Waxaa ay qaadacaado kala duwan ka soo baxay qaar ka mid ah Musharaxiinta Maamul Goboleedka Puntland iyo Odayaal dhaqameeyada qaar ka mid ah taasoo la xiriirta xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ay shalay ku dhawaaqeen Gudiga Ansixinta khilaafadka ayna kaga dhawaaqeen Magaalada Garoowe.
Musharax Aadan Maxamed Ciise “ Gadaale” ayaa sheegay in xubnaha Baarlamaanka cusub ee ay shalay soo macaabeen Gudiga Ansinxintu ay yihiin kuwo aan laga fiirsan lagana leeyahay u jeedo ah in dib loo dhigo wakhti doorashooyinka, wuxuuna sidaa ka yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe.
Aadan Maxamed Ciise ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday in Dowlada hada jirtaa aysan marna daacad ka ahayn in ay qabsoonto dorashadu wuxuuna arintaas Aadan Maxamed Ciise ku sababeeyay arimo ilaa sadex ahaa oo ay ka mid ahaayeen 1- dib u ridida wakhti doorahooyinka 2- Maxkamadayenta dad loogu tilmamaay in ay faldambiyeedyo galeen 3- Beelaha qaar oo loo diiday Xubnihii ay soo magacowdeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Aadan Maxamed Ciise “Gadaale” ayaa dhinaca kale farta ku fiiqay in si xal looga gaaro is haysiga jira sidoo kale loo meel mariyo heshiiskii ay wada gaareen Musharaxiinta iyo Maamulku loo baahan yahay in qodobadan ay xukuumada wax ka qabto 1- xubnaha la isku haysto in si deg deg ah gacanta looga galiyo Isimada 2- in Dowladu aysan fara galin ku sameyn Xulida xubnaha Cusub una daayso Qabaa’ilka 3- in Dowladu ay amniga Magaalada Garoowe wax ka qabato iyadoo eegaysa heshiiskii la wada gaaray.
Sidoo kale waxa uu Gadaale maamulka puntland ku eedayay in Xubnaha Cusub ee ay soo magacowdaan Qabaa’ilka ee aan raacsanayn siyaasadeeda ay ku garab dhijiso qof taargeersan iyada ayna laaluush ku bixiso sidiiuu u soo bixi lahaa qofka iyada taageersan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhinac kale wax ay qaadacaado kala duwan ka soo baxeen qaar ka mid ah Odayaal dhaqameeydada Beelaha daga Deegaanada Puntland waxayna Odaayshaas oo isku jiray Baaldaajeyaal Cuqaal iyo kuwa kaleba ay Saxafada u sheegeen in aysan marna ku raali ahayn xubnaha la soo magacaabay .
Qaadacada ka soo kala baxday Odayaal dhaqameeyada iyo Musharaxiinta ee la xiriirta magacaabista Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo 9 Maalmood oo kaliya ay ka dhiman tahay wakhtiga la qorsheeyay in ay dhacdo doorashada Madaxtinimada Puntland oo ku began 8-1-2009

Related posts:
waxaan umalaynayaa in ay saxsayihiin isimada iyo musharaxiinta utaagan madaxtinimada puntland ee dowlad gobpleedka ah waayo madaxda haysta dowlada waxaa ka muuqda muqmaaasuq iyo xil iibsasho muuqata iyo in dibloodhigo doorasha dowlad goboleedka puntland oo lugu wado in dhacdo 8\bisha 1\2009 taasina waxay keenikartaa isku dhac ka yimaada doorashooyinka waxaan ka digayaa in waxaas dowladu ka waan towdo oo lamaro jidka saxda ah hadii kale waxay keenaysaa cawwaqib xumo