Nuur Cadde oo kulankii Sanca Ciidamo ku dalbadey

Published on December 31, 2008 by   ·   3 Comments   ·   print

Nuur Cadde oo ka qeyb galey kulanka wadamada la isku yidhaahdo, kulanka Sanca oo ka dhacey dalka Suudaan, magaalo madaxdiisa Khartuum ayaa ka codsadey madaxdii ka soo qeyb gashey, Soomaaliya inay u soo diraan ciidamo nabad ilaalineed.

Waxa uu sidoo kale ka codsadey inay Soomaaliya loo fidiyo kaalmo bani-aadanimo, iyo sidoo kale dowlada ku lugta leh arimaha Soomaalamiya inay ka dhaadhiciyaan sidii Siyaasadooda ku wajahan Soomaaliya wax uga badali lahaayeen, si xaalada cakiran ee jirta wax looga badelo.

Khudbadii uu ka jeediyay kulanka Khartuum ee ay wada lahaayeen wadamada la isku yiraahdo, kulanka Sanca oo ah kiisii 6aad, ayna tahey markii ugu horeysay oo uu ka qeyb galo, ayuu ka sheegay in uu aad uga xunyahey hadalkii dhawaan ka soo baxey Q.M, ee ahaa inaanyn ciidamo Soomaaliya u soo diraan xilligan u diyaarsaneyn.

Nuur Cadde, ayaa sheegay xilligan wadanka Soomaaliya in ayna ka jirin xaalad degenaasho oo aan la isku haleyn karo, ayna ku soo aadeyso iyada oo dowlada Itoobiyana sheegtay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxeyso, arintaas oo keeni karta sida uu hadalka u dhigay, khalal amni, dhanka kale looga fadhiyo fulinta heshiiskii ka soo baxey shirkii dhawaan Jabuti ugu soo wada dhamaadey DKMG ah iyo Isbaheysiga Dibu Xoreynta Garabka Jabuti.

Nuur Cadde oo bixitaanka Itoobiya ka hadlaya ayaa yiri:”anagu go’aanka Itoobiya ciidamadeeda kula baxeyso waanu tixgelineynaa,balse xaalada jirta ee amni marka la fiiriyo waxaa si deg deg ah loogu baahanayo ciidamo nabad gelyo oo Soomaaliya loo sii diro, si khalal amni aanu u dhicin”.

Waxa uu rajo ka muujiyey, Itoobiya meel cidlo ah inaaney uga dhaqaaqeyn inta la helayo ciidamo booskeeda buuxiya, waxa uuna ka dalbadey Midowga Afrika iyo wadamada kaleba inay xoojiyaan ciidamada nabad ilaalineyd ee Soomaaliya hadda ku sugan.

Nuur Cadde oo ka hadlaya ciidamada dhankooda u diyaarsan amaba ay ku talo jiraan inay howl geliyaan ayaa yiri:”waxa ay xukuumadu howl gelin doontaa 5 ilaa 6 kun oo ah Ciidamado amaanka ka shaqeeya, kuwaas oo sidoo kale buuxinaya booska kuwa Itoobiya baneeyaan, iyaga oo gacan ka helaya kuwa AMISOM”.

Dhanka kale Dowlada Eritrean ayuu ku eedeeyay inay qeyb ka tahey mushkilada iyo degenaansha la’aanta Soomaaliya ka jirta, sidoo kalena inay hub siiso xoogaga ka soo horjeeda iyo dicaayaha lagu furayo heshiiskii ka soo baxey shirkii Jabuti.

Nuur cadde oo sii hadlaya ayaa intaa ku darey waxa ay ka sugayaan kulankani inuu yahey kaalmo la taaban karo oo Soomaaliya ay u fidiyaan dowlada ka qeyb galey kulanka Sanca, si xaalada degenaansho la’aaneed ee ka jirta Soomaaliya wax looga qabto si markaa lugaheeda ugu istaagto.

Iscasilaadii C/laahi yuusuf ayuu soo hadal qaadey, waxa kale oo uu heegay in afhayeenka Baarlamaanku arinta sii wadayo inta laga soo dooranayo Madaxweyne beleda C/laahi Yuusuf sida uu hadalka u dhigay.

