada.

Published on January 13, 2009 by   ·   14 Comments   ·   print

Gudiga Culimada iyo Musaalaxada oo Maanta ka Hadley bixitaanka Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa baaq u jeediyay Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed, waxa ayna ugu baaqeen inaaney dhexdooda isku dhicin, is kana ilaaliyaan wax walba oo keeni kara isku dhacyo.

Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Gudiga Culimada oo saxaafada shi Jaraa’id u qabtey, la dardaarmayeyna Xoogaga Muqaawamada ee kale duwan ayaa yiri:”Dhamaan xoogaga Muqaawamada ah inay ku dadaalaan sidii Amniga iyo degnaanshaha Goobahaas loo sugi lahaa, iskagana ilaalin lahaayeen, waxyaalaha keeni kara isku dhaca keeni kara amaba Finto abuuri kara ama isfahaan la’aan calaamad la’aan u noqon kara, inay iska ilaaliyaan in lagu kala ardo, ama lagu kala baratamo, in meelahaas Cadowgu ka baxey la qabsado ama la jog joogo, keliya inay ka tashadaan oo iska arkaan dhamaantood sidii amniga u wada sugi lahaayeen oo shacabka ummada ugu khidmeyn lahaayeen”.

Sidoo kale Sh Nuur Baaruud oo ah Afhayeenka Gudiga Culimada iyo Musaalaxada oo sidoo kale baaq u direy Xoogaga Muqaawamada ayaa yiri:”Maalmahan waxaa jirey dareen badan oo ah, Dadkii Mujaahidiinta ee cadowga iyo Gaalada la dagaalamayey inay iyagii isku noqdaan oo is laayaan, ama tartanka xeryaha ama waxyaalo kale oo Saaxada badan oo saaxada yaala, waxaan laanahey, waxaan ka digeynaa, hadii awal loo dagaalamayey in Shahiid la noqdo ama Jano la galo, inaan Cadaab maanta Boqol soon ku afur la noqonin oo Naarta Ilaahey aan lagu daadanin taasaan ka digeynaa nin walba inta uu qumanihiisa qoorta ugu jira, uu yiraahdo xaq baan ku socdaa, wixii iga hor yimaadana waan dili oo sidaa dhiiga Muslimkaa ee Soomaaliyeed lagu baneysto ama Mujaahidiinta dhexdoodaba waxaa weeye arintaa digniin adag baanu ka bixineynaa, cabsi ilaahey bayna u baahan tahey, Sharciga dib haloogu noqdo Culimada wax ha la weydiiyo Fasaadka Umada ha laga ilaaliyo iyo dhiig meesha ka daata, amniga nin walba siduu u sugi lahaa, hadii qoryaha aanu u wadney in diinteena wadanka uu ku xumado, inaan shacabkeena bad baadino, waxa weeye halkaas uun aanu ka wadno, laakiin fitno iyo dagaal taas aad ha looga digtoonaado”.

Waxa uu sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hanbalyeeyay bixitaanka Ciidamada Gumeysiga Itoobiya waxa uuna yiri:”Shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan, meel kasta oo aduunyada ay ka joogaan, waxaan ugu hanbalyeynayaa, kheyrkan maanta bilowdey bilowgii kheyrka inay tahey cadowgii oo maant wadanka ka baxaya, waxaanan rabaa guud ahaan umada Soomaaliyeed inaan xasuusiyo, wadanka Soomaaliyeed taladiisa iyo maamulkiisa wadaado keliya inaaney laheyn, qof qori wata keliya inaanu laheyn, Shacbiga Soomaaliyeed meel uu joogo gudo iyo dibadba talada wadanka iyo sidii sharciga ilaahey isugu xukumi laheyn, maamul adag sideynu u dhisan laheyn waa talo Umadda Soomaaliyeed u wada taala, taladaana waa loo baahan yahey, walina howlihii ma dhamaanin”.

