Diyaar ay leedahay Shirkada Daallo Airline kana timid Dalka Jabuuti ayaa maanta shil ku gashay Madaarka Magaalada Boosaaso xiligaas oo ay soo caga dhiganeysay waxuuna shilkaas ahaa in Taariyka hore ee diyaarada uu bixi wayaayay ciladaas oo jirtana ay soo caga dhigatay.
Dadka diyaarada saaraa oo aad ugu argagaxay cilada la soo daristay diyaarada ee ah in iyadoo aan taariyada la soo bixin ay iska soo degtay ayaa ahayd naxdita ugu weyneyd ee dadkaa la soo daristay.
Ma jiraan wax dad ah oo ay dhibaato ka soo gaadhay shilka diyaarada ee maanta waxaana isla markii ay diyaarada soo degtay dhulkaba si deg deg ah ugu gurmadey shaqaalaha Madaarka kuwaas oo si deg deg ah dadkii rakaabka ahaa ugu soo daa dajiyay diyaarada iyagoo ka cabsi qaba in uu dab ka kaco diyaarada.
Diyaarada ayay dadkii saaraa waxa ay sheegeen in ay ka soo raaceen Dalka Jabuuti oo ay keentay diyaarad kale oo markii hore ka soo qaaday Dalka Imaaraadka Carabta waxayna dadka diyaarada saaraa isku jireen dad ka yimid wadamada Yurub iyo qaar kale oo ka soo raacay dalka Jabuuti kuna soo jeeday Magaalada Boosaaso.
Qaar ka mid ah dadka saaraa diyaarada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu naxeen shilka la soo darsay Diyaarada ee ahaa in ay caga u bixi waayeen waxayna sheegeen in ay ilaahaygii badbaadiyay ay u mahad celinayaan.
Diyaarada maanta shilka gashay ayaa ah nooca Aduunka laga mamnuucay ee marwadaxada horey ku ku leh waxayna ahayd diyaaradu mid aan sidaa u sii weyneyn.
Waa shilkii 1-aad ee ka dhaca madaarka Magaalada Boosaaso aysan wax khasaaro ah ka dhalan waxayna arinta ku soo beegmaysaa xili madaarka Boosaaso Ran Way-giiisa aan wali la dhisin oo uu jey cad yahay.
ISha Sawirada Horseed Media

Related posts:
ASC
Dhamaantiin waan idin salaamay, salaan kadib Modo aan saa udheerayn ayaan web kiina aan wararka ka akhrisanayay, markaan qiyaasay web macquula ayuu iila egyahay laakiin waxaan aad ulayaabay qoraalkiina oo afsomaligiisu uu khalad badani kujiro, taasna waxaan isdhi waxaa usabab ah iyadoo markaad qortaan aydin dib u-akhriyin waxaad qorteen.
waa wax waxlaga qabankaro iskudaya in aad arinkaa wax kabedeshaan. Wabilaahi tawfiiq.
markahore wan idin salamay
intas kadib wad mahad santihiin
sidaas u shaqeeya saaxiibayaal shaqa wanagsan ayaad haysaan
wan idin salamay marka hore waxaan dhihi karaa waa web macquul ah intaan aqrinayey waxaana idin rajenayaa shaqo wanaagsan iyo warar xaqiiq ah a/c
Waa illah mahadii haduuba rabiga awooda lihi ka bad baadiyay umadii saarneed diyaarada waxay doonaanba ha noqdeen gaal ama muslim laakiin aadmigu uu illah leyaha y loona baahan yahay in leesu gurmado, iyadoon la raaceyn diin iyo isir.