Heshiiskii Jabutii iyo qodobadii ka soo baxey ayuu dhanka soo hadal qaadey, wuxuuna si gaar ah u tilmaamey xubnaha Baarlamaanka cusub ka mid noqonaya ee Isbaheysiga dibu Xoreynta Garabka Jabuti loogu darey ee gaaraya 275 xubnood, ka dibna 550 xubnood ee Barlamaanku ka kooban yahey ay soo dooran doonaan Madaxweyne iyo Afhayeen Baalamaan, ka dibna la soo dhisi doono Dowlad midnimo qaran ah sida uu hadalka u dhigay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nuur Cadde & Sh. Shariif oo si wada jir ah u dalbadey.Ciidamo Soomaaliya la keeno
  2. Nuur Cadde & Sh Shariif oo si wada jir ah ciidamo shisheeye u dalbadey.
  3. Kulankii ugu horeeyay oo Xukuumada Nuur Cadde yeelatey
  4. Nuur Cadde oo soo Gaaray Muqdisho
  5. Nuur Cadde oo Nairobi kulan kula leh qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka

Readers Comments (3)

  1. qawdhan says:

    walal bal ninka Nuur cadey dhageyta waxa uu ku hadlay ee aan ah EITHOPIA Cidla inagama dhaqaaqayso leh , waxaan leeyahay Ilaahay DULI KAAMA DHIGO ILAA ADIGU AAD ISK DHIGTO , WAXAAN MEELANA KAA DHAQAAQAY WAA ILAAHAY OO KALIYA EE eITHOPIA WAXBA NAMBAD KEENI MAYSO … WAXAAN KU LEEYAHAY ILAAHA KU AABUURAY U TAWBADA KEEN.. ILAAHAYN KU KAL SOO NAW….

  2. Noora says:

    ASC,

    Walaahay waxaa wax lagu qoslo ah Ciidanka Tigreega ma doono hanaga baxaan iska asagii ah Nin sheegta inuu yahay wasiirka koowaad, af buuxa ku yiri Isbahayisiga Sanca, inay Ciidan nabad ilaalin usoo diraan Somaliya.

    waa warey war ninkani waxba Si ka ah, waayo Isbahaysiga la magac baxay Isbahaysiga Sanca, waxaa ka mid ah Itobiya, ma ayaguu iminka u sharciyen inay noqdaan Ciidan nabad ilaalin war fiirsha qabiiliistahaan tolkayga kow kuwa kale waxba igama gelin Tigreega ha sifeeyaane wayba ku cadahay.

    Isbahaysi ku sheegaa waxaa la dhisay mar dhow waxaan ka mid ah dalalka xaaska u ah Busha, kala ah Somaliya, Jibuti, Suudaan, Yaman iyo Itobiya, hadafkiisuna yahay argagixiso la dirir siday shegeene.Balse ay ayagu u yaqaanan argagixiso Xagjiriinta siday sheegeene.

  3. bashir says:

    ascw afar sano kale waqti ku dhumi ciidamo hanaloo keeno yeey markii ugu horeysay ku waashay 20000 ha laisiiyo waxaan ahayn hanala siiyo waxaan ahayn ma yaqaanaan miyaa waxaan maxasta ah kartimaleh dadka ka hortaga dheh dhalinyarada cisigeena iyo kalamitulalah naftooda u huruy kor allaha kayeelo balan waxaa ah hadii aan kadanbeyno inaan wadeyno korin doono ciyaalkey katagaan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nuur Cadde & Sh. Shariif oo si wada jir ah u dalbadey.Ciidamo Soomaaliya la keeno
  2. Nuur Cadde & Sh Shariif oo si wada jir ah ciidamo shisheeye u dalbadey.
  3. Kulankii ugu horeeyay oo Xukuumada Nuur Cadde yeelatey
  4. Nuur Cadde oo soo Gaaray Muqdisho
  5. Nuur Cadde oo Nairobi kulan kula leh qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka

Latest Headlines