Jaaliyadda Muslimiinta Denmark oo kulan ka Yeelatay Xasuuqa Qazza

Published on December 31, 2008 by   ·   3 Comments   ·   print

Jaaliyadda Muslimiinta Magaalada Aarhus ee Denmark ayaa Habeen hore kulan ku saabsan Xasuuqa Arxan darada ah ee ay Yuhuudu ka wado Magaalada Qazza ka yeelatay, iyada Caawana lagu wado in ay Tahajud ay alle uga baryayaan in uu walaalaha Qazza ka qabto Yuhuudana yeelanaya.{Daawo Sawirada}

Kulanka habeen hore waxaa Muxaadarooyin Qiimo badan oo qiiro leh ka soo kala jeediyay Sheekh Ihaab Abulibda Alxusayn oo Falastiini ah isla markaana Macallin ka ah Masjidka Al-Aqsaa ee ay Yuhuudu Xooga ku haysato iyo Sheekh C/Qani Qorane Maxamed.

Kulankani ayaa lagu furay Muxaadaro uu soo jeediyay Sheekh C/Qani kaas oo uu uga hadlay:- Muxuu yahay waajibka naga saaran Walaaleheenna Reer Qazza.

Sheekha ayaa kalimadaasi ku Bayaaniyay in Sunnada kowniga ah ay ka mid tahay inuu ilaahay imtixaano ummad walba in u dhiganta iimaankeeda. Wuxuuna ka hadlay xanuunka iyo muquragdeenna ku aaddan dhibka walaalaha loogeystay. Wuxuuna sidoo kale hambalyo iyo duco u diray Shuhadada iyo Eheladooda.

gunaanadkii ayuu sheekhu tilmaan xilka inaka saaran agoonta,Dhaawaca iyo Dhammaan dhibbanayaasha Weerarkaas bahalnimada ah ee Yuhuuddu ku qaadday reer Qazza.

Kalimada labaad oo la siiyay Sheekh Ihaab Abulibda Alxusayn ayaa ka hadlay Mowduuc ah “Farriin ka timid Al-Aqsaa” wuxuuna si aad ah ugu nuux-nuuxsaday Taariikhdii dheereyd ee uu soo maray masjidka Al-Aqsaa iyo Dhibaatooyinkii uu soo maray tan iyo intii la dhisay.

Sheekha ayaa soo bandhigay sawirro aad looga tiiraanyoodo muujinayana in Masjidka uu haatan halis u yahay in gabi ahaantiisaba uu dumo, godadka waaweyn ee ay qoditaakooda ka wadaan Yuhuuda masjidka hoostiisa aawadood, kuwaas oo ay qodayeen tan iyo muddo sanawad badan ah.

Sheekha ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirrada qaar kamid ah darbiyada Masjidka oo ay ku yaallaan dillaacyo dhaadheer iyo qeybo ka mid ah sagxadda dhulka ee masjidka oo hoos u duntay. Farriintaas ayaa si aad ah u sii murugo gelisay dadkii ka soo qeyb-galay kualnka iyagoo markii horeba la tiitiiranyeysnaa gumaadka ba’an ee ka socda Qazza.

Dhanka kale Galabkii waxaa magaalooyinka Copenhagen, Aarhus iyo Odenseba ka dhacay mudaaharaadyo aad u waaweyn, oo looga soo horjeeda Gumaadka Bahalnimada ah ee ay Yuhuuda har iyo Habeena ku hayso walaalaha Qazza har iyo Habeenba waxay Dibad baxayaashu ku dhawaaqayeen Hal ku dhagyo ay ka mid yihiin “Dhiigaanaga iyo Naftaanadaan kugu furanaynaa Qazza”, “waxaan aaminsanahay in waxa ku dhacaya Walaalaha qazza ay Yihiin wax nagu dhacaya” “Reer Galbeedkoow na qaada Naftaan Huraynaaye” “Qaza ma Dhiman doonto” iyo erayo kale oo badan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 5-aad, Go’doomin ka dib
  2. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 4-aad, Go’doomin ka dib
  3. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 3-aad, Go’doomin ka dib
  4. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 2-aad, Go’doomin ka dib
  5. Xasuuqa ka dhacay Xamar muxuu xanbaarsanyahay?

Readers Comments (3)

  1. Ixsaan says:

    Ilaahay ha u gargaaro muslimiinta meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan reer qasa Yuhuuddana ha jabiyo.

    xaqiiqtan waa arrin aad u xanuun badan waxa ku dhacaaya reer qasa iyo Falastiin.

    Guul muslinka gaalada ha jabto

  2. Abdikarim says:

    Ac/w/w Bacda salaan allah waxaaan ubaryeenaa dhamaan muslimiinta in uu ka qaado culeesyada iyo dhibaatooyinka alaahna uu isku soo dumo caqliyadooda xoogooda maalkooda iyo dhamaan wixii horumar ay ku gaari karaan dhamaan muslimiinta, sidaan lawada socono dhibaatooyinka muslimiinta lagu hayo qaza oo kaliyah mahan ee meelo badan oo muslimiinta wadamadooda ah ayaa lagu hayaa alaahna waxaan ka rajaynaynaa in uu alaah ka qaadi doono dhibaatada ay gaaladu ku hayaan muslimiinta dhibka iyo cadaadiska lagu hayo muslimiinta alaah nasrigiisa ayaa ugu soo deg degaya, dhamaan muslimiinta guul ayaan urajaynayaa ee halasamro oo imdtixaanadka socda ha loo dhabar adeego, w/w/w

  3. Cabdi caaqil says:

    beesha caalamka gaalada ninkii wax ka sugayow ku tusaalo qaado cadaalada beesha caalamka gaalada waa taas
    ninkii raba inuu lacag ka qaato ama diyaaradahooda iyo huteeladooda ku raaxaysto idaacadahoodana ka hadlaa asagu waa uu hilayaa waxii loo balanqaaday oo dhaqaale iyo magac gaalo dhexdeeda ah waase markuu qabto shaqadii loo xilsaaray oo ah ladagaalanka muslimiinta haduu ku guuldaraysto inuu shaqadaas fuliyo asagana waxaa sugaysa wadadii ragii shaqadaas loo diray oo ka soo bixiwaayay sida Cali Maxamed Geedi, C/laahi Yuusuf , Maxamed dheeri iyo iyo …………..
    shiikh shariif iyo janaqaw iyo dhamaan reer jabuuti haku baraarugaan arintaas intay goori goor tahay
    beel caalam ma jirto ee rabi caalam baa jira eee haku tiirsadaan hana aaminaan macnaha faataxada ha gartaan (iyaaka nacbudu Wa iyaaka Nastaciino) nin gaala kaalmaystay umada soomaliyeed kuma cusba aduunka muslimkaana kuma cusba
    alow xaq u hiili
    scwwb




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 5-aad, Go’doomin ka dib
  2. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 4-aad, Go’doomin ka dib
  3. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 3-aad, Go’doomin ka dib
  4. Qazza oo Gubanaysa Maalintii 2-aad, Go’doomin ka dib
  5. Xasuuqa ka dhacay Xamar muxuu xanbaarsanyahay?

Latest Headlines