Guud ahaan Hadalka Gudiga Culimada ayaa qeyb ka ah, Baaqyo kala duwan oo tan iyo maanta xoogaga Muqaawamada Garabyadooda kala duwan loo jeedinayo.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xubno ka socda Gudiga Culimada ee Sixitaanka iyo Musaalaxada oo Jowhar gaarey.
  2. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixidda oo Bayaan ka soo saaray kala Qabsiga Magaalooyinka & Arimo kale.
  3. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixida oo Bayaan ka soo saaray Xaalada Dalka
  4. La Wareegida Xoogaga Muqaawamada ee Gobolka Sh/Hoose oo La Soo Dhaweeyay
  5. Baaqyo loo jeediyay Xoogaaga Muqaawamada & Shacabka Soomaaliyeed

Readers Comments (14)

  1. Cusman Janan says:

    AS CWW walaalayaaloow aan dhamaanteen Maqalno Culimmada iyo wax garadka soomaaliyeed ee wanaaga iyo khayrka ku baaqaya isla markaana aan dhawrono mirraha Jihaadka. Mirraha jihaadka lama illaalin karo haddii Mujaahidintu is laayaan Illahay maqadaree walaahi waan illmayn cabsi aan ka qabo in ay dhacdo darteed. Walaalayaaloow raggiinii (mujaahidinta) ee ka qayb galay jihaadkii Iidaale, Daynuunaay, kuwii Muqdisho 27 march-1april 2007 kii sagaalka barri iyo intii kadanbaysayba dhiigiina ayaan ku xorownay ee walaalayaalow Illaah ayaan idinku dhaarshee Ha isku daadinina dheeg kale oo muslimna haddaadina. Somalimirror waxaan idinka Codsanayaa in Madaxda kala duwan ee Muqaawamada meel kasta oo ay joogaan aad siku daynaan in aad gaartaan aadna u muujisaan darreenka shacabka taasina waa asxaan aad iyaga iyo ummada oo dhan u samaynaysaan. Runtii dadaalkiinana waan idinku amaanayaa.

  2. shahiid says:

    MASHA ALLAH\
    ilaah ha idinka abaal mariyo degniintiina waa mid aad u fiican laakin waxaan ka baqi in degniinta culumada dhagaha faraha laga gashto oo mujahidiinta isku dhacaan
    ilaahow ka bad baadi in mujaahidiinta somaliyed is dagaaal
    AMIIIIIIIIIIN

  3. wadaad yare says:

    Waan dhegeystey sheekha hadalkiisa waanan ku diirsadey. Markaan waa in caqliga wanaagsan shaqeeyo oon ilaaheyna ka baqno lafaheenana u naxno.

    Culimada iyo wax garadka kale waxaan dhalin yarada xamaasadeysan ogeyn ayey ogyihiine ha la maqlo waanadooda.

  4. Deeq says:

    Asc,wadaad yare waan ku salaamayaa waa ilaahay mahadii mar hadii cadawganagii soo jiraanka ahaa daba jeediyey alle fadligiis,mujaahidiintii oo midaysana ay amnigii sugayaan si wadajir ah anaga fadhi ku dirirka ah aanu ku faraxsanahay guushaas alle nagu galadaystay nooguna soo dhiibay mujaahidiinta waa inaan allah ku mahdinaa kuna shukrinaa in badan una ducaynaa in alle mideedo mujaahidiinta soo jihaaday in alle tawfiiqda waafajiyo aysan noqonin siday gaalo moodaysay haday cararaan inay muqdisho noqonayso allah ha noo daa,imo nasrigaas uu na siiyey.

  5. kudarso says:

    BISMILLAH.

    A.W.WABARAAKTUHU.

