Dagaal ka dhacay Duleedka Kaaraan

Published on January 13, 2009 by   ·   10 Comments   ·   print

03:00 Galabnimo iyo Qadar daqiiqado ah ayaa waxa uu Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ka bilowday Duleedka Degmada Kaaraan kaas oo u dhaxeeya Xoogaga ka mid ah MMIS iyo Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu Bilowday ka dib markii Kolonyo Tikniko ah oo ay leeyihiin Xoogaga MMIS ay gaareen duleedka Kaaraan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah.

Lama garanayo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi balse waxay dadka deegaanka qaarkood sheegayaa in ay arkayeen Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira Dhinacyadii dagaalamayay oo la wado.

Sidoo kale Madfac habow ah ayaa habsaday Dugsi Qur’aan ku yaala xaafada Beexaani, wuxuuna halkaasi ku dilay 4 ardey 10 kalana waa uu ku dhaawacay kuwaas oo ka mid ah ardeydii halkaasi Qur’aanka ku baranaysay.

Dagaalka ayaa soo gabagaboobay abaare 05:00 lamana garanayo ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan.

Dagaalka ka dhacay degmada kaaraan ayaa ku soo beegmaya xilli ay ciidamada gumaysiga Itoobiya faarujiyeen fariisimo ay ku lahaayeen degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal ka Dhacay Duleedka Baydhabo
  2. Dagaal ka dhacey Duleedka Koonfureed ee Baydhabo.
  3. Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baardheere
  4. Dagaal ka dhacay Duleedka Walo-wayan
  5. Dagaal 2-aad oo ka socda duleedka Matabaan

Readers Comments (10)

  1. abu khalid says:

    ina alilah wa ina ailah rajicuun somaliyey ma xabad uunaabaad daba ordeysaan ma inaad leysaan somalidaad uatashteen maadan naxey utureyn somalida miyaadan dooneyn iney kusoo laabtana oo kaqaxay xafadahooda maxaad hada udooneysan degaalkaas mar hadii maanta uu kabaxay wadanka cadowgii mise taas micnaheeda mala dhihi karaa waxaa jira dad aan dan u ahayen nabada waayo soo laabo itoobiya weeye shaley wad ogeydeen mantana wad arkeysaan war ilaah halaga baqo dadkaas masaakiinta ah haloo naxo muxuu ka helyaa maanta qofka sheganaaya muslim oo ba abi naaya caruurta dugsiiliyaasha ah walalyaal aan ilah kabaqno ascwrw b

  2. saciid says:

    asc. yaaab waa kaas waxaan sheegayey. bbc markan DHAGEYSANAYEY WAAN OOYEY SABABTO AH ISLAN AYEEYADEEY OO KALE AH BA BAURUTEY OO KU QEYLINEYSEY. ISDAAAYE HAISDILINE, CADOWGI BAXYAYE YAAN XABAD LEYSKU RIDIN. LAKIIN WAXA SOOBAXAY CAAQNIMADII SOOMALIDA LAGU OGAA. BAL EEGA DUGSI QUR,N AH BAA MADFAC KU DHACAY WAXAA KU DHINTEY 4 CARUUR AH 10 KALANE WAA KU DHAAWACANTEY. HAYE KA SHEEKEEYE RAGIINA WEBKA KU QORO IYAGOO QIIREYSAN ALAHU AKBAR IYO CADOW BAAN DILNAY MAANTA YAAD DISHEEN? WALEE WA AHLU NAAR DADKII DILAY CARUURTA QURANKA BARANEYSEY. DAGAAL AHLI AH BAA SOO SOCDO OO SOOMALI KU DHAMAATO. KOLEYBA WAAN OGAHAY WAXAD SOO QOREYSAN OO WAXAAD DHIHI SIDI ALSHABAB SACID WAA DABADHILIF IWM. MA WAXAAN DABADHILIF KU AHAY RUNTA AAN SHEEGEY+ MISE 4 CARUURTA AH EE QURAANKA BARANEYSEY EE AAD SIDII WARABIHII CUNTEN? AR XISHOODA XISHOODA. YAD HADA LA DAGALAMEYSAAN O AAD XUREYNEYSAAN? AMXAARKII BAX MARKA WAXAN U MALEYNAYA WAXAD XUREYNEYSAAN WAA IN AD CARUURTII HILBOHOODI CUNTAAN IYO DHUL BALARSI. KKKKKKKKKKKKKK CAKUYE NIN SHALAY KITAAB QURAN AH QAATAY UNA QAATAY DAN QAAS AH AMA QABIIL.

