Gudaha suuqa Baydhabo oo goor dhow lagu toogtay Haweynay.

Published on December 31, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ahna xarunta Baarlamaanka KMG ah ayaa waxaa ku soo siyaadayay dilalka iyo qaraxyada qorshaysan waayahanba.

Waxaa goor dhow gudaha Suuqa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay lagu toogtay mid ka mid ah Haweynay ka mid ah Haweenka Degmada Baydhabo degan.

Kooxo aan la garaneenin ayaa waxaa Barqanimadii Maanta dil ugu geystay Haweynay la sheegay in ay u adeegto ciidamada shisheeye ee Dowladda Itoobiya,taasi oo meykeeda goor dhow laga qaaday gudaha suuqa Baydhabo.

Meydka Haweyneydaani ayaa waxa uu muddo kooban uu dhexyaalay gudaha Suuqa Baydhabo, iyagoo kooxaha toogay ay ka soo carartay markii ay aragtay in la dilo rabo,walaw dad goob joogayaal ah ay sheegayaan in ay soo gashay dukaan, halkaasi oo markii dambe lagu toogay.

Waxa isku soo xoomay Dadweynaha Suuqa Baydhabo, iyadoona markii dambe ay Dadka kala yaaceen, iyadoona qaar ka mid ah goobaha gacansiga ay saacado kooban ay xirnaayeen, bacdamaa markii dambe uu dib u furmeen goobihii Ganacsiga ee suuqaasi.

Goobta dilka ka dhacay ayaan imaanin wax ciidamada ah oo ka socda dhanka Dowladda xitaa kuwa Booliiska Dowladda KMG, iyadoona goor dhow meydka Haweyneydaasi laga qaaday suuqa Gurigeedana loo kaxeeyay.

Ma ahan markii ugu horaysay oo gudaha Suuqa Baydhabo lagu dilo haweyn, dhor maalin ka hor ayay aheyd markii gudaha suuqa Baydhabo lagu dilay 2 haweyn oo iyana u adeegayay ciidamada gumeysiga ee Itoobiya



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Haweynay goor dhow lagu dilay Baydhabo.
  2. Sarkaal sare oo ka tirsan DKMG ah oo goor dhow lagu dilay Baydhabo.
  3. Sarkaal Dowladda Hoose ka tirsan oo Baydhabo lagu toogtay.
  4. 3 Qarax oo goor dhow ka dhacay Baydhabo.
  5. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo

Readers Comments (1)

  1. Deeq Yusuf says:

    Hala qaarijiyo wixii basaas ah waayo waa acdaa’a diin.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Haweynay goor dhow lagu dilay Baydhabo.
  2. Sarkaal sare oo ka tirsan DKMG ah oo goor dhow lagu dilay Baydhabo.
  3. Sarkaal Dowladda Hoose ka tirsan oo Baydhabo lagu toogtay.
  4. 3 Qarax oo goor dhow ka dhacay Baydhabo.
  5. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo

Latest Headlines