    KU SOMALIMIRROR.

    wallalayaaloow miyeeydaan sawiro ka soo helayn, aanu aragno shucuurta shacabka walaaladay ah ee muqdisho ku sugnaa, intaasi soomaalimirror ayey ku socotaa.

    waxaan odhan karaa guushii lagaadhay, bacda ALLAH(SBXAANAH) waxaa qayb wayn ka qaatay shacabka muqdisho degan, sabirka iyo garab istaaga waxayna noo noqotay MUQDISHO=MADIINA annaga soomaali ah, iyo shacabka raaskanbooni iyo jubada hoose degan oo iyaguna godkii nebigu galay annaga noogu dhiganta oo ALLAH ku badbaadiyey diitiisa iyo dadkiisaba.

    labdan shacabi sidii ansaar ayey mudan yihiin in loo abaal mariyo, in badana loo cudur daaro, sidii nebigu asxaabtiisa qaybtii beder ugu cudur daari jiray si kabadan inta kale.

    YOOWM-ULFURQAANKII SOOMAALIDA LABADAAS GOOBOOD AYAA NOO GALAY ANAGA, DAD NAGA KARAAMA BADAN BAAD TIHIINE ALLAH HA IDIIN SIYAADIYO.

    REER MUQDISHO IYO REER JUBADA HOOSE.

    WABILLAHI TAWFIIQ.

  6. FARTAAG says:

    Shiikh Shariif shiikh Axmed Shumac u ifaya Shacbka Soomaaliyeed.

    Shiikh shiikh axmed oo haatan ah Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta somalia ahaana gudoomiyaha golaha Maxaakiimta Soomaaliya ayaa malaayiin somalia ah waxa ay weli la ilmeynayaan isbadalkii ku dhacay shucladii uu ka shiday Koofurta soomaaliya isaga iyo ahlukheyr fara badan taas oo ay ku najaxeen Umada soomaaliyeed, looguna magac daray Lixdii bilood ee Liibaanta iyo Kheyrka.

    ka sokow Talabooyinkaas iyo wixii ka dambeeyey haatan shacbiga somaliyeed waxa ay ku dhmaadeen Dagaalo aan dhamaad laheyd, taas oo ay horseed ka aheyd Dowladda Federalka oo baabi;inta Dalka iyo Dadkaba u adeegsatay Dowladda Itoobiya oo aan ognahay cadowtooyada soo jireenka ah ee nagala dhaxeyso.
    Dadkeenii waa qaxeen, gardaro ayaa loo laayey, cuuryaamiin ayaa qaarkood laga dhigay, kuwa kalana waa la caburiyey, waxaana iska cad intaas oo dhan in aan xal looga gaari karin dagaalo joogto ah oo ah kugu dhimatay kaa dhimatayah , waxaana lagama maarmaan noqotay in la xelo xeelad kale oo umadana lagu badbaadin karo Heeryada gumeysigana la isaga qaado.
    waxaa jirta qiso gaaban oo sheeko ah taas oo laga soo wariyey Oday nabadoon ahaa, kaas oo xiligaas dagaal ba’an la gashay beeshiisa beel kale, waxaa la isku dayey in dagaalka la joojiyo lana hishiiyo, hase yeeshee kaaba qabiilka beesha kale ayaa soo jeediyey in hadii nabad iyo hishiis in lagu wada noolaado la rabo marka hore loo baahan yahay Kaaba qabiilka beesha ka soo horjeeda uu kabihiisa afka ku soo qaado lana soo gogol galo, markaas ayey nabad dhankooda ka imaan kartaa, hadiise uusan arintaasi sameyn ma jiri doonto nabad laga sii xaajoodo.
    Kaaba Qabilkii lagu yiri kabaha afka ku soo qaad ayaa fekeray waxa uuna la tashaday Tolkiisii waxa ayna ka galiilyoodeen erayga ka soo yeeray kaaba qabilka beesha ka soo horjeeda waxa ayna kula taliyeen in uusan yeelin ayna dagaalamayaaan inta gabari ka nooshahay, hase yeeshee kaaba qabiilkan isaga oo fiirinaya dhiiga daadanaya ayuu si loo kala badbaado waxa uu go’aansaday in uu kabaha afkiisa ku qaado isaga oo fiirinaya waxa baaqanaya.
    waxaana qisadaas u soo qaatay Somalia maanta waxa ay ku jirtaa Gumeysi, caalamka oo idilna raali ka yahay, sidaasi daraadeed waxaan garowsanahay dhamaan dagaaladii lala galay Ciidamada Xabashida dadkii ku dhamaaday in ay shacabkeena yihiin, waxaan daah naga saarneyn kolka hal madfac lagu gamo in ay madaafiic jawaab ah ay goobaha dadka rayadka ah ku laayaan, hadaba si arintaasi looga gaashaanto sow ma haboona in l;a helo xal shacabkeena dhiigiisa lagu badbaadin karo dalkana lagu xoreyn karo.
    alay lahe jawaabtu waa haa, waxaana qof kasta oo Somali ah la gudboon in uu gacan ku siiyo shiikh shariif shiikh Axmed oo run ahaantii somalia maanta u furay baal dahab ah taas oo xiligan la mid ah tabihii 13-kii dhalinyaro ee SYL, maanta Shiikh shariif waxa uu heystaa kalsoonida int badan shacbiga, waa nin dhalinyaro ah kana soo jeeda Qoys faafinta diinta Islamka Caan ku ah.
    si kastaba ha ahatee Somalia maanta waxa ay u baahan tahay nabad waxaana muhiim ah in caqligu shaqeeyo inta caadifad shaqeyn laheyd, rajada shacabkana waa Shirka Nabada ee Jabuuti oo miro wax ku ool ah ka soo baxo, waxaana hubaal ah in si weyn shacabku ay ugu han weyn yihiin shirkaasi, hase yeeshee anna waxaan Maqalkan ku soo gunaanadaa Shacabkeena waxa ay heleen Iftiinkii ay uga bixi lahaayeen Mugdiga, Jahliga,Colaadaha, iyo cudurada, illaahow shumacaas hanaga damin.