  3. shaafici ahmed jama says:

    MUQSISHO WAA INAY KU SOONOQOTAA GACANTA MAXAAKIIMTA IYAGAA XALA

  4. shiikh says:

    ha israacdo diidaye ha israamsatee daa!!!!

    waxaani in ninba maalin dhinto maahee haka yaabina inay isu tanaasulaan wax maxaakim layiraahdana meesha majoogaane waa 20 urur oo midba midka kale kanecebyahay. kuwaas miyaa xal soowadda? markay isjilciyaan oo baa’ba’aan ayaa cadowgu meel cidla ah kaqaadan doonaa. hooyadiin gablantay dheh waa waxaan caqli kale lahayn somali qabiil iyo xin iyo masayr iyo hunguri xumo iyo anaa kaahor cunayee iga danbee aan kadhamaanaynin.

    dagaalka somalia waxaa asal u ah iimaan la’aan siyaad barre ayaa ku habaaray waan dhagaysanayey maalintuu lahaa war xabadda joojiya iimaanka alle idina qaadye habaarkii afwayne ayaa kudhacay wadaad iyo waranlaba wuxuu rabaa midkasta inuu dadka asagu hor cuno.

  5. Geedi says:

    War dadkaaan maxaa isaga dhex yaacsan war waxa diriray hadii ay yihiin MMI IYO Mooryantii dawlada fadarada waligeedba wey dirir jireene maxaa cusub mise dfks ayaa noqotay garabkii shariifyo.

    Hadafka mujaahidiintu wuxuu ahaa in sharci allaah dalka lagu xukumo oo ay ku xukumaan dadka xaqa u leh ethopianka cararayna dagaalkii lagu waday wasiilo ama dariiq hadafkaas loo marayay un buu ahaa waxaa dhiman Mooryaantii gaalada ka darnayd ee tuugada ahayd iyo gaalada ugaandeska iyo burundi marka wali wasiilooyin kale ayaa dhiman ninkii caqli yaroow ah oo shariifyo ay ku dhaheen ethopia kaliya ayaa gaalo ahoo cadow noo ahna ethopia meelo ayeey ka carartay meelona guluf bey ka wadaa ee maskaxdaada ka shaqeysii….

    Maantana shariifyaa ku dhacay shabakadii buushe

  6. wadaad yare says:

    sheekh

    Ha niyad jebin guushana si kasta wax ha u dhacaane waa inaan soo dhaweyno.

    TFG ciidankeeda anigu in lala dagaalo ma qabo hadii Itoobiya meesha ka baxdo, hadeyse isku dhacaan ragii hore dagaalku ugala dhaxeeyey la yaab ma laha iyaduna waa ciidamo dhalin yaro ah oo naceyb badan iyo shaki badan kala qaba.

    Hadii la dagaalo oo leysku gubto xataa ma ahan ínaan niyad jabno. Mar kasta wadadaas waa la mari lahaa, ee marna wadada meeshey ka gaabantahay ayaa looga dhacaa, marna wareeg dheer ayaa loo soo maraa, waxaana asal u ah inaad ogtahay in wadadu meeshaan ka sahlantahay.

    Soomaaliya horumar ijtimaaci ah oo ilaahey lagu mahdiyo ayey ku talaabsatey kaasoo ah inaan maanta dadku isku dileyn yaad tahay?

    Midaan firqooyinka diinigaana iyadana markey tijaabiyaan inaan guul lagu gaareyn dhaqso ayey uga joogsan doonaan. Weliba iyadaa ka dhaqso badnaan doontaa tii qabiilka.

    Guul iyo gobanimo

  7. idman says:

    KU DHALINTA HALKAANA QRISATA

    Ciidamada Dowlada miyeysana dalka udhalan ahayna wiilashii gobalka banaadir ka soo jeeday iyo weliba wiilashii soomaaliyeed ee loo taba bari lahaa dalka , anigu waxaan dhihi lahaa wiilash yaan iska dhamayn ee ha la dhaqan celiyo oo yaan la faquuqin koleyba waan hubaa nimanka dhahaya waa daba dhilifyadii gumaysiga waa indha cade oo ku lah waxaan xalay saqdii dhexe ka saarnay itoobiya xarumihii ay saaka ka bexeen xitaa xishoon maayo weligiis mee jihaad ka socdo ma uusan tegin markaasuu noo sheegayaa anagaa bixinay itoobiya haduu itoobiya bixinaayo imisa sano ayey joogtay soomaaliya joogtay taasna ha u sheego taageera yaashiisa iyo intaan wax fahmayn meelaha uu qabsanayana wuxuu doonayaa jago loo aqoonsado ee aan aragno meeshuu ku dambeeyo af gambarka ma xishoodaha ah dad badan ayaa ku lumi doona hadaladiisaoo wax ma garto qabiilku ka awood badiyey ilaahoow kaas umada ka qabo isaga iyo wixii lamid ahba amiin. .

  8. shahiid says:

    Degaanka Xaliima Hiite ee duleedka Degmada Kaaraan waxaa ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkaasi uu u dhaxeeyay sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah ciidamo kala taageersan dadka degaanka iyo ciidamada Isbaheysiga Dib u xoreynta Asmara ee iyagu ka tirsan garabka Sh. Xasan Mahdi.

    Mudadii uu dagaalka socday waxaa daryanka rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac isweydaarsanayaan laga maqlayay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoona ilaa iyo haatan qasaaraha uu geystay dagaalkaasi la sheegay inay gaarayaan ilaa 6-ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac ka badan toban qofood oo dhaawacyadooda loo qaaday Isbitaalka Keysaney.

    Qasaaraha dagaalka shalay ka dhacay degmada Kaaraan ayaa waxaa ugu darnaa markii Madfac habow ah oo u gudbay degmada Shibis xaafad ka tirsan uu ku dilay ilaa afar caruur ah oo iyagu ku sii socday dugsi Qur’aan ay ka dhiganayeen meel aan ka fogeyn halka uu madfacaasi ku soo dhacay, iyadoona isla goobtaasi ay ku dhaawacmeen dad gaaraya ilaa sided qofood.

    Ciidamada Isbaheysiga Asmara ee iyagu ka horjeeda heshiiskii dalka Jabuuti ka dhacay ayaa la sheegayaa in laba askari looga dilay meel aan ka fogeyn saldhigga degmada Kaaraan, iyadoona dagaalkii shalay looga awood roonaaday oo ay ciidamada degaanka ay haatan gacanta ku hayaan guud ahaan degmada Kaaraan, iyadoona ciidamadii halkaasi soo weeraray loo riixay daafaha hore ee isla degmadaasi.

  9. Cabdullahi says:

    Ereygaan ah (Somaaliyeeey) wax badan waa lagu ceeboobay….war meeshaan xaq iyo baadil baa isku hayee,,,mid raac .
    Teeda kale dagaalka shalay ciidanka SHARIIF iyo ciidanka Nuur cade buu u dhexeeyay..hadaad kanaxaysaan ordoo cimaamada qaata ee dhex gala.
    Weliba aan idiin iftiimiyee Ciidanka Shariif baa lagu bilaabay oo wiil inta la khiyaamay oo loo sheekeeyay baa laba luuq marka laga bixiyay Xabad lagu dhuftay ..Qori BKM uu watayna laga qaatay..markaas bay kuwii Shariif meesha soo weerareen oo lawareegeen saldhigii.
    Ninkii calool uus waxku darsadoowna is qabo.

  10. muslim noqo says:

    innaa lilaahi wa innaa ilihi rajicuun
    war waxaan miyayna dhaman haynin madhiig cabayaalbaa in yar majoogi karaan ayagoon daadin dhiig maxaa yeelay waa waxloo bartay muslim dhigiisna wax ladaadiyo waxa ugu wayn waaye ilahay agtiisa dadkas haday ilahay yaqaanaan kana cabsanayan waxaas mayna sameyen
    war dadkii xikmadii miyay kadhamaatay war dad wax ushega miyayna jirin?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal ka Dhacay Duleedka Baydhabo
  2. Dagaal ka dhacey Duleedka Koonfureed ee Baydhabo.
  3. Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Baardheere
  4. Dagaal ka dhacay Duleedka Walo-wayan
  5. Dagaal 2-aad oo ka socda duleedka Matabaan

Latest Headlines