Israsaaseyn muddo kooban socotey ayaa barqanimadii manta ku dhex martey labo ciidan oo ka wada tirsan kuwa DKMG ah, Suuqa Dabakaaya-Madow ee Degmada Dharkeynlay.
Israsaaseynta ayaa inta la ogsoon yahey waxaa ku dhintey 2 Qof oo rayid ah oo ka mid ahaa Dadkii Rayidka ahaa ee goobta iska hor’imaadku ka dhacey ka agdhawaa.
Israsaaseynta ayaa timid ka dib markii ka dib markii ay si kedis ah isaga horyimaadeen labo ciidan oo kuwa DKMG ah ka wada tirsan, basle qaarna dhaca gaysanayeen kuwo kalena diidanaayeen.
Iska hor’imaadka oo muddo kooban socotey ka dib, waxaa istaagey dhaq dhaqaaqyii kala duwanaa ee ka jirey goobta iska hor’imaadku ka dhacey ee Xaafada Dabakaaya-Madow.
Lama oga khasaaraha kala gaarey labadii ciidan ee iska hor’imaadku dhex marey, basle muddo ka dib goobtii ay ku sugnaayeen ayey ku kala tageen.
Iska hor’imaadyada noocan oo kale ah ee dhex mara ciidamada DKMGa h ayaa ah kuwo ay ka khasaarooyin kala duwan ka soo gaaraan Dadka Rayidka ee agdhow goobaha ay dirirtu ku dhex marto.

Related posts:
Aad baan uga Xumahay inaa maalin Walba Maqlo dagaal,qarax ama israsaasayn ayaa meel heblaayo ka dhacday Waxaan khasaaraha inta badani kasoo kaaray dad rayid ah Oo agaraarka ka dhow Maxay ku dhacdaa arintaas inta badan oo balada is laynaysa khasaaruhu u gaari waayey? aan isku jawaabo Oo aniga waxay ila tahay Waa Danbi ay galabsadeen shacabka Soomaaliyeed Waxaana ugu baaqayaa inay Rabi ka baryaan inuu balyaada kuwa sameeya kaliya ku ekeeyo dhibaatadana ugu badalo Nabad,barwaaqo iyo khayraad farabad khaaliqu raxmaan isgaa wax kasta awoodee. InSha’All Aamiin,Aamiin,Aaaamiiiin!.