    cabdicaziz mmgb1@hotmail.com

  7. saman,doon says:

    As/ca.
    Walaalayaal qofkasto oo Islam ah oo dibsanayo dhimashada iyo barakaca iyo cadaabka ummaddeenna waa inuu intuu ka awoodo uu u istaago inaanan cadabka iyo ciqaabka Allaah lagu galabsan bixitaanka Amxaaro ee lagu xijiyo cibaado Allah unoqosho mahdin Allaah

  8. abdi2 says:

    Salamun calaykum

    Inshaa Allaah tani waa mirihii ka dhashay gumaysi diidka, iyadoo aan laga yeelin huwantii cadawga inay somaliya guud ahaan hadana reer MUQDISHO gaar ahaan ay rabitaankooda hor-istaagaan, laakiin Alle mahadiis waa lagu hungoobay.

    Dadkii Somaliyeed oo reer Muqdisho garab istaageen markii ay diideen inay u rukuucaan kufaarta soo duushay way xasuustaan gaar ahaan ( REER JUBADA HOOSE) . Abaalmarinta koowaad waxay ka helayaan Alle, midda labaadna shacabka mujaahidka ah ee muqdisho ku dhaqan. Waxaana dhibku muujiyey dadka iyo diinta raba iyo kuwa dal iyo diin midna xeerinayn una muuqda qof walba oo waxgarad ah, hana la ogaado inaysan taariiqdu naxariis aqoon ee ay qolo walba wejiga ka saari doonto waxa ay tahay iyo waxa ay mutaysatay, qaatumadana Alle hanoo wanaajiyo!

  9. qalbifiyoow says:

    ismacuu wawacuu waa waajib sida salaada ookale in culumadda lamaqlo hadalkoodana latixgaliyo ruuxalaale ruuxii culumadda hadalkeeda gaarmarana waa in laqabtaa oogeed laiskaga xiraa maxaayeelay culumadu waa warathatul anbiyaa nabiyadana lagama dhaxlin dirham iyo diinaar ee cilmi ayaa laga dhaxlay marka culumadda halamaqlo hana loodhaga nuglaado madaxana halasaaro waa hadii larabo guul aduun iyo mid aakhiraba waadna mahadsantihiin
    ilaahayna culumadda khayr iyo wanaagbadan haku abaalmariyo aamiin aamiin

  10. Geedi says:

    Culimadu waa wanaagsan yihiin wanaaga ay sheegeen balse waxaa la rabaa inay xaqa cadeeyaan oo garabka shariif inay khaldan yihiin waa la arkaaye sheegaan oo ku dhahaan shariifka ka laabo ku milmidaada dawlada daaquudka iyo raali gelintaada gaalada aduunka ee isku magacowday beesha caalamka hadal hayskaagana ka badal oraahda aad dhahdid ee ay aclaa hay’ah fil caalam.

    sidoo kale inaysan ku degdegin fatwooyinka aysan si fiican u xaqiiqsan ay ka soo saarayaan galguduud.

    galguduud waxaa ku diriray mooryaan gaalo dabada ka riixayso iyo mujaahidiin allaah dartiis xagaas u tagtay oo sharciga allaah dooneysa inuu kor ahaado

  11. Abuu Yaasir says:

    asc wr wb
    xalka soomaaliya wuxuu ku jiraa marxaladan xaasaasiga ah ee aynu hadda marayno hal arin oo keliya sida ay ila tahay:
    arintaasi waxa ay tahay in jawaab isku mid ah looga jawaabo su’aashan((((xabashidi baxdaye maxaa bixiyay ma heshiis bay ku baxday mise darabaadka aan kala go’a lahayn ee mujaahidiinta?)))
    inagoo ah weliba in itoobiya aanay gaadhin ahdaaftii ay ka lahayd duulaanka 99%.
    waxa ay la baxday waa maxay iyadoon gaadhin hadafkeediii.

  12. Adam says:

    Waxaan soo dhaweynayaa hadalka culimada sidoo kale waxaan leeyahay yaasir in uusan kutilmaamin sheikh sharif nin qaldan qofka waa uu qaldami karaa laakin waxaad ogataa in itopiya ku baxday hishiis siduu doona haku yimaado ama gaalo halagala tashado ama besha calamka. waxaad kaloo ogataa waxaad kaloo ogataa in itopia laga bixin kari wayay hal xaro kutaala muqdishu sababtuna waxa ay tahay muqaawamada oo aan wada jir sameysan waxaana kenay in koox kasto ay kooxda kalo uga hormarto in itopia wax lagaarsiyo laakin dhib badan kadhashay waxaan leeyahay waa in latageraa hishiiska jabuuti lana mideyaa mujahidiinta somaaliyeed………….

  13. Degel says:

    Abuu Yaasir,
    Ethiopia Jihaad brakaysan ayaa lagu saaray, laguna saarayaa inta ka hartay.

  14. Ali Faarah says:

    ASC

    Ethiopianka jug weyn oon weligood ka soo kabsan doonin ayaa ku dhacday. Waxaana bilowday xoreynta dhulka somali galbeed, iyo maamulada been beenta ah ee ay ka dhisatay gobolada qaar.

    Waxaa kaloo la rajeynayaa in Ugaandheska iyo Burundiba ay cararaan, haddii kale seefta mujaahidiinta way ku soo socotaa. WSC




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xubno ka socda Gudiga Culimada ee Sixitaanka iyo Musaalaxada oo Jowhar gaarey.
  2. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixidda oo Bayaan ka soo saaray kala Qabsiga Magaalooyinka & Arimo kale.
  3. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixida oo Bayaan ka soo saaray Xaalada Dalka
  4. La Wareegida Xoogaga Muqaawamada ee Gobolka Sh/Hoose oo La Soo Dhaweeyay
  5. Baaqyo loo jeediyay Xoogaaga Muqaawamada & Shacabka Soomaaliyeed

Latest